Halkee ay ku danbaysay Dacwadii Mamulihii Cashuraha Bariga Berbera ee uu wasiirka maliyaddu ku balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan loo qaadi doono? Qaybtii Saddexaad Qormooyin Taxane ah oo ku Saabsan Xadhigii Mamulihii Cashuuraha Bariga ee Gobolk–

0
Tuesday July 30, 2013 - 23:12:17 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee ay ku danbaysay Dacwadii Mamulihii Cashuraha Bariga Berbera ee uu wasiirka maliyaddu ku balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan loo qaadi doono? Qaybtii Saddexaad Qormooyin Taxane ah oo ku Saabsan Xadhigii Mamulihii Cashuuraha Bariga ee Gobolk–

    Malintii ay taariikhdu ahayd 24/7/2013 ayay xeer-ilalinta guud ee Somaliland ay soo saartay galdacwadeedkii Mamulihii cashuuraha bariga ee berbera mr C/qani Muhumed Guleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malintii ay taariikhdu ahayd 24/7/2013 ayay xeer-ilalinta guud ee Somaliland ay soo saartay galdacwadeedkii Mamulihii cashuuraha bariga ee berbera mr C/qani Muhumed Guleed Malintii ay taariikhdu ahayd 24/7/2013 ayay xeer-ilalinta guud ee Somaliland ay soo saartay galdacwadeedkii Mamulihii cashuuraha bariga ee berbera mr C/qani Muhumed Guleed (Cawaale) waxaana lagu wareejiyay Yusuf Bixii oo ah xeer-iliyaha gobolka Saxil ee Berbera. Mr Yusuf Bixi oo ah dadka faro ku tiriska ah ee leh mihnada sharci ee waafiga ah. Hadaba tan iyo intii galdacwadeedka lagu wareejiyay xeer- ilaliyaha gobolka bulsha weynta Gobolka Saxil waxay u dhagtagayeen mudaynta malinta ay dacwadu bilaabmayso si ay u ogaato bud-dhiga dacwadaasi iyo halka ay ku biyo shubato taasi oo bulshawaynta Somaliland u aragto dulmane daalimkii looga hiilinaayo. “God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid”.


Hadaba sida aynu hore ugu sharaxnay Maqaladeenii hore xadhiga C/qani Mahamed Guleed (Cawaale) ee bil jirsaday waxaad moodaa in la siyasadeeyay oo ay siyasadeeyeen Masuuliyiin mihnado iyo mansabyo kala duwan ka haya mamulka dawlada Somaliland kuwaasi oo danbabasaaya daahna saraaya dano gaar ah oo ay leeyihiin iyo dabino ay maleegeen Gaar ahaan masuuliyiinta ka soo jeeda gobolka Saxil oo ay farsamadoodii noqotay qoorta kala soco “Baadida ninba kula dooni daalna kabadane oo aan rabin in aad hesho daayin abidkaaye dadkuna ay moodayaan dulwada dhashoon wax u dahsoonayne” halkee wax ka qaldan yihiin ?. Nimankaasi gobolka saxil ka soo jeeda oo fashiladooda siyasadeed ay baday in ay waji ku macaashkaasi iyo idheh Siyasadeed ay dan moodeen ka dib markii bulshadoodii kala farabexeen waji kumacaashkaasi oo aynu wada ognahay waxii ay dhaxal siisay dawladii udub ee awooda badnayd. “ Qooley qoor qabad biyo kuma cabto”. “Qasab kuma balweyn karo”. Marin habaabintaasi sharci oo keeni karta in mustaqbalka qofkastaba uu ka indho qarsado xaqiiqada iyo xaqa uu arkaayo waxaa jirta xikmad dacawo laga soo xigto oo tidhaahda dacawoy walal qaybtaasi wanaagsan yaa ku baray iyo Jawaabtii Dacawada ee ahayd “ Isha Cali ka lulata”

Si kastaba ha ahaatee cadalad darada Baahday ee laga dhaxaley Mamulka kulmiye ee sida weyn loogu hanweyna in uu sameeyo is badal, badbaadinta iyo baadi doonka hiigsiga umadeed , sidii ay hore ugu xardheen buugoodii huruuda ahaa waqtigii ololihii dorashadda nasiib daro se ku caanbaxay dadna xoolee dadna xabsiga ku gur ,.

“Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye”. Taasi oo sababtay in ay bulshadii shalay dooratay ay ka soo horjeesato oo ay ku dhawaqaan ururo iyo goloyaal badbaado “Ceelna uma qodna cidina uma maqna”.

Hadaba waxay bulsho weynta Somaliland wasiirka Maliyadda Somaliland, xeel- ilalinta dawlada, iyo Masuuliyinta maxakamda gobolka Saxil uga fadhidaa xaqiijinta dacwada lagu eedeeyay mamulihii cashuuraha bariga ee berbera si loo xidho ama loo xaalmariyo Mr Cawaale, oo mudo bil ku dhaw iskaga xidhan Jeelka berbera ee gobolka Saaxil isagoon maxakamadii awooda u lahayd aan la gayn.ILLAYN TALOO KALE?

Laso qaybo mihiim ah oo aynu ku daah-rogidoono Fadeexado Mamul ee dul hoganaysa mamulka heer gobol iyo heer qaran ………………………………………………………………

Mahamed Abdi Hassan Hargeisa

Suxufi84@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured