Fannaaniinta Qaranka Oo Soo Saaray Riwaayadii Ugu Xikmadda Iyo Qosolka Badnayd Oo Ka Hadlaysa Madaxtooyadeena

0
Saturday July 20, 2013 - 09:22:13 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaaniinta Qaranka Oo Soo Saaray Riwaayadii Ugu Xikmadda Iyo Qosolka Badnayd Oo Ka Hadlaysa Madaxtooyadeena

    MADAXTOOYADEENA KAARAAMARDHA Sheeko masraxeed ka soo baxday magaalada Gurya-Samo, kuna saabsan maamul maalmeedka madaxtooyadeenna Kaaraamardha waxa allifay Daljirka Dahsoon Jilayaasha Masrixiyadda:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXTOOYADEENA KAARAAMARDHA Sheeko masraxeed ka soo baxday magaalada Gurya-Samo, kuna saabsan maamul maalmeedka madaxtooyadeenna Kaaraamardha waxa allifay Daljirka Dahsoon Jilayaasha Masrixiyadda:
MADAXTOOYADEENA KAARAAMARDHA

Sheeko masraxeed ka soo baxday magaalada Gurya-Samo, kuna saabsan maamul maalmeedka madaxtooyadeenna Kaaraamardha waxa allifay Daljirka Dahsoon

Jilayaasha Masrixiyadda:

Raasbutiin: Hawl-wadeen firifircoon oo shaqooyin badan qabta

Mahaye-moog: Odayga reerka


Araweelo: Maamada guriga

Cali-Guulwade: Xildhibaan galgal badan

Baaniyaal: Xoghaynta Mahaye-moog

Fara-Xadiid: Askari gaadh-haye ka ah qasriga kana tirsanan amniyaadka Alshabaab

Ma Gafe: Wiil guriga jooga oo cunto badan

Been-masheege: Basaas suuqa u jooga oo warka u keena Araweelo iyo Raasbutiin

Xoriyo: Waddaniyad daacad ah oo adeegto ka ah qasriga

Xaq-u-dirir: Waddani daacad ah oo suuqa bilaa camal ku ah

Muuqaalka koowaad:

Baaniyaal: waa ayo odayaashan cumaamadaha cascasi

Fara-Xadiid: waa odayaal doonaya in ay arkaan Mahaye-moog. Waa odayaashii reer Saba-wanaag iyo reer Gurya-samo.

Baaniyaal: Murkha, doqon baad tahay, yaa ku yidhi soo daa, maxaad u soo deynaysaa, sow ma ogid in Mahaye-moog shir qaadanaya 11 saacadood kula jiro wefdigii ka socday Dowladda aynu walaalaha nahay ee Highland. Hadda celi waxyow qalbadda li’i, haddii kale wallaahay waxan kuu sheegayaa…..

Araweelo: waa ayo dadka bannaanka ka qaylinayaa?

Baaniyaal: waa odayaal doonaya xaajiga.

Araweelo: Waxaa kala madaxyada xunxun baa nalagu saliday, ma wanaag bay u rabaan baad moodaysaa waa wada shaxaad doon.

Waxay odayaasha ka dhex arkaysaa Beenmasheege oo dabadooda taagan, Baaniyaal ii soo daa Beenmasheege, waa dadkaygiiye.

Beenmasheegaa hore u soo tallaabo dheeraynaya illeen madaxdii reeraha oo dhan baa laga soo dhex xulay oo la soo dhaafiyaye.

Araweelo: Beenmasheege soo dhaaf eeddo, eeddo Beenmasheege maxaa la lahaa, dadku miyey ogyihiin in Mahaye-moog maqane jooge yahay oo aannu aniga iyo Raasbutiin guriga dusha iyo hoostaba ka maamulno?

Cali Beenaale: Maya maya eeddo, dadku waxay aaminsan yihiin in Mahaye-moog majaraha u hayo maamulka guriga oo dhan, weliba!

Araweelo: hee eeddo heee!

Beenmasheege: Weliba waxay shacabku isla dhex marayaan in Mahaye-moog mar kale isa soo sharaxayo,

Araweelo: oo ma in ay na ridaan bay rabaan sidii askartii Masar!

Beenmasheege: Dee mayee in ay doortaan bay rabaan

Araweelo: Allaylehe iyagaa Mahaye-moog ah.

Muuqaalka Labaad

Waxa si lama filaan ah qasriga u soo gelaya maareeyihii dekedda oo gacanta ku sida boorso madow oo culus, waa la garanayaa waxa ku jira boorsadaas madow ee maareeyuhu sido. Waa lagu wada haliilayaa, Raasbutiin baa ku soo horraynaya, laakiin waxa hawada kaga soo boodaya Ma Gafe oo illaa shalay sugayey boorsadan si uu u soo bixiyo intii ugu dambaysay lacagtii qasrigii uu ka iibsaday xaafadda dadka lacagta lihi degaan ee Westland ee magaalada Nairobi.

Muuqaalka Saddexaad

Waxa soo gelaya Cali Guulwade oo dhiillo sida: Raasbutiin mee! Raasbutiin mee?

Raasbutiin oo sita macawis yar oo gaaban oo gaabnidiisii gaabni ugu sii dartay baa soo baxaya oo hoos wax u akhriyaya, maxaa dhacay Cali Guulwadow, waa maxay degdeggu?

Cali Guulwade: dowladii ingirkiisku waxay amar ku bixisay in muwaadiniinteedu dalka degdeg uga baxaan!!!

Raasbutiinbaa Qosol ka wareegayaa, oo ma awel bay khayr noola joogeen, waxay nagala tegayaan baybalkoodii iyo gaalaysiintoodii iyo Raasbutiin baa argagixiso ahe! ha nagala baxaan fawaaxishkooda, baxa dheh, allaylehe ha naga tageen maca qurba jooggooda meeshan yar nagu haysta ha raacaan.

Ma Gafe oo halkan muqumad ku cunaya baa maqlaya sheekada dhex maraysa Cali-Guulwade iyo Raasbutiin, ingiriis baa baxaya aa, oh my lord, Xoriyo, Xorriyo, inantii shaqaalaha ahayd buu la hadlayaa, where is my British Passport, where is my British Passport? Xorriyo oo fahmi weyday luqadda Ma’ Gafe kula hadlayo baa ku odhanaysa huunno ma baradhaan kuu shiilaa? Sababta oo ah mar kasta cunto uun buu weydiiyaa iyo

Ma Gafe: naa baradho lahayne iila soo carar Baasaboorkaygii British ka ahaa!

Mahaye-moog baa soo kacaya! Baaniyaal, baaniyaal, xoghaytiisii buu u yeedhayaa, hee Mudane Mahaye-moog, mee Raasbutiin?

Baaniyaal: Wuxu mashquul ku yahay hawl-maadmeedkiisii joogtada ahaa.

Mahaye-moog: miyuu u baahan yahay wax jeegag ah oo aan u saxiixo?

Baaniyaal: Mudane Mahaye-moog miyaad illowday sowkii shalay kuu sheegay Raasbutiin ee ku yidhi saxiixaagii waan bartay oo waxba lagaagama baahne ee iska hurud oo ha soo degin:

Mahaye-moog: Waa yahay adeer, waa yahay adeer

Muuqaalka afraad

Badhtamaha Suuqa Gobanimo: baabuurtaa si cidhiidhi ah isu daba taagaan ,bib biib, biib.

Xaq-u-dirir oo isla hadlaya oo samada ku faruur xidhan oo isla sheekaysanaya, oo maqan oo maahsan oo ciil iyo cadho fikiraya baa baabuur ku dhufanayaa qac, markiiba waxa arkaya Beenmasheege oo kiiloo Madhab ah (jaad ah) midigta ku sita, bidixdana ku sita bac ay ka buuxaan, biyo, cooke iyo caano. Alxamdu lillah Xaq-u-dirir wax weyn ma qabo waa jug yar, Beenmasheege oo ay xisbigii Wadajir isku ahaayeen baa ku odhanaya waar Xaq-u-dirir maxaa maanta ku helay ee aad bacadka uga fadhiisan weyday ee aad la wareegaala caddaysanaysaa waa taa baabuurtii ku jiidhaye.

Kaddibna Xaq-u-diri wuxu ugu jawaabayaa afaraydan:

Shacab laga mishiiqsaday, waxgarad tiisa laga maarmay

Marwo keen leh, mooryaan derderan, qaran la’ miigeeyey

Ma’ gafiyo, ma’ geye miidhan iyo mulucyo gaagaaban

Iyo Madaxweyne meel uu jiraba maanku garan-waayey

Intaasaan la meermeerayaa milicda jiilaale

Iska muudso maalmaa hadhee moqorka aad hayso

Beenmasheege ayaa ka xanaaqaya afarayda Xaq-u-dirir: Hayaay oo waa maxay hanjabaaddu, miyaan la I dooran, maxaad samayn kartaa? Alla haddaa reer Madheedh tihiin maxaad kibirteen? Waar miyeydaan 6 wasiir iyo 4 wasiir ku xigeen iyo laba badhasaab iyo guddoomiyihii Sabawanaag haysan,

Xaq-u-dirir: Anigu ma ihi afhayeen beeleed, waxan ahay af-hayeen shacab, af-hayeen qaran, af-hayeen ummaddeed, tanoo kale horay ii soo martay, adiga iyo rajiimkaaguba waxaad mari doontaan halkii kuwii ka horreeyey mareen: Calaashaan: jidka aaran dubatadu ku dambayso weligeed, dowga weeye loo maro sanadaha dulsaarka ah iyo nolosha daalka leh:

Dee Xaq-u-dirorow waxaagu maanta waa habaar iyo hanjabaad, ha la kala xishoodo saaxiib, dadkanina waa dad demmen, oo hurda, haddii aanay hurdin ma Ina Riyo-raac baa xukumi lahaa.

Xaq-u-dirir: Hadda dadka aad quudhsanaysaa waa dadkii caanka ahaa, waa dadkii sheegnaa, waa dadkii duhur la wada jiro guusha la soo hadhi jirey, waa dadkii kaaga hiiliyey Ina Siyaad iyo Ina Sacmaal iyo Ina Riyo-raacba.

Beenmasheege: waar aniga dadkan khuurinaya ha ii sheegin, iga walla in aanay biitaayo samayn karin, dadku waa beelo, waa reero, waa ardaayo. lol

Xaq-u-dirir baa kaddib odhanaya afartan kaddibna iskaga dhaqaaqaya:

Maatada la quudhsado haddii laga macaashaayo

Mursi baaba sii joogi laa maalmo dabadeede

Masar baa ku tidhi soo deg ee lama muquunsheene

Adna Mahaye-moogow wallee Maarkoos kama weynid

Beenmasheege: oo Maarkoos kaasina muxuu ahaa ma xildhibaan baa?

Xaq-u-dirir: Dee waa madaxweynihii hore ee Filibiin ee dadkiisu duhur ka saareen madaxtooyada Manila kaddib markii uu dayacay.

Muuqaalka Lixaad:

Waa aqalkeennii Madaxtooyada ee Kaaramardha: Waxa saf loogu jiraa Raasbutiin oo lacag qaybinaya. Dadku maanta fara weynaa buu leeyahay. Waxa u soo gelaya Baaniyaal oo dadka soo dhex jiidhay.

Mudane Madaxweyne u eke waxa ku sugaya wasiirkii Hiddaha iyo Dhaqanka Cusub ee dowladnimo, Wasiirkii Tira-koobka beelaha laga tira badan yahay, Wasiirkii cusbaa ee xidhiidhka Golayaasha Hurda iyo Wasiirkii Cusbaa ee Badda iyo Berriga iyo Dhul-ballaadhsiga Araweelo. Oo maxay rabaan wasiirada cusubi? Raasbutiin baa odhana. Dee gaadiid iyo qalabayn xafiis bay igu yidhaahdeen.

Raasbutiin: Soo daa labada wasiir ee cusub inta kalena iska taga ku dheh waa la eedaamay oo xagga sare baan ku soo tukanayaaye.

Wasiiradii cusbaa baa soo gelaya, Mudane Madaxweyne u eke, dee gaadhi la’aan ba’an baa i haysa, tagsigan Raaxo baa deyn badan igu leh oo subaxdii xafiiska I keena duhurkiina I rawixiya.

Raasbutiin: oo maxaad gaadiidka dadweynaha u raaci weyday, madaxdeenu waa in aynu raacnaa Bajaajta, basaska iyo baaskiiladaha si shacabku u arkaan in aynu la mid nahay. Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha Hurda oo ah qurba joog aan weli la qabsan farsamada qasriga Kaaramardha ayaa odhanaya Laakiin dee adiguba sidayadoo kale wasiir baad tahay haddana waxad haysataa 11 baabuur, adna kaalay bajaajta raac. Mar qudha baa la wada eegayaa sidii uu diinta caayey. Kaw, hoostaa laga wada odhanayaa war la’aan baa wadaadada hoday.

Raasbutiin afkuu kala hayaa, dadku waxay moodayaan in uu qoslayo, qosli maayee wuu haraaryoonayaa sidii sumal yar oo ido ka waaweyn lagu sii daayey. Mee wasiirkii Badda iyo Berriga iyo Dhul-ballaadhsiga Araweelo, anigaa gaadhi kuu haya mudane, intaa marka Raasbutiin yidhaahdo baa Ma Gafe maqlayaa, Raasbutiin anigaa gaadhi u haya, hal Lancrueser oo taarikadiisu 50 tahay baan hayaa oo walaalkay ka soo jiiday Woqooyiga Ireland.

Raasbutiin: oo waa imisa?

Ma Gafe: dee waa 35,000

Raasbutiin: 33,000 (saddex iyo soddon kun) hadda wasiirkeenna Janna-ka-bood ka soo qaado furaha gaadhigana ku wareeji wasiirka cusub.

Ma Gafe oo farihiisa buurbuuran sii leefaya baa odhanaya alxamdu lillah, gaadhigii jiidistiisa dowladda hoose ee North Ireland lacagta nagu siisay baannu halkanna 35 kun ku helnay. Mahaddaa yaa iska leh, dee xooggayga iyo xiniinyahayga, raggii ila midka ahaa sow kuwa suuqa lugaynaya.

Wasiirkii Xidhiidka Golayaasha Hurda oo yaabay baa odhanaya oo anigana kaygii mee? Baaniyaal baa hoos ugu odhanaya sowdigii is waalay ee Raasbutiin badihiisa galay. Sidaas baad gaadhi iyo qalabayn xafiisba ku weydey ee bajaajtaada iska raac.

Muuqaalka 7aad

Waa xagga sare ee Madaxtooyadeena Kaaramardha, waxa xisaab ku jira Ma Gafe iyo Araweelo, 2 milyan, 12 milyanna u gee, saddexdii kale ee aan akoonka dhigayna ku dar, lacagtii baabuurta maxaa ka soo xarooday, qoladii Xamar 5tii Milayn ee ay inaga siiyeen 100 milyan ee Turkigu siiyey ma adigay kugu soo qoreen mise Raasbutiin.

Iyaga oo xisaabtaa ku jira baa Xorriyo oo baraad la’ soo geleysaa: maxaa kaash daadsan, weligeed Xorriyo dollar intaa leeg may arag oo kuus kuus isugu xidhan. Naa maxaad dooneysay? Araweelo baa ku qaylinaysa.

Mama waxa ku sugaya oo kuu fadhiya Wasiiraddii Cilmiga iyo Wasiiradii Caafimaadka iyo saaxiibaddaa Suuniyo-dheer.

Araweelo: Alla naagahanina qaxar badanaa, goor aan loo baahnayn uun bay soconayaan, bal may telefoon soo diraan.

Waar inaga qari inaga laalaab waraaqahan iyo lacagtan yaan dadku inagu arkine.

Suuniyo-dheer baa ugu soo horraynaysa iyada oo leh: naa Araweelo dee beryahaa bilaa ilkaad noqotay oo iga walla in aanad naagihii hushba iska odhanayn?

Araweelo: oo walaal maxaa dhacay?

Suuniyo-dheer: naa miyaanad ogeyn tii xumayd oo caloosha weynayd in habeenkii dhoweyd ee aynu iska jimicsanaynay intay video inaga duubtay ay antarnat ka u qaybisay?

Araweelo oo naxday: Alla jabay, ma jaaskii iyo qoob ka ciyaarkii baa legiyey internet ka.

Suuniyo-dheer: nacam, weliba waxa gelisay bahashii xumayd ee caloosha weynayd ee aad hoosta ku wadatay, imisaan ku lahaa naa naagtaa ha soo dhoweysan.

Araweelo: Hadda ha la soo xidho

Wasiiraddii cilmiga oo yaabban baa u caqli celinaysa iyada oo leh naa madaxda waa la caayaa, waa la xantaa, waa lagu gefaa, inantii yarayd ee aad text messege ka ku xidheen baad ogeydeen ceebtii inaga raacday, tanina waa tuhun ee u yeedha gabadha oo weydiiya bal in ay iyadu gelisay video ga iyo in laga been abuurtay.

Suunniyo-dheer: Anigaa huba, waa iyada, cid kale maaha, siday kuu xamato baanad ogeyn.

Araweelo: naa waxba xidhi maynee 5taa kun ee dollar qaad oo saddex naagood oo ka dhammeeya kala sii,

Suunniyo-dheer: igu hallee, haddaad geerideeda maqli weydo suunniyo-dheer ba ma ihi.

Muuqaalka 8aad:

Waa goor galab ah, waxa hurdadii ka soo kacaya Mahaye-moog, Xorriyo kursi ii dhig daaradda weyn ee bannaanka.

Xorriyo: waayahay adeer. Xorriyo way jeceshahay Mahaye-moog, way ku ababtay magaciisa iyo muuqiisa, waanay aragtaa in la bahdilayo, dadkuna isaga eedaynayaan, kuna eedaynayaan eed aanu shuqul iyo shaqo toona ku lahayn.

Mahaye-moog: adeer iigu dir Baaniyaal ha ii soo qaado odayaashii aanu berigii hore asxaabta ahayne, galabta waxan u baahanahay sheeko iyo xusuuse.

Xorriyo: Adeer laguuma ogola in aad cid aan Raasbutiin iyo Araweelo ogayn aad aragto.

Mahaye-moog: Ma aniga, yaa ii diidi kara, miyaanan ahayn madaxii qoyska iyo maarshaalkii reerka.

Halkaa markuu mariyo baa waxa kursi soo ag dhiganaysa Araweelo.

Mahaye-moog: araweelo iigu dir Baaniyaal ha ii soo qaado: Ahmed Awrfuule, Ina Iskeene, Maxamud Jeeni-libaax, Janankii Dhaka-cadde, Suldaan Guhaad, Mujaahid Afar-qaad iyo odayaashii kale ee aanu SRC, Somali First, Jabhaddii iyo Wadajir isku ahaan jirnay.

Araweelo: Xaaji, dee Ina Iskeenena waabu xanuusanayaa baa la yidhi, Axmed Awrfuulena dalkaba ma joogo, Janaral Dhaka-caddena ilaahay ha u naxariisto ee beri dhoweyd buu xijaabtay oo tii allaa u timi, dee kii Mujaahid Afar-qaadna waaba ninka lagaaga taag la’yahay ee hadh iyo habeen suuqa kaa caaya ee yidhaahda odaygu waxba ma kala oga, ma kaasaad soo dhoweysan, weligiiba uurkuu kaa necbaa ee adaa miskiin ah oo aan kala aqoon nacabkaaga iyo nasteexaaga.

Mahaye-moog: Dadkii dad xun bay noqdeen, marraa waaxid dad xun bay noqdeen, waa wada xaasid miidhan. Kiniinkaygii ii keen aan iska seexdeee.

Muuqaalka 9aad

Waa taliskii guud ee ciidamada waxa fadhiya saraakiil badan waxa socda qalaalase dagaal, waxa soo gelaya Raasbutiin oo sita tuute iyo baastoolad teetee ah. Waa la is wada eegayaa, wuxu fadhiisanayaa barta hoggaaminta ciidanka, gala hore u gala, jooga, socda, soo noqda, jiifsada, kaca, soo noqda soo noqda waa dib u gurasho xeel dagaal!! Saraakiishii oo yaabsan baa raasbutiin telefoon ku soo dhacayaa, haloow haloow, waa Ma Gafe, yaakhii soo dheeree Faarax Biindhe oo Wardhiigley ka imaaday aa kuu joogo, boorso dollar ah uu wadaa noooh, please soo bax waxan ka cabsanaa in uu la laabto boorsada, Jano ka boodna waa kuu fadhiyaa oo lacag sida, aniga waa ii diiday kaalay adiga ka qaad.

Raasbutiin degdeg buu u soo cararayaa

Rasbutiin: ma Faarah Biindhaa? Soo gal saaxiib.

Biindhe, hawshii aad ii dirtay waan soo dhammeeyey, lacagtii Turkigu bixiyey waxan kaaga sidaa 5 milyan, laba beeroodna waxan kaaga iibiyey tuuladii aad ku barbaartay ee Dujuuma, weliba webigii Juba ee aad ku dabbaalan jirtay jiinkiisa, laba goofna beecoodii baan ku jiraa oo ku yaalla Dayniile. Nin kii aad igu tidhi safiir igaga qorana waan u gudbiyey raiisal wasaaraha waxa lagu qorayaa Indonisia. Hawshii midowga farriintaadii waan geeyey, waana la soo dhoweeyey, madaxweynahana wuxuu ii soo dhiibay warqaddan ay ku qoran yihiin wixii aan isla waafaqnay, wax kastaa waa dhag.

Raasbutiin: well done, shaqo fiican baad soo qabatay. Boqolkaa kunna nooli ka sii dhigo, telefoonka aan ku soo wada hadalo, hawlo badan baa inoo yaalla, waxan rabnaa shir been been ah in aan Ankara (Turkey) ku qabanno maalin dhow si qodobadan aan isla gaadhnay looga akhriyo, looguna sacabiyo. Faarax Biindhe oo u kaankaansaday in uu baxo ayaa Raasbutiin la hadlayaa.

Walaal xarakadeenii iiga waran:

Biindhe: Xarakadee?

Raasbutiin: Dee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin. Waan yaabsanahay waxa ku dhacay mujaahidiintii, maalin walba magaalaa laga qabsanayaa, waxaasina waa khilaafka dhexdeena, dee bal maxaan sameeyaa, imisaan u qaybsamayaa, waan hubaa haddii aan manta Baraawe joogo in aan raggaa gacanta isu wada saari lahaa, miyaanad dhegeysan gabaygayii aan ka tiriyey London ee aan idhi.

Markay xaajo kala daadatee dacala dheeraato

Ama ay Daruuraha kortee Daafta iman weydo

Waxan ahay ninkii loo diree soo dawayn kara

Biindhe: Yaakhii ani gabay ma kasaayiye, warqad baaban kuu siday waaba I xasuusisay: ninkii MM Nuur ahaa ee aad Faruur dhihi jirteen anaga Abu Cabdalla Aala Muxammad baan u naqaannaaye baaba warqad iigu soo kaa soo dhiibay wuxu dhahay Amiirkaa soo direy ee ha furin ee Raasbutiin u gee.

Raasbutiin: Takbiir: Takbiir: Allaahu Akbar, Marxab marxab yaa Abu Zubair, Binafsi, wa dammi, nafdiika yaa Abu Zubair.

Rasbutiin baa odhanaya: yaa ku xiga: Jana ka bood soo dhaaf:

Jana-ka-bood: Mudane Madaxweyne u eke waa tan lacagtii aad iga soo codsatay,

Raasbutiin: oo yaraa lacagtu.

Jana-ka-bood: Dee sowdigii shalay bangiga kala baxay 1kii Milyan ee kabka Laascaanood, iyo nus malyuunka hay’adda waddooyinka, wasiirka Ganacsiguna wuu ii sheegay in uu kuu keenay 200,000 oo uu ka soo fara maroojiyey qoladii Haamaha. Intii yarayd ee habeenkii dhoweyd Araweelo bangiga iigu qortayna 200,000 baad kala hadhay.

Raasbutiin baa ka cadhoonaya xisaabi xil ma lehda Jana-ka-bood. Sheekh waxaasi shaqadaada maaha ee adiga oo aan xisaab wanaagsan sidin mar dambe ha ii iman, Raasbutiin baa ku calaacalaya bal imminka maxaan Araweelo u geeyaa, maxaanse siiyaa afartayda xaas, maxaanse u dhiib kan iimaanka la’ ee I hortaagan ee Ma Gafe.

Isaga oo hawshii ku jira baa waxa dhegta afka u saaraya Baaniyaal oo ku odhanaya:

Mudane Madaxweyne u eke, Araweelo waxay ku tidhi kaalay tuko.

Muuqaalka 10aad:

Waa mar kale iyo madaxtooyadeenii Kaaramardha, waxa xafiiskeedii gaarka ahaa fadhida Araweelo oo ku lebisan sed huruud ah iyo shalmad dheer oo iyana huruud ah oo aad mooddo go’ shaal ah. Waxa u soo gelaya Beenmasheege.

Araweelo: Soo gal ma taliyii sirdoonkaa? Haa eeddo, eeddo Beenmasheege maxaa la lahaa, dadku miyey ogyihiin in raasbutiin xagga sare ku tukado? Miyeyse og yihiin in Raasbutiin guriga ku habeensado oo goor dambe ka tago?

Beenmasheege: Maya maya eeddo, dadku waxay aaminsan yihiin in Raasbutiin wadaad yahay oo aanu weligii hore u gelin hurdadaada gaarka ah ee dambe.

Araweelo: Alxamdu lillah

Beenmasheege: laakiin!!!

Araweelo: oo naxday baa tidhi: hee, laakiin hee, miyey qoreen, ii sheeg eeddo, sowkii Raasbutiin i yidhi saaxafadda oo dhan lacag baan siiyey oo waxba inaga qori maayaan, maxaa la qoray eeddo?

Cali-Beenaale oo is qabtay baa yidhi may eeddo, may eeddo ee laakiin dadku waxay u haystaan Raasbutiinkan qasriga ka soo baxaya 12ka habeenimo karti iyo shaqo badnaan.

Araweelo oo nefistay: haaaaa waa sidaan ku waday, ilaahbaa xaal og, hoos bay u odhanaysaa oo ma 12ka habeenimaa xafiis dowladeed laga shaqeeyaa!!!!

Muuqaalka 11aad:

Mahaye-moog, waa hurdaa, haddana dahriga ayuu ka soo jeedaa, waa maqane jooge, habeen hore ayaa ugu dambaysay wax jidiinkiisa mara, oo yaaba xusuusan, Xorriyo ayaa u soo qaadaysa maddiibad khudrad ah iyo koob casiir ah.

Mahaye-moog: adeer mahadsanid, mahadsanid adeer. Adeer qasriga miyaa laga maqan yahay illaa habeen hore cid maan arage.

Xorriyo: may adeer ee shaqo uun baa lagu mashquulsanaa.

Mahaye-moog: Adeer boring baan dareemayaa ee ii hees.

Xorriyo: waa yahay adeer.

Dalku waa dalkaagii

Waa kaad daraaddii

Dibad-yaal u noqotee

Anaguna dadweynii

Waxan nahay ku doortee

Dunta boqorka kugu xidhay

Mahaye-moog: kkkkkkkkkk wallaahay waa hees macaan, ii wad adeer, ii wad adeer, waa run waxad tahay dadkii igu xidhay dunta boqorka

Xorriyo: oo sii wadda heestii

Waad jeclayd dadkaagee

Daad baydin kala xidhay

Dabin baa laguu dhigay

Dembibaa lagaa galay

Dulli baad ku nooshahay

Da’ayrtiyo dhallaankii

Baddii bay ku Daateen

Waxba Dunida kama ogid

Mahaye-moog: yaah yaah adeer, maxaa dhacay, maxaa dhacay, waa maxay mucaaradnimadu,

Xorriyo weli way sii waddaa heestii:

Dowladaha tisqaadiyo

Aynu dunida gaadhnee

Calankii daryeelkow

Ama derejadii tuur

Ama soo deg oo tali

Dadkii waa ku sugayaa

Dalkii wuu ku sugayaa

Jooji, jooji, jooji edeb darrada, waa Fara-xadiid iyo Ma Gafe oo is daba ordaya, bax, bax, ka saara albaabka, munaafaqadda raafaha gaagaaban.

Xorriyo way iska baxaysaa dibna ugu soo noqon mayso qasrigii Kaaramardha

Muuqaalka 12aad:

Waa maqaaxida Waaheen ee suuqa dhexe, waxa wada qayilaya Cali Guulwade, Xaq-u-dirir iyo Beenmasheege.

Waxa soo gelaya warkii siddeeda ee Radio i dhegeyso ama ha i dhegeysan.

Warka madaxdiisii:

War hadda naga soo gaadhay aqalka weyn ee Kaaramardha ayaa sheegaya in Maarshaalka sare ee aqalka Kaaramardha kaddib markii uu la tashaday ooridiisa Araweelo iyo gacan yaraheeda Raasbutiin, uu xilkii ka qaaday kormeerayaashii Gudaha iyo Dibadda ee aqalka. Qaar kalena isku cayn iyo bayd gooyey. Sida uu noo xaqiijiyey Rasbutiin oo shaqooyin badan ka haya Qasriga Kaaramardha, maarshaalku wuxu uga gol-lahaa isku cayn iyo bayd goyntan si uu u dardar geliyo hawlaha qasriga indhahana uga jeediyo shuqul hoosaadka ay guriga ka wadaan Araweelo iyo acyaanteedu.

Beenmasheege: Dhega, iga walla waa kaa iskaga jaray

Cali Guulwade: Anigu waan sii ogaa xalay baa Raasbutiin ii sheegay

Xaq-u-dirir: Oo intuu masaakiinta eryayo muxuu Raasbutiin u eryi waayey illeen mushkilad aan isaga ahayni guriga kama jirtee.

Beenmasheege: iga walla waad iska tidhi: waar ninyow dee soomaalidu siyaasadda ma taqaano. Raasbutiin maxaa loo eryi waayey bay ku leeyihiin, dee waxa loo eryi waayey, Waxa loo eryi waayey dee!

Xaq-u-dirir: oo waa maxay waxaa loo eryi waayey

Beenmasheege: Dee illeen rag wax ma dheeree waa waxa wax walba loogu dhiibay, lacagtii, maamulkii, taladii, qorshihii, kormeerkii, iyo ku tukashadii xagga sare.

Cali Guulwade: waar yaadheheen waar xishooda, waar ka xishooda madaxda.

Muuqaalka 13aad:

Waxa loo diyaar garoobayaa safar shaqo oo wefdi ka socda qasriga Kaaramardha isu marayaan waddamada jaarka iyo kuwa la sii jiiraanka ah. Araweelo ayaa qoraysa liiska dadka baxaya:

Qor xaaji wefdiga: Cali Guulwade, Beenmasheege, Fara-xadiid, Baaniyaal iyo dee Raasbutiin

Mahaye-moog: naa miyaad waalan tahay, meeye waxgaradkii iyo aqoon yahankii ummaddu, naa dee intani waa intii guriga kaaga shaqaynaysay.

Araweelo: Ma waxad doonaysaa in hadhow ay ceebtaada suuqa kaga sheekeeyaan oo ay yidhaahdaan mahaye-moog waa mahaye-moog iyo maqane-jooge.

Mahaye-moog: naa bal haaye cid kalena ku soo dara illeen dadkan jaaba jaabada ah waa la inala yaabayaaye.

Ma Gafe: Aniguna waan idin raacayaa

Araweelo: waad na raacaysaa Ma Gafow ee iska cun xalwaddaada oo shandada ii hay.

Ma gafe: Dee haa, haddii aad iga tagtid yaa shandadda kuu haynaya sow Raasbutiin kaa xadi maayo.

Mahaye-moog: Naa iga walla in aanan idin raacayn orda idinku taga.

Araweelo: Haddii aad taladayada diiddo dee waanu kaaga tegeynaa ee tasho, cadowgu ha kugu wiirsadee, Baaniyaal, baaniyaal, ii keen dawadii Mahaye-moog.

Mahaye-moog waxa la siinayaa dawadii daalka, kursigaanu ku seexanayaa, khuuuuukh, khuuuukh, khuuukh.

Araweelo: inoo diyaariya baabuurta iyo shandadaha, Mahaye-moog waxaynu toosinaynaa marka la baxayo;e.

Raasbutiin: waaryaa Baaniyaal, kaalay adigaa afka gaalada yaqaanna;e, tolla;ay bahalkaas baa la igu ciilay, bal intaan inaabtigay Dhiigshiil hoos taagnaa maan wax barto. Waar u dir email qoladii Huteelka HIILTOL, u sheeg ha inoo banneeyeen 7 qol, Mahaye-moog u qabo qol special ah oo uu keligii seexdo illeen waa Maarshaalkii reerkee.

Baaniyaal: oo 8 baynu nahaye, adigu xaggaad seexanaysaa?

Raasbutiin: Waxba kaama geline, 7 qol booking garee. 7daas mid uun baan ku tukan doonaaye.

Baaniyaal: Ganda khela, dirt game baa ka socda meesha

Muuqaalka 14aad:

Waa Nairobi, waxa boorso weyn oo lacag ah walwaalaya Ma Gafe oo ay la socoto Araweelo, waxa lagu qabanayaa madaarka, Araweelo waa musbiyaanad, waa taa iska dhigtay sidii mid aan aqoonba Ma Gafe.

Askarigii qabtay baa ku odhanaya ma Gafe: wapi kupata fedha hii? Xaggee ka keentay lacagtan?

Ma Gafe: guri guri ku iibsanayaa, guri, naxdintii wuu illaaway in aan sawaahiligu aqoon af soomaaliga.

Isaga oo tabcaan ah ayuu askarigii odhanayaa nipe pesa vinginevyo i kumkamata na wewe, keen lacagta oo iska bax haddii kale xabsi baad ku abaadaysaa.

Sidaasaa Ma Gafe lacagtii uu agoonta ka dhacay looga qaadayaa

Ma Gafe: bal maan kuwii lahaa ee i dawarsanayey wax ka siiyo, waa kaas 5tii Milyan ee doollarba sawaaxiligaas xumi qaatay. Bal muxuu i tari lahaa guriga aan Nairobi ka iibsadaa. Sow gurigana hadhow igamay qaadeen!!! Markaasuu haddana odhanayaa oo maxaase iga galay ma awel baan anigu soo shaqaystay oo lahaa xooggayga, xeeladdayda iyo xiniinyahayga baan ku helay xoolahane,

Muuqaalka 15aad:

Mudaharaad, dadku way qaylinayaan, waxay sitaan boodhadh ay ku qoran yihiin, waxannu nahay xaq u dirirka xoraynaya Mahaye-moog.

Raasbutiin ha dhaco

Suul-cawro ha dhinto

Araweelo inkaari ha ku dhacdo

Daalimiintu ha dheceen

Dooni mayno, dillaalka qaawan, dooni mayno, dooni mayno dad aan la dooran

Waxa hor kacaya hobaladii qaranka oo qaadaya:

Hawlaha arlada, haddii lagugu aamino

Ubadka u shaqeeyiyi, adeegaa lagaa dhigo

Ha is odhanin cidi kuma arkaysee afka buuxso

Ha is odhanin cidi kuma arkaysee aqalla jeexo

Nin xil qaaday eed qaadyey ahaaaaaaaa

Mudaharaadku wuu sii badanayaa waxa ku soo biiraya xoogagii bulshada oo dhan sida ardaydii jaamacadaha, kuwii dugsiyada sare, ciidamadii booliska, ciidamadii asluubta, ciidamadii qaranka.

Waxa xagga dambe kaga dhufanaya heestii qiirada lahayd ee ahayd: Dalka sow anigu ma lihi Xorriyo oo ku luuqaynaysa:

Dhulka sow anigu ma lihi

Dhulka sow anigu ma lihi

Gumaystaha Dhacaayaa

Geeridu dhibaysaa

Ninkii Dhoof ku yimid baa

Geeridu Dhibaysaa

Waqtigii Dhammaayoo

Wuu Dhaqaaqi doonaa

Waa kacaan lagu badbaadinayo Mahaye-moog, oo lagaga badbaadinayo al shabaab iyo inta afduubka u haysata ee siisa kiniinka daalka.

Fara-xadiid baa soo boodaya oo is odhanaya dadka rasaas ku rid, Raasbutiin baa daba taagan oo leh ku rid, ku rid, ku rid. Fara-xadiid baa odhanaya: Mudane Madaxweyne u eke alamtara soo dhaaftay, intii aan karbaashi jirey soo dhaaftay, mawjadaa ina soo galay iyo maayad xoog badan.

Mar qudha baa lagu qamaamayaa, mid mid baa loo soo qabanayaa qawlaysatadii qabsatay Madaxtooyada Kaaramardha, waa qawlaysatadii oo dhan oo uu ugu horreeyo Raasbutiin, Ma Gafe oo masaafuris lagu keenay dalka, Fara-xadiid, Cali Guulwade, Beenmasheege, iyo Baaniyaal. Waxa la waayayaa Araweelo oo ciil badan loo qabay, ma oga in ay baxsatay oo Nairobi gashay.

Xaq-u-dirir iyo Xorriyo ayaa hoggaaminaya kacdoonka. Xaq-u-dirir baa ugu horreeya, oo u hor gelaya qasriga Kaaramardha wuxu u tegeyaa Mahaye-moog oo gacmaha iyo lugaha ka xidhan oo naftu ka sii baxayso oo aan 7 caanamaal waxba la siin, xadhiguu degdeg uga furayaa, tuurtuu ku soo qaadayaa, ummaddii oo dhan baa daba yaacaysa iyaga oo ku dhawaaqaya:

Waa Geesi aan Godob lahayn

Waa Geesi aan Godob lahayn

Waa Geesi aan Godob lahayn

Waxa allifay: Daljirka Dahsoon

Ahmed Adan
daljir222@yahoo.mco


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured