WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI ) QORMADII 22AAD

0
Wednesday July 31, 2013 - 19:29:33 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI ) QORMADII 22AAD

    Rasuulku (NNKHH) wuxuu yidhi ´´ soon waxa ugu fadli badan marka laga yimaad soon bisha ramadaan 22. FADLIGA QIYAAMU LAYLKA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasuulku (NNKHH) wuxuu yidhi ´´ soon waxa ugu fadli badan marka laga yimaad soon bisha ramadaan 22. FADLIGA QIYAAMU LAYLKA. Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni labo iyo labaatanaad oo aynu kaga hadli doono qiyaamu laylka bisha ramadaan.
15%; mso-bidi-font-family: Calibri; mso-ansi-language: EN">maanta waxaynu ka hadli doonaa fadliga uu leeyahay qiyaamu laylku, maadaama aynu ku jirno tabankii danbe ee ramadaan, hadaba waxaynu hadli doonaa in Rabi la isku taago habeenka galinkiisa danbe, ajarka uu leeyaahay, qofka muslimka ahi wuxuu ka dhaxli karo, runtii waa salaad suna ah, laakiin ajarka ay leedahay ayaa aad iyo aad u wayn, in Rabi la isku taago habeenka galinkiisa danbe, oo la baryo gaar ahaan tobankan danbe ee ramadaan runtii waa arin laga yaaba in fursado badan ka dhex hesho, sidda habeenka ka fadliga badan 1000- habeen, in lagugu danbi dhaafo, in lagu dajiyo maalinka danbe guryaha janada, intaa aan sheegayba waxa iska leh dadka istaaga habeenka galinkiisa danbe.


Rasuulku (NNKHH) wuxuu yidhi ´´ soon waxa ugu fadli badan marka laga yimaad soon bisha ramadaan, soonka bisha muxaram, salaada iyadna waxa ugu fadli badan marka laga yimaad salaadaha shanta´ah salaada habeenka galinkiisa danbe loo kaco´´

Hadaba maxaad u malayn salaada lagu soo xigsiiyey salaadihii faralka ahaa, salaad ajarkeeda la inoo bayaamiyey, runtii waxa wacan inaynu ku da´daalno, ajar waynu rabnaa, danbi dhaafna waynu dalbanaynaa, hadaba si aad intaa u hesho qiyaamu layl tuko.

Nabiga (NNKHH) markuu yimid madiina, una soo hijirooday, wuxuu dadkii reer madiin u sheegay ´´saddex arin oo u balan qaaday qofkii sameeya guryaha janada waxaana ka mid ahaa......... oo ay ku jirtay qofka kaca habeenka galinkiisa danbe dadka oo hurda...´´

Maxay kula tahay hadaad taagnaanto saacado gudahood, dadkoo hurdana kacdo, daalyar Rabi dartii u dareento, kuna doorsato guryaha janadda kuwa ugu qaalisan, kana hesho in Rabigaa kuugu danbi dhaafo, waxaan u malayn intaynu raadinayno waxaynu ka dhex heli qiyaamu layl.

Rasuulka (NNKHH) siday ca´isha Eebe raali haka noqdee tilmaamayso markay ka sheekaynaysay waxay tidhi ´´ habeen ayuu istaagay Rasuulku (NNKHH), ilaa oo uu ooyey, lugihiisu dildilaaceen, ilmadu gadhkiisa qoysay, kadib ayaan ku idhi Rasuulkii ilaahayaw (NNKHH), maxaad naftaada sidan ugu galaysaa isagoo Eebe danbigaagii hore iyo kaagii danbaba dhaafay, kolkaas ayuu Nabigu ( NNKHH) yidhi caa´ishaay miyaanan ahayn mid Rabigii u mahadnaqa´´

Waa fursada aynu xataa ugu mahadniqi karno Rabigeen, ku raali galin karo Eebaheen, maxaad u malay Nabi muxamed (NNKHH) oo danbigiisii hore iyo kiisi danbe la dhaafay ayaa mahadnaqa intaa leeg la imanayee, adiga oo maalin kasta danbaaba mahadnaqaaga maxaa loo malayn, hadaba aynu mahadnaqno, Allaheena u tawbad keeno

Maanta waynu garanay fadliga uu leeyahay in qofku habeenka galinkiisa danbe Rabigii isku taago si una caabudo, una ducaysto, camal kasta oo khayr lehna ula yimaado, Rabina qofkasta wuxuu rabo gacan uga galiyo, khayr ayenu faa´idi inagu, Allaheena waynu raali galin, intaana waxaan ku soo af meerayaa qormadeenii labo iyo labaatanaad, intaan aqoon korodhsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKUM WARAX MATULLAAHI WABARAKAATUH.
wirdaani@hotmail.com
Alpha University
Hargaysa Somaliland
LA SOCO.................



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured