Gobolka Saaxil Ma Danbiila Mise Dulmi ayuu ku Xidhan yahay?–

0
Friday July 19, 2013 - 19:50:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Saaxil Ma Danbiila Mise Dulmi ayuu ku Xidhan yahay?–

    Hargaysa (xogreebnews.com- Cadaaladu waxay bud- dhig u tahay horumarka umadeed iyo hiigsigeeda wakhtiga dhaw iyo ka dheerba. Cadaalad daraduna waa qalooc iyo janjeedh ku yimaada hanaanka maamul ee umadeed taasi oo halaagta, hadimaysana hurumarka u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (xogreebnews.com- Cadaaladu waxay bud- dhig u tahay horumarka umadeed iyo hiigsigeeda wakhtiga dhaw iyo ka dheerba. Cadaalad daraduna waa qalooc iyo janjeedh ku yimaada hanaanka maamul ee umadeed taasi oo halaagta, hadimaysana hurumarka umad kasta Hargaysa (xogreebnews.com- Cadaaladu waxay bud- dhig u tahay horumarka umadeed iyo hiigsigeeda wakhtiga dhaw iyo ka dheerba. Cadaalad daraduna waa qalooc iyo janjeedh ku yimaada hanaanka maamul ee umadeed taasi oo halaagta, hadimaysana hurumarka umad kasta oo ku dhaqanta cadaalad daro. “rag cadaalad wayaa sidii cawsha kala yaacye”Haddii aan hoos ugu daadago ujeedada aan manta qalinka u qaatay waxay tahay cadaalad daro, eex iyo nin jeclaysi ka jirta hawl wadeenada wasaaradda maliyadda gaar ahaan waaxda cashuuraha bariga ee gobolka saxil gaar ahaan degmada berbera. Waxaa in muddo ah ku xidhan jeelka barbera C/qani Muhumed Guleed


( Cawaale) oo ahaa Gudoomiyihii Cashuuraha bariga ee Gobolka Saaxil. Waxaan Marka hore ka afeefanayaa haddii uu Mr Cawaale Gudoomiyihii hore ee cashuuraha bariga ee berbera uu ku jiro falal boob hantiyeed ah in ay haboon tahay in lagula xisaabtamo Equal and Justice under the law . Si kasta ha ahaatee waxaa muuqata in xadhigiisa ay ka danbeeyaan niman isku bahaystay qabiil , isir-raac casriyaysan, argoosi abtirsiimo ku dhisan oo ay ka dabada ka riixayaan silsilad maafiyo is ku bahaystay si ay u marin habaabiyaan in la sameeyo baadhitaan madaxbanaan oo ku dhisan fair and free financial auditing. Nimankaasi oo is kugu jira xildhibaano iyo masuuliyiin dawladeed oo xilal mihiim ah ka haya waaxyaha kala duwan ee dawlada sida xeer dajinta iyo fulintaba . Nimankaasi waxay isku bahaystay hab qabiilaysan iyo sidii ay u marin habaabin lahaayeen dacwada ku socotamaxamed Jamac oo ka mid ahaa shaqalaha waaxda cashuuraha bari ee wasaaradda maliyadda gaar ahaan gobolka saxil, kaasi oo uu hore ugu qabtay hanti dhawraha guud fal hanta lunsi iyo ku tagri fal hantida Umadeed ah ee loo igmaday ururinteeda iyo ilalinteeda balse uu u badheedhay boobkeeda. Xatooyadaasi uu sameeyay Maxamed Jama oo uu is la markii uu ogaaday falkaasi uu ku kacay Mr Maxamed Jama uu Mr Cawaale oo ahaa Gudoomiyii xafiiska uga masuulka ahaa wasaarada maaliyadda uu u soo gudbiyay wasaarada maliyada iyo Hanti dhawrka qaranka si ay uga gutaan waajibkooda shaqo ee ka khuseeya arintaasi. Nasiib daro se halkii uu ka sugaayay mahadnaq iyo abaal marin isagii uu manta u yahay dhibane u xidhan wanjalaad iyo been abuur qabiilaysan oo ay ka danbeeyaan xildhibaanada iyo masuuliyinta dawlada oo ay isku hayb iyo isku haan ka soo jeedaan masuulka hanti lunsiga u xidhan. “Waxba yaanu xeerkay I marin xoolana isiine xaashee nin libin ka xisdiyay xumihii waa yaabe” Waxaa dhacday in waxgarad ka socda beel hoosaadka masuulka la wanjalay oo tiraba dhawr jeer isku dayay in ay la kulmaan ku-simaha dacwad oogaha guud ee qaran Mr xero dhiig uu sheegay in uu Cawaale ku eedaysan yahay dayacaad Masuuliyadeed ( Negligence of Responsibility ) balse maalmo ka dib wuxuu sheegay in uu Mr Cawaale ku eedaysan yahay lunsi hantiyeed taasi oo muujinaysa in masuulkaasi la saaray Cadaadis beelaysan oo lagu saaray oo ay saareen masuuliyiin beesha madaxweynaha ay sababtay in dacwadaasi la marin habaabiyo waxaa kale oo jira in ninka la yidhaahdo Cali mareexaanuu gacan ka hadal u la tagay Hanti dhawrka guud ee qaran si uu uga fushada wuxuu isagu doonaayo. Haddaba dayaca masuuliyadeed ee uu sheegay ku simaha xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Mr Xero dhiig waxaan waydin lahaa Xero dhiig ma ninka hantida umada dhacay baa masuuliyadii dayacay mise ka ku dhawaaqay ? Jawaabta su’aashaasi waxaan u dhafay bulshada . waxaa kale oo aan raba in aan laba kalmadood ku idhaahdo wasiirka Maaliyadda ee afka ka xidhay arimahan musuqa maaliyadeed ee shaqalaha wasaaradiis lagu eedeeyaya wasiir ma kursigaaga ayaa kala waynaaday in aad xaqa u hiiliso oo aad gacan siiso mise arintaadu waa balaayoy buulkayga ka galay mise waxaad la safan tahay Qawlaysatadda qabiilku madaxmaray. “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi maso in aanunahay oo tolnimomeerto noo tahay” haddaba waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha Somaliland iyo bushada samaha jecel in arintaasi oo ah awood sheegasho beelaysan wax laga qabto haddii kale waxay tagi doontaa in habka beelaysan ee ay ka xishoon waayeen beesha madaxweynuhu lagu wajaho. ……………………………….. La Soco
Mahamed Abdi Hassan Hargeisa

Suxufi1984@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured