Qormo xiisa leh:Tolay Yaa Reer Hebelaaydii Siilaanyo + u Hiilintii Koomishanka Dorashooyinka, = Guul Daradii Rayaale .

0
Saturday July 20, 2013 - 19:52:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo xiisa leh:Tolay Yaa Reer Hebelaaydii Siilaanyo + u Hiilintii Koomishanka Dorashooyinka, = Guul Daradii Rayaale .

    Qoramadii 2aad Waxaa inoo socday qoramadeenii taxanaha ahaa kaasi oo aan kaga hadlayay doorkii ay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoramadii 2aad Waxaa inoo socday qoramadeenii taxanaha ahaa kaasi oo aan kaga hadlayay doorkii ay ku Waxaa inoo socday qoramadeenii taxanaha ahaa kaasi oo aan kaga hadlayay doorkii ay ku lahaayeen koomishanka doorashooyinka iyo qaabkii ay u sacdeen wakhtigii ololihii Doorashadii Madaxtinimada Somaliland, balse akhristayaasha waxaan aan ka codsanayaan in aan dib ugu yar noqono madaama uu qoraalkii hore ee aan kaga hadlayay sidii u Daahir Rayaale u ololaynayay 2003, qoralkaasi oo ina keenay Xaruntii Koomiishan horteeda, bal aan dib u yar noqono doorkii uu Mudane Siiraanyo uu ku ololan jiray iyo doorkii Faysal Cali Warabe.

Qaybtan waxaan ku soo qaadan doonaa sidii uu Siilaanyo ku soo galay Masraxa Asxaabta iyo Hungurigii ka galay kursiga Madaxweyne ku-Xigeenka, siduu u waayay iyo qaabkii uu ku kaanayngaraynayay wakhtigii uu ku jiray Doorashadii Madaxtinimada 2003 dii
Axmed Siilaanyo waxa uu dalka ku soo laabtay dabayaaqadii sanadkii 2001, wakhtigaasi oo ay dalka ka jireen qalalaaso Siyaasadeed oo u dhaxeeyay AUN Madaxweynihii xiligaasi Maxmed Ibrahim Cigaal iyo Urur Siyaasadeedkii ASAD ee ay Hogaaminayeen Guddoomiyha Guurtida Saleebaan Gaal iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, wakhtigaasi oo ay ku baaqeen in uu dalku u baahan yahay Shir beeleed in la qabto oo dalka lagu badbaadiyo oo uu khatar ku sugan yahay, halka uu Madaxweyne Cigaal uu ka diiday kuna amaray in la xidhi doono qofkii talaabo noocaasi ah qaada, balse Ururka ASAD waxa uu taageero ka haystay dhamaan Salaadiinta Somaliland oo dhan, taasi ayaana keentay in uu dalku khal khal galo.
Siilaanyo markii uu gadada diyaradaha ka soo dagay waxa ay warbaahintu wax ka waydiiyeen in uu dalka u yimid in uu roolka Siyaasada ciyarayo iyo in kale iyo in uu xil qaban doono.
Siilaanyo maalintaasi waxa uu ka dhawaajiyay in uuna hada hayn damac Siyaasadeed oo uu Siyaasada ka fadhiistay, ujeedada u yimidayna ay tahay sidii uu Xukumada iyo Ururka ASAD iyo Salaadiin Isbarkan xaalada ka dhaxaysa ee khilaafka sii fogaaday in uu dhexdhaaxin ka noqon doono oo uu noqonaayo Oday Somaliland ah, iskuna keeni doono dhexdoodana ka samayn doono heshiis midaysan waa waara.
Siilaanyo waxa uu arinkii wado waa uu ku guuldaraystay in uu isku soo dhaweeyo labada dhinac ee xurgufta Siyaasadeed ay ka dhaxayso.
03/05/2002 markii uu geeriyooday AUN Madaxweyne Cigaal ee uu xilka la wareegay, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Siilaanyo waxa uu markiiba damac ka galay in uu noqdo Madaxweyne Ku-xigeen isaga oo Baarlamaanka xubin ka iibsaday in uu baneeyo si kadib uu Rayaale uga soo dhex doorto, balse taasi may dhicin oo Rayaale waa ka dul laliyay gacanta Axmed Siilaanyo.
Hadaba Axmed Siilaanyo cadhadii uu ka qaaday gacan lalintii uu Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin uu ka dul lalilay markii uu dooranayay Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa sobobtay in uu ku dhawaaqo Xisbiga Kulmiye
Kadib juhdi badan iyo dadaal badan waxa soo baxay Xisbigii Kulmiye isaga oo u soo gudbay 3 Xisbi Qaran.
Haddaba waxaa is waydiin leh markii uu Siilaanyo uu ku jiray Ololihii Madaxtinimadii 2003 muxuu marka uu ku jiro ololaha odhan jiray maxaase ka mid ah, mase u kaanbayngarayn jiray si nin Siyaasi ah malaga yaaba qudbadihiisa in ay ka muuqdeen mid Qabiilaysan?



Siilaanyo waxa uu ku Ololayn jiray wakhtigaasi marka koobaad in uu yahay Beesha Dhex marka xigana waxa uu dadka ku odhan jiray waxaan ahaa Guddoomihii SNM, dalkana waan u soo halgamay oo waad la wada socotaan dhibtii aan ka soo marnay markaa waa in aad codka isiisaan.
Madaxweynaha hada kusiga ku fadhiya waxa uu ahaa Faqashtii hadana maanta waad la wada socotaan oo waa madaxweynihii dalka oo cidina waxba may odhan, waxaan idiin sheegayaa in aydaan codkiina siinin nin aan irbad dunta idiin galin, taasi oo uu la jeeday nin aan ahayn SNM ha siinina codkiina, iyada oo la wada ogsoon yahay SNM in ay ahayd kaliya Beesha dhex, marka aan leeyhay waxa uu cadaynayay in uu yahay Beesha Dhexe waxaa ka mid ahayda abtirsiintiisa in uu ahaa SNM.
Axmed Siilaanyo markasta oo uu qudbad jeedinaayo waxaa hadalkiisa ka dhan dhansanaysay in uu abarisanaayo oo uu dadka si yar oo dhafoor taabasho ah uu u dareensiinaayo, waana waxyaabaha aan is odhan karoo waxa weeyaan in uu Siilaanyo yahay nin ku dheer Qabiilka oo yaqaan sida shacabka loogu soo jiito sife qabiil oo aan waadix ahayn.



Waxaa kale oo hadaladii Siilaanyo ka mid ah markii uu kaanbaynka ku jiray 2003 in uu dalka ka dhigi doono mid loo soo shaqo doonto oo ay dhalintu ay shaqo wada helaan, iyo in uu mudan yahay madama uu ahaa Guddoomiyihii SNM ee ugu mudada dheeraa in la doorto oo isaga cid uga laxejeclo badanina ayna jirin hadana uu maanta dalka uu maamulo in ahaa faqashtii loona baahan yahay in laga tuuro xukunka.



Dalka waxaa maanta Madaxweyne ka ah ama maamulkiisu gacanta ugu jiraa cadawgii shalay ee ka soo hor jeeday SNM loona baahan yahay in meesha laga tuuro, taasi oo ula jeeday Daahir Rayaale in uu yahay nin Reer Awdal ah, Reer Awdalna ayna ka mid ahayn wakhtigaasi SNM.



Waxan oo hadal ah waa waxyaabihii uu Siilaanyo ku kaanbayn garayn jiray wakhtigii uu ku jiray Ololihii Madaxtinimada 2003 wakhtigaasi oo uu la wayay, taasi oo ay Koomishanku maran galiyeen oo ay yidhaahdeen waxaa lagaga badiyay 80 cod, arintaasina waxba kamay jirin ee waxaan kaga hadli doonaa maqaalka qaybtiisa kale hada.



Bulshaduse inta badan ma dhagaystaan qofka marka uu qudbadaynayo hadalkana ma dhuuxaan hadii ay dhuuxi lahaayeen marka uu hadlayo nin Siyaasiya way kala garan lahaayeen qofka u qalma in ay codkooda siiyaan iyo in kale, laakiin waxaasi oo dhan waxaa kaga weyn qabiilka.
La Soco……………………………………
Ciise Ismaaciil Axmed
Switzerland
ashqaraar03@gamil.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured