Booliiska Borama oo Indhaha ka qarsanaya Xildhibaano Somaliya ah oo ku sugan

0
Thursday August 01, 2013 - 11:31:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Borama oo Indhaha ka qarsanaya Xildhibaano Somaliya ah oo ku sugan

    Borama(xogreebnews.com- Booliiska magaaladda Boorama ayaa la sheegayaa in ay Indhaha ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Borama(xogreebnews.com- Booliiska magaaladda Boorama ayaa la sheegayaa in ay Indhaha ka
Borama(xogreebnews.com- Booliiska magaaladda Boorama ayaa la sheegayaa in ay Indhaha ka qarsanayaan qabashada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo ku sugan magaaladda Borama, kuwaas oo ka dhuumanaya Booliiska.

Sida uu xogreebnews.com-ugu soo waramayo wariye ku sugan magaaladda Boorama waxa jooga laba xildhibaan oo la kala yidhaahdo Xasan Sonkora-liin iyo Xildhibaan Sitiin, halka uu ka baxay magaaladaasi Xildhibaan kale oo la sheegay in uu ku sugnaa balse markii saxaafaddu baahisay ka baxay.


Ma cada sababta Xildhibaanada Somaliya ee la sheegayo in ay ku sugan yihiin Borama Booliisku u qaban la’yihiin, laakiin sida ilaha xogogaalka ah ee Reer Borama qaarkood sheegayaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan Darteed waxa u suurtogasha kooxdan in ay maalintii dhuuntaan habeenkiina guryo ay degan yihiin ku qayilaan.

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkii Turkiga diiday soo jeedin ay siyaasiyiinta Somaliya ku soo darsadeen qoddobada wadahadalka kaasoo ahaa in ay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland booqan karaan Eheladooda Somaliland ku Nool balse Weftigii Somaliland si weyn ayay arrintaas uga soo horjeesteen.

Laakiin siyaasiyiinta Reer Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Somaliya go’aanka Somaliland kumay joogsane siyaabo dhuumasho ah ayay Dalka ku soo galaan, qaarkoodna waa la qabtay oo la mastaafuriyay qaarkood-na si qarsoodi ah ayay ku soo galaan iyadoo ay ugu danbeeyeen laba Xildhibaan oo Haween ah oo midi booqasho ku timi Barriga sanaag, ta kalena Gobolka Awdal.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured