Maxaa Sababay In Ay Xukuumadda Siilaanyo Sas Ka qaado Golaha Wada tashiga Iyo Toosinta Qaranka ? " By Mirimiri Jaamac Faarax ".

0
Sunday July 21, 2013 - 22:22:54 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Ay Xukuumadda Siilaanyo Sas Ka qaado Golaha Wada tashiga Iyo Toosinta Qaranka ? " By Mirimiri Jaamac Faarax ".

    Ugu danbeyntii waxaan halkan ka hambalyaynayaa wadahadalka iyo heshiiska usocda Laba xisbi ee mucaarid sida Wadani iyo Ucid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu danbeyntii waxaan halkan ka hambalyaynayaa wadahadalka iyo heshiiska usocda Laba xisbi ee mucaarid sida Wadani iyo Ucid Burco-Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland oo hadh iyo habeen-ba u taagan ,wakhtigoodana u huray sidii bulshadooda ugu soo gudbin-lahaayeen dhacdooyinka dalka ka jira iyo daafaha Caalamka ,Iyaddoo Duruufaha ku xeeran iyo tacadiyada Xukuumadda jirtaa ku hayso ay beesha Caalamku ka dheregsantahay .
Dhanka kale mar marba ee be talada ku waafajiya , allaylehe ururkan Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka wakhtigii loo baahna ayaa lagu dhawaaqay , iyado aynu jar xun ka laalaadno ,oo jiraataankii somaliland madmadow badani ku jiro, iyado Qabyaaladii iyo Musuqmaasaqii faraha ka baxay ,iyadoo labadii

Xisbi ee mucaaridka awoodoodii yaraatay oo aad moodo in xuurto lagu haysto,iyado Askartii loo tababaray in ay shicibka soomaliland difaacaan dib argagixiso u geliyey isla markaana shicibkii guryahoodii habeenba guri samada kaga soo degaya, iyadoo ay dhaqamadaasi ay Xukuumadda Axmed Siilaanyo samaynaysaa ay ka midyihiin kuwii lagu yiqiinay taliskii Maxamed Siyaad Bare .
Waxaan leeyahay Golahani waa mid umadda reer Somaliland mudo dheer sugayeen ,xaq-na way u leeyihiin in ay ummada Somaliland dulmiga ka ilaaliyaan, oo afduubka lala damacsanyahay ka ilaaliyaan sidii ay horeba cadowgi uga difaaceen oo calanka maanta la hadhsanayo u taageen, boqolkiiba boqol waanu garab taaganahay ,waxaanan leeyahay Xukuumadda Siilaanyo ha la tashato ,hana joojiso aflagaadada iyo dacaayadaha riqiiska ah ee T-viyadda u gaarka ah ka sii daynayso ee Mujaahidiinta lagu caayaayo ,waxaanan ku wargalinayaa Axsaabta Mucaaridka iyo Golaha Madaxabanaan ee toosinta Qaranka in ay ka midoobaan sidii dalka doorashooyin deg deg ah looga qaban-lahaa si dalka loo badbaadiyo .
Ugu danbeyntii waxaan halkan ka hambalyaynayaa wadahadalka iyo heshiiska usocda Laba xisbi ee mucaarid sida Wadani iyo Ucid ,waxaananu ku rajiwaynahay in ay guul ka gaadhaan xurguftaasi la dhex-dhigay .
Mirimiri Jaamac Faarax .
Shiine614@yaahoo.com.
USA.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured