“Camal La.aanta Haysata Bulshada Somaliland,Oo Mashquulisay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera,–

0
Friday July 19, 2013 - 19:59:45 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Camal La.aanta Haysata Bulshada Somaliland,Oo Mashquulisay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera,–

    Ictiraafku Waxa uu Imanayaa Marka La Helo Rag Leh Kartida Cali Xoor Xoor Oo Kale. “Camal La.aanta Haysata Bulshada Somaliland,Oo Mashquulisay Xafiiska Maareeyaha Dekedda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ictiraafku Waxa uu Imanayaa Marka La Helo Rag Leh Kartida Cali Xoor Xoor Oo Kale. “Camal La.aanta Haysata Bulshada Somaliland,Oo Mashquulisay Xafiiska Maareeyaha Dekedda ictiraafku Waxa uu Imanayaa Marka La Helo Rag Leh Kartida Cali Xoor Xoor Oo Kale.
“Camal La.aanta Haysata Bulshada Somaliland,Oo Mashquulisay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera,
Maareeyaha Dekedda Berbera,waa shaksi aan halkan lagu soo koobi karayn wax qabadkiisa dhabta ah. Haddaba ,markii loo magacaabay Dekedda wuxuu la kulmay dekeddi oo aan ahayn tii uu xilkeeda wareejiyey,wax lagu koedhiyo ha joogtee madaxeedi oo mijaha loo rogay,hawlihi oo isku dhex qasmay, iyo maamulki dekedda oo jaantaa rogan….iwm.

Dib u magacaabistiisiina waxay noqotay mid ku habboon wakhtigeedi oo mucjiso ah, sabatoo ah ilaa maalintii dib loogu magacaabay ilaa maanta wax qabadkiisa waxaad ka arkaysa dekeddi bustaha madow saarnaa ka hore,halka ay maanta marayso iyo is-bedelka ballaadhan ee ka muuqda iyo horumarka ay higsanayso oo ah mid la taaban karo,is-bedelada joogtada ah ee uu u hagar baxay maskaxdiisa iyo muruqiisaba ku foorariyey,si ay dekedda berbera u noqoto mid caalamiya oo lagu soo hirto gudo iyo debadba. Balse ,ay jiraan shakhsiyaad maan gab ah oo si khaldan uga turjuma horumarka iyo waxqabadkiisa,kuwaasoo meel cidlo ah ku harraadsan cunuhuna ku engagay,aragtidoodana faro madhan ka taagan kuna khasaaray,kuwaasoo hadhay dab hindhisaan aan sumcaddissa iyo karaamadiisa waxba u dhimayn wax kastoo ay isku dayaanba.

Markaan u soo noqdo shakhsiyaddiisa, waaa shakhsi ka nadiifa reer,nin jeclaysi,kibir ama isla weyni, dadkuna ay u siman yihiin yar iyo weynba, kuna kalsoon aqoontiisa iyo wax qabadkiisa oo xilkas ah,isla markaana leh go’aan qaadasho adag,waana arrinta keentay inuu maamulka iyo maareyntiisu gaadho mid wax ku ool ah oo kala dambeyn iyo is-qadarinba leh oo mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka dekeddu ay yihiin kuwa xilkooda u guta sidii loogu talo galay,oo aanad marna ku arkayn wax is-khilaafsan ama iska soo horjeeda.

Waana shakhsi u dhashay hoggaaminta oo uu Rabbigeen u siiyey HIBO,dul qaad iyo xushmona leh,lana tashada mas’uuliyiinta la shaqeysa oo ixtiraam iyo qadarinba mudan,oo si xilkasnimo leh u guta xilka iyo waajibaadka uu qaranku u Egmaday. Waxaanan leeyahay ama kula dardaarmayaa sidan :-

Maareeyaha dekedda berbera ,wanaag mooyee weligii xumaan kumu talin,waa shakhsi daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisaba,i. Waana shakhsi ay u siman yihiin dadkiisu oo aan kala jeclayn Fiqiirka iyo Taajirkaba. Isla markaana qayb libaax ka qaatay dalkan Horumarkiisa,oo aan maanta laga been sheegi karayn horaysiyo dambaysoba. Waana shakhsi gudo iyo debadba ku leh Maamuus iyo Qadarin,ay u hayaan shicibweynaha reer S/ Land. Halkana laguma soo koobi karo wax qabadkiisa iyo waxtarkiisaba.

Maareeyaha dakada berbera Eng cali xoorxoor iyo doorkii uu kulaha halganka dhismaha qaran dawladnimo ee somaliland waxqabadkii iyo horumarka wakaalada dakada berbera ee uu maareeyaha ka yahay Markii ugu horeysay ee uu xilka maareeye nimo la wareegay sida dalku ahaa sida dakada berbera ahayd xaalada dhabta ah ee guud ahaan dalku ku jiray markii la yagleelay nidaamka dawliga ah ee ku dhisan hanaanka dimuquraadiyaded iyo talo wadaaga ah akhristee waxaa xaqiiq ah in qaranimada somaliland ee 22 jirsatay horumarka nabada barwaaqada umada reer somaliland illahay ku galaday ee maanta bulshadeenu ku naalonayso in halgan dheer lo so maray, oo halyeyo u hureen maskax aqoon waayo aragnimo karti dadaal wakhti iyo tamar ba, waxa hubaal ah si bad baadiyo bulshadeena ka kooban maatida agoonta naafada goblanka ee ku waxyeelo bay dagaaladii taliskii waxyeelo ee siyaad bare iyo xasuuqii cadawtiinimo ee taliskii waxyeelo ku hayey dadkena , hadaba si lo helo nidaam dawladnimo maamuul iyo kala dambeyn umada reer somaliland ay kaga bad baado colaado iyo nabad galiyo daro aafaysa noloshoda dadnimadoda horumarkoda dhaqankoda fikirkoda iyo aayahoda, ayaa lo guntaday oo rag uga goay raaxo iyo hurdo, horumarka maanta iyo dawladnimada aynu haysano kumay iman dheel dheel iyo hawl yaraan qaranimadan umadeenu hadhsanayso rag ba dhiigoda ku waraabiyey rag bay dhuuxoda ku baxday qaranimada somaliland oo hurdo an ka ladin habeen qudha laba halgan ba logalay qaranimada oo mid yahay kii dagaalka xornimada mid ba yahay kii dib u dhiska iyo nidaamka dawladnimo.

Ma og tahay Caliyow… Dibnaheeda waxa dhaafayee gelaya daankeeda, yey doqoni eexaysataa dux u taqaanaayee, Ma og tahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye, Ma og tahay sursuur daahan baa dabinku yaalaaye, Ma og tahay dalluun baa ka qodan doox hortaada ahe….Ma og tahay xadhkaa daadsan aan lana dareemeyne…..Ma og tahay inaad door heshaan lagula doonayne…..Ma og tahay Rag kula doodayoo kuu dan laa jire’e…. Ma og tahay sokeeyuhu ninkii dagan waa kuwii dila’e… Ma og tahay digtoonaan la’aan dacar inaad leeftay..? una feejignow sidaad dulmiga uga feejigan tahay.

Waxaan intaa u raacinayaa taariikhduna xusi doontaa dhaxalka ma guuraanka ah ee mustaqbalka dhaw iyo kan fogba Waana masuul baal dahab kaga qoran Taariikhda Halgankii Dhismaha Qaran iyo Nidaamka Dawladnimo,ee Somaliland ka hana qaaday

Ma og tahay Caliyow…. Dawgaad bannaysaa ka kale deylo soo marine….Dagalkaad furtaa ka kale deyr u soo jariye…. Dabka aad shidaabaa ka kale saari dogob weyne…. Waadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye….. Dagaalkaad gashaabaa ka kale duub u soo xidhane…… Darajada laguu dhibay iyo guusha kugu deyran…… Ma og tahay dallaallimada waa kugu deyeynaaye…… Caleemaha ninkii daadiyow dan iyo xishaada. Cadowgaagu hadduu duurka cawskiyo dareemada ka badan yahay, adiguna dab baad tahay. Taariikhdaa ku xustay kuna xusi doonta ee halkaa ka hay.
By.Axmed Maxamuud



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured