Yaya Toure Oo Niyadda Ka Jibiyay Kooxaha Doonayay In Ay Ka Soo Jiitaan Kooxda Man City.

0
Friday March 29, 2013 - 09:11:09 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 4574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaya Toure Oo Niyadda Ka Jibiyay Kooxaha Doonayay In Ay Ka Soo Jiitaan Kooxda Man City.

    Yaya Toure ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man City ka dib markii ay isa soo tareen wararka sida weyn ula xariirinayay todobaadyadii ugu dambeeyay in uu ka tagayo kooxda Man City .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaya Toure ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man City ka dib markii ay isa soo tareen wararka sida weyn ula xariirinayay todobaadyadii ugu dambeeyay in uu ka tagayo kooxda Man City .

Yaya Toure Oo Niyadda Ka Jibiyay Kooxaha Doonayay In Ay Ka Soo Jiitaan Kooxda Man City.

Yaya Toure ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man Cityka dib markii ay isa soo tareen wararka sida weyn ula xariirinayay todobaadyadii ugu dambeeyay in uu ka tagayo kooxda Man City.



Laacibkaan qadka dhexe kubada ka sameeya ayaa si weyn loola xariiriyay kooxaha Real Madrid , Chelsea iyo PSG oo mushaar ka badan midka haatan uu ka qaato City shaaca ka qaaday in ay diyaar ula yihiin .

Yaya ayaa haatan wararkaas xad u yeelay ee saameyay mustaqbalkiisa ka dib markii wargeysyada Faransiiska qoreen in wadahadalo socday illaa maalintii sabtida laga gaaray hor mar kaas oo u dhaxeeyay Yaya iyo PSG .

Waxa uuna laacibkaan 29-sano jirka u sheegay wargeyska Sport d’Ivoire ee ka soo baxa Dalka Ivroy Coast “aniga uma socdo PSG , sida aad og tihiin marka loo soo dhawaado xilliga kala wareegga ciyaartooyda waxa suuqa soo gala wararka saadaalinta ee wargeysyada , illaa iyo haatan ma jiro naadi aan hishiis siiyay”.

” Waxaan xaqijinayaa in aan haatan ahay laacib ka tirsan Man City , waxaan u dagaalamayaa sidii xilli ciyaareedkaan meel wacan ula gaari lahaa kooxda “ayuu raaciyay farsamo yaqaankaan Man City .

Warar suuqa horay u soo galay ayaa sheegayay in Yaya Toure uu muddo afar cesho oo soo dhamaatay uu u qabtay maamulka City in ay hishiiska ugu cusbooneysiiyaan haddii ay dhici weydana in kooxo kale uu wadahadalo la furayo xilli wakiilkiisa uu maamulka City ku eedeeyay in muddo lix bil ah ka meermeerayeen in ay hishiis cusub siiyaan Yaya .

Hishiiskiisa haatan ee kooxda City ayuu Toure ku siman yahay xagaaga 2015-ka , sidaas oo ay tahay waxa uu laacibka ku jiraa ajandayaasha PSG iyo Real Madrid



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured