Sirta Ku Jirta Dumarka Oo Laga Qosliyo & Daraasad Lagu Sheegay Inay Dumarku Toban Laab Ka Jecel Yihiin Ninka Qaabka Soo Jiidashada Leh Ninka Ka Qosliya

0
Wednesday July 31, 2013 - 17:32:47 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta Ku Jirta Dumarka Oo Laga Qosliyo & Daraasad Lagu Sheegay Inay Dumarku Toban Laab Ka Jecel Yihiin Ninka Qaabka Soo Jiidashada Leh Ninka Ka Qosliya

    (xogreebnews.com) Waxaa jira odhaaho badan oo lagu sheego in Ragga wadada ugu dhow ee qalbigooda lagu hanankaro ay tahay caloosha oo loo illaaliyo halka dumarku ay taa aad uga duwan yihiin lana sheego in hanashada qalbiga dumarku uu yahay ka farxinte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.com) Waxaa jira odhaaho badan oo lagu sheego in Ragga wadada ugu dhow ee qalbigooda lagu hanankaro ay tahay caloosha oo loo illaaliyo halka dumarku ay taa aad uga duwan yihiin lana sheego in hanashada qalbiga dumarku uu yahay ka farxinteeda ama ka qoslinteeda,
(xogreebnews.com) Waxaa jira odhaaho badan oo lagu sheego in Ragga wadada ugu dhow ee qalbigooda lagu hanankaro ay tahay caloosha oo loo illaaliyo halka dumarku ay taa aad uga duwan yihiin lana sheego in hanashada qalbiga dumarku uu yahay ka farxinteeda ama ka qoslinteeda,

Hadaba daraasadan ayaa lagu sheegay in Raggu inta badan marka ugu horeysa ee ay la kulmaan gabadh qurux badan ay isku dayaan inay soo jiitaan iyagoo uga sheekeeya khibradoodii hore & sida ay shaqada ugu wanaagsan yihiin ama heerka uu ka gaadhay shaqadiisa ama ganacsigiisa Laakiin Ragga isticmaala dariiqaasi aanay inaba la sineyn Ragga isticmaala hubka qosolka ama gabadha dhowr jeer oo kalla duwan ka qosliya ama kaga dhoollo cadeeysiiya, Warbixintan ayaa sheegtay in dumarku ay ninka ka qosliya ama ka farxiya ay toban laab ka jecel yihiin ninka qaabkiisu soo jiidashada leeyahay ama quruxda badanba iyadoo qaabka ay warbixintan u qortay uu ahaa (Dumarku ninka quruxda badan waxay jecel yihiin mar qudha ninka ka qosliyana toban jeer),


Iyadoo awooda dumarka ku dhalisa qosolku ay aad uga weyn tahay ta murugada ku keenta ayaa hadana Ragga adeegsada Hubka qosolka ay hellaan dariiqa lagu hanan karo qalbiga Haweenka oo aan iyagu kaba hellin sheekooyinka Siyaasada & Taariikhaha, Hadaba iyadoo arimahaas oo dhan ay jiraan ayaa jaamacado badan oo ku yaalla wadamada Austria & Bangalore, Hindiya & Mareykanku ay baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in qosolku uu yareeyo hormoonada Epinephrine & Cortisol oo keena werwerka taasoo keenaysa in haweenku ay ka yara nastaan werwerkaa inta ay qosolkaa & sheekadaa hallaasigaa ku jiraan,




Warbixintan ayaa sidoo kalle sheegtay in fadhiyada qosolka la isku weydaarsadaa ay keenaan inuu qofku hello caafimaad fiican taasoo keenta inuu qofku la tacaallo mushaakilka maalinlaha ah ee soo mara, Iyadoo lagu soo gabagabeeyey in Tababaro ku saabsan sidii uu qofku u noqon lahaa mid farxsan lagu daray manhajka waxbarashada iskuulada & machadyada gaarka ah & goobaha shaqadaba ee wadamo badan oo aduunka ah,

Hadaba maxay kulla tahay adiguse halkaad ka taagan tahay arintan ma waxaad tahay Ragga ka qosliya Hablaha mise waxaad tahay kuwa ka sheekeeya arimo kalle oo laga yaabo in aanay dumarku xiiseyn, iyadoo laga yaabo in rag badan oo Soomaaliyeed ay u haystaan in qosolku yahay arin fudud ama aan munaasib ku ahayn ayaa hadana halkan lagu sheegayaa Sirta qosolkaa ku jirta, waxaan fillayaa inay dad badan ka faa,iideystaan,
DIYAARIYE Zaki Adam Suxufi Tell;4848111 Ama 9848111
xogreebnws.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured