Wasiirada Arimaha Dibada ee Somalia oo Somaliland ku wajahan Kadib Markii Ay Ogaatay In Xilka Laga qaadayo”Xog Kaa Qarsanayd Akhriso

0
Thursday August 01, 2013 - 11:38:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Arimaha Dibada ee Somalia oo Somaliland ku wajahan Kadib Markii Ay Ogaatay In Xilka Laga qaadayo”Xog Kaa Qarsanayd Akhriso

    Wasiiradda Arrimaha dibadda Somalia Fawsiya Haji Adam oo la xaqiijiyay inaysan ku jirin golaha cusub ee Xukumadda Federalka Somalia ayaa Muqdisho ka biloowday abaabul ka dhana beelweynta Habargidir iyo Dowladda Federalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiradda Arrimaha dibadda Somalia Fawsiya Haji Adam oo la xaqiijiyay inaysan ku jirin golaha cusub ee Xukumadda Federalka Somalia ayaa Muqdisho ka biloowday abaabul ka dhana beelweynta Habargidir iyo Dowladda Federalka

Muqdisho(xogreebnews.com-Wasiiradda Arrimaha dibadda Somalia Fawsiya Haji Adam oo la xaqiijiyay inaysan ku jirin golaha cusub ee Xukumadda Federalka Somalia ayaa Muqdisho ka biloowday abaabul ka dhana beelweynta Habargidir iyo Dowladda Federalka Somalia.

Fawsiya Haji Adam waxay gurigeeda Muqdisho ku qabatay shir ay iskugu yeertay dhamaan Siyaasiyiinta iyo odayaal dhaqameedyada beesha Biyamaal kuwaas oo ay la kulansiisay Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud.

Beesha Habargidir oo mudo dheer dagaal ugu jiray difaacida qadiyada Wasiirada Arrimaha dibadda Somalia Fawsiya Yusuf Haji Adam ayey filan waa ku noqotay kadib markeey ogaadeen inay taageero dhaqaale siisay Maleeshiyo beeleedka Biyamaal ee Gobolka Shabeelada hoose ku laayay qoysas beeraleeya oo u dhashay Habargidir .


Beesha Habargidir waxay ku faani jireen in Fawsiya tahay gabadhooda maadama ay dhashay Caruur Habargidira hasse yeeshee marnaba xisaabta uguma jirin inay tahay maskaxda ka dambeysa Colaada Shabeeladda hoose ee gumaadka iyo barakicinta Habargidir ,

Wasiirad Fawsiya oo dhaqaale badan heshay mudadii ay xilka heysay waxay ku wajahan tahay Somaliland oo la xaqiijiyay inay heshiis siyaasadeed la gaartay kadib markii Madaxweyne Siilaanyo aqbalay inuu Wasiirka Arrimaha gudaha u magacaabo Siyaasiga Cali Warancade oo Fawsiya isla yihiin beesha Isxaaq Habar yoonis.
Fawsiya sababaha xilka qaadisteeda waxaa sabab looga dhigay arrimo isbarkan oo ay ka mid yihiin :
1- iyadoo Sirtii Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia u gudbisay Somaliland,kuna sheegtay in laga xaday.IMG_0212-1024x576
2- Iyadoo Diblomaasiyiinta reer Galbeedka ku sifeeyeen in waxyaabaheey ku wada hadlaan ka sheegto meel walba {Qof aan xog qarin diblomaasiyadeed laheen}

foosiya-x
3-iyadoo noqotay qof fudud oo Madaxweynaha iyo Ra”isulwasaraha iskala weyn hadana mar walba ku dhegan qadiyadda madaxbanaanida Somaliland

.DSC09909
4- Iyadoo lagu helay laaluush ay ka qaadatay Shirkado ganacsi iyo Hay”ado gaar loo leeyahay.

5- Iyadoo astaan u noqotay qabyaalad iyo waaya aragnimo la-aan diblomaasiyadeed.
6- Iyadoo ku kacday qiyaano Qaran,una saxiixday Dowladda Kenya lahaanshaha qeybo ka tirsan Badda Somalia.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured