Xisbiyadii qaranka soomaalilan d oo noqday kuwa xilkoodii gabay.

0
Saturday July 20, 2013 - 20:00:47 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadii qaranka soomaalilan d oo noqday kuwa xilkoodii gabay.

    Bahda saxaafada iyo shacbiga Soomaalilndba waxaan ku salamaya salaanta islaamka ASCW.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahda saxaafada iyo shacbiga Soomaalilndba waxaan ku salamaya salaanta islaamka ASCW. qorIntaa ka dib waxaan doonayaa in ka dhiibto fikirkayga arin baryahan saxaafada S/ land aad u rogrogaysay arin taas oo ah Golaha wadatshi Qaran.
Golahan Wuxu xambaarsan yahay macnoyaal badan hadii Wadankeenii labadii Xisbi Qaran ee mucaaridka ahaa noqdeen kowo tamarin waayay oo bulshada u hadli waayay in odaashii Wadankan magaca iyo taariikhdaba kulahaa in ay hadlaan way ku saxsan yihiin.
Xisbiyadii Qaranka waxa ku dhacay filanwaa waxa la islahaa Xisbiga Qaranka UCID maamul cusub buu yeeshay oo siyaasadii hore wax badan buu Iska badalayaa hase yeeshee wali waxa ka hor Qaylinaya Gudoomiye Faysal iyo Cali Guray oo xitaa hadii ay wax wanaagsan ka hadlaan la odhanayo

War makuwii baa wali qaylinaya ,umadu way ka daashay Cali Guray iyo Faysal Cali waraabe oo taladoodu noqotay in ay Iska hadaaqaan,maalmahan danbana waxa muuqata in Xisbigii UCID uu fariomaha isku marinayo warbaahinta .Xisbiga Waddani oo ku cusub siyaasada S/land oo shacbiga S/land taageero badan siiyeen oo loo hanwaynaa ayaa noqday mid lagu khasaaray oo dadku ama Shacbigu is waydiinayaan waa maxay juuq la aantani Hugun iyo hadal toona lagama hayo.Sababo badan aawadeed Gudoomiyahooda oo ah Nin aad u qabow oo waliba Hargaysan Magacyo badan looga bixiyay isagoo ah Gudoomiyaha Baarlamanka S/land jagadaas oo ah xil aad u wayn ahna jagadaas sadexaad ee Wadanka.
Gudoomiyaha Baarlamanaka S/ land ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Wuxu ku tuntay Golihii barlamanka isagoo u adeegsaday awoodiisa oo ku darsaday shuruuc isaga u dan ah oo uu ku tagri falay.
Labada xil ee uu isku hayaa waxay sababeen in uu awoodi Kari waayo in uu Xisbigii Xisbi MUcaarid ah noqdo isagoo awooda iyo shaqada inta badan ku mashquulsan golaha baarlamanka.taasi waxay sababtay in shacbiwaynihii reer S/land ay codkoodii kala noqdeen.
Isku soo wada xoori Dalkii S/land Hadii xisbiyadii mucaaradkii meesha ka baxeen shacbigu waa u baahan yihiin in dawladan siday doonta yeelaysa cid ay ka waabato.
Faysal cali waraabe siyaasada S/land Wuu ku guul daraystay Wuxu ku soo kordhiyayna ma jirto isaga iyo xisbigiisuba way saqiireen. Xisbiga Waddani Gudoomiyohoodu Wuxu tahli Kari waayay in uu maamulo 82 ka xilibaan ee golaha uu horjoogaha u yahay ma kaas baa dal dhan lagu aamini karaa?

Quusta laga joogo Xisbiyada qaranka ayaa odayaashan golaha tashigu u guntadeen inay buuxiyaan arintaasi waxay dawo u noqotay labadii xisbi qaran oo wareegto si wada jir ah u soo saaraya maalmaha soo socda gaar ahaan maalinta axada..

Bal aan dhawro faisal iyo ciro oo heshiiyay waxay ku soo kordhiyaan maslaxaa.

Cumar ahmed. Fanaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured