Guddi Salaadiin ah oo isku Xil-qaamay inay dhexdhexaadiyaan Xukuumadda iyo Golaha Madaxa-banaan ee Wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo Maalmihiila soo dhaafay uu dhex-maray Weeraro siyaasadeed oo si toos ah Warbaahinta kala duwan la isugu marinaayey, ayaa ku guuldaraystay inay isa soo hor fadhiisiyaan Madaxweynaha iyo Xubnaha Golahaas

0
Thursday August 01, 2013 - 11:12:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddi Salaadiin ah oo isku Xil-qaamay inay dhexdhexaadiyaan Xukuumadda iyo Golaha Madaxa-banaan ee Wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo Maalmihiila soo dhaafay uu dhex-maray Weeraro siyaasadeed oo si toos ah Warbaahinta kala duwan la isugu marinaayey, ayaa ku guuldaraystay inay isa soo hor fadhiisiyaan Madaxweynaha iyo Xubnaha Golahaas

    Kulankii La isku Soo Hor fadhiisin Lahaa Madaxweynaha Iyo Golaha Wada-tashiga Oo Dib U Dhacay, Maxayse Tahay Sababtu?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii La isku Soo Hor fadhiisin Lahaa Madaxweynaha Iyo Golaha Wada-tashiga Oo Dib U Dhacay, Maxayse Tahay Sababtu?
Hargaysa(xogreebnews.com-:-Guddi Salaadiin ah oo isku Xil-qaamay inay dhexdhexaadiyaan Xukuumadda iyo Golaha Madaxa-banaan ee Wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo Maalmihii la soo dhaafay uu dhex-maray Weeraro siyaasadeed oo si toos ah Warbaahinta kala duwan la isugu marinaayey, ayaa ku guuldaraystay inay isa soo hor fadhiisiyaan Madaxweynaha iyo Xubnaha Golahaas.
Kulanka oo habeenkii Xalay ahaa loo balansanaa inuu Madaxtooyada ka qabsoomo, ayaa baaqday, sababo aan la cadayn awgeed, hase yeeshee lama cayimin wakhti dambe oo kulankan fool ka fool ah la isku soo



horfadhiisin doono Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha madaxa-banaan ee Wada-tashiga iyo toosinta qaranka.
Warar madax-banaan oo ay Shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews heshay, ayaa waxay tibaaxayaan in rajo fiican laga qabo in mar kale isku dayo si la isugu keeno Madaxweynaha iyo Golaha wada-tashiga, iyadoo ujeedaduna tahay sidii loo abuuri lahaa jawi degan oo wada-hadalladu ku furmaan si markaas diiradda loo saaro waxyaabaha labada dhinac isku seegan yihiin.
Warku waxa uu intaas ku daray in kulankaas aanay ka soo xaadiri doonin golaha Xukuumadda Madaxwweyne Siilaanyo oo iyaga laftooda loo arkay inay Xaaladda dab ku sii shideen, iyadoo Warbaahinta dawladda cambaareyn ka wadeen Xubno Wasiiro ah oo fasiraad khaldan ka bixinaayey Golahaas.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sas ka qaaday Golaha madaxa-banaan ee Wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo bilowgii bisha barakaysan ee Ramadaanta lagu dhawaaqay, kuwaasoo qacdii horeba Madaxweynaha u soo bandhigay 16 qodob oo ay u arkeen inay yihiin galdaloolooyinka Xukuumadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured