Xukunka Soonka Bisha Ramadaan Q2-aad

0
Wednesday July 17, 2013 - 20:18:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukunka Soonka Bisha Ramadaan Q2-aad

    Akhrinta Quraanka oo ay tahay in mar walba uu addoonku ku dadaalo Quraanka akhrintiisa iyo barashadiisaba, hase yeeshee ay tahay inuu bisha Soon sii kordhiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhrinta Quraanka oo ay tahay in mar walba uu addoonku ku dadaalo Quraanka akhrintiisa iyo barashadiisaba, hase yeeshee ay tahay inuu bisha Soon sii kordhiyo Dadka uu Waajibka ku yahay Soonku
Culimadu waxay isku raaceen in Soonka bisha barakaysan ee Ramadaan uu waajib ku yahay qof kasta oo Muslin ah,miyir qaba, qaan gaadh ah, caafimaad qaba safarna aan ku jirin, halka qofka dumarka ahna looga baahan yahay inay daahir ka tahay

caadada iyo dhiigga dhalmada, sidaasi darteed Soonku waajib kuma aha gaalka, qofka waalan, ilmaha yar, qofka buka,qofka safarka ku jira, dumarka caadada iyo dhiigga dhalmada qaba, ruux da´´ ah oo gaboobay, qof dumar ah oo uur leh iyo mid naaska ilmo nuujinaysa.Dadkaas aanu Soonku waajibka ku ahayn qaarkood si toos ah ayuu uga reeban yahay sida gaalka iyo qofka waalan, waayo Soonku waa Cibaado Muslimiinta u gaar ah markaa gaal shuqul kuma laha.

Qofka waalanse maadaama aanu caqli jirin xil ma saarna,sida ku cad Xadiiskii Cali Ilaahay ha ka raalli ahaadee uu soo wariyay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Qalinka saddex baa laga qaaday (oo aan dambi loo qoraynin):- Qofka waalani inta uu ka miyirsado, qofka hurdaana inta uu ka tooso, ilmaha yarina inta uu ka qaangaadho" waxaa wariyay Axmed,Abuu Daa´´uud iyo Tirmiidi. Ilmaha yarse waxaa fiican haddii uu kari karo inuu waalidikii ay ku booriyaan inuu Soomo haddii uu kari karayo si uu ugu barbaaro, waayo ilmaha waxa lagu barbaariyo ayaa u fiican, adkaysi iyo dareensiin diintiisa ahba sidaasaa fiican.Gabadhii Ina Mucawid oo Rubayyic la odhan jiray ayaa waxay tidhi:- Waqtiga Soonka caruurtayada ayaanu Soomin jirnay, markaasaa intaanu Masaajidka gayno ayaanu suuf ciyaar uga dhigi jirnay, haddii midkood cunto u ooyana waannu siin jirnay ilaa afurka laga gaadhayo.
Dadka Sharcigu u fasaxay inay afuraan
Waxaa jira dad uu sharcigu u fasaxay inay afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, dadkaasoo ilaa saddex waji kala yeelanaya:-
? Dad sharcigu u banneeyay inay afuraan oo maalin kasta cunto bixinaya iyagoo aan qallayn doonin amaba dib oo ay ka gudaan Soonku aanay waajib ku ahayn.
? Dad sharcigu u banneeyay inay afuraan oo ay tahay inay dib ka gudaan Soonkii lagu lahaa .
? Dad sharcigu ku waajibiyay inay afuraan isla markaana ay dib ka gudaan.
Dadka afuri kara aanan dibna ka gudaynin
Dadka sharcigu u banneeyay inay afuraan iyagoon dibna ka gudaynin Soonku waa Dadka gaboobay ee da´´da ah,qofka xanuunkiisu aanu bogsasho lahayn, kuwaasoo maalin kasta oo Soon ah quudinaya hal qof, iyadoo la isku khilaafay inta ay quudintaasi tahay iyadoo aysan jirin wax arrintaas ku sahabsan oo Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka sugnaatay. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-"Kuwo uu dhib ku yahay (inay Soomaan waxaa saaran) furasho cunto miskiin (uu siinayo)" Qayb ka mid ah Aayadda 184aad ee Suuradda Al-Baqara.
Culimada qaar ayaa qaba inay dadkaasi soo gali karaan qofka dumarka ah ee uurka leh amaba jaqsiinaysa haddii ay nafteeda iyo ilmahaba u qabto,dadka shaqooyinka culus uu dhuunigoodu ka galay iyo waliba maxaabiista xabsi daayinka iyo shaqada adag ee joogtada ah ku xukuman.
Dadka afuri kara dibna ka gudi kara
Waa dadka buka ee xanuunkooda laga rajo qabo inay ka bogsadaan iyo dadka safarka ku jira. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-"Qofkii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa dushiisa ah ayaamo kale (Soonkooda)"Qayb ka mid ah Aayadda 184aad ee Suuradda Al-Baqara.
Qofka xanuunsanayana waa qofka uu xanuunkiisu ku sii kordhayo haddii uu Soomo,qofka safarka ku jiraa haddii uu Soomo way u bannaan tahay haddii uu kari karo.Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa Asaxaabi la odhan jiray Xamsa Al-Aslami ayaa iyagoo safar ku jira oona Sooman ku yidhi Nabiga:-Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) markaan safarka ku jiro inaan Soomo ayaan awood u leeyahay ma dambi baa ku jira?, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Waa fasax xagga Ilaahay ah , markaa kii qaataa way wanaagsan tahay , qofkii jeclaysta inuu Soomana dambi dushiisa maaha"Muslim baa wariyay. Safarka la afuri karaana waa safarka Salaadda la gaabiyo.
Dadka ay waajibka tahay inay afuraan dibna ka gudaan
Culimadu waxay isku raaceen inay waajib ku tahay in dumarka qaba dhiigga Caadada iyo dhiigga dhalmada ay afuraan, ayna xaaraan ka tahay inay Soomaan inta ay dhiigaggaas qabaan , hadday Soomaan Soonkoodu ansax maaha ee naftooda uun bay kadeedeen.Bukhaari iyo Muslim waxay Caa´´isha Ilaahay raalli ha ka ahaadee ka soo wariyeen inay tidhi:-"Markaanu Caado helno waagii Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa nala amri jirey Soonka qalayntiisa (Dib ka buuxintiisa), nalamana amri jirin qalaynta( gudista) Salaadda".
Xukunka Qofka Soonka cudurdaar la´´aan uga taga
Qofka Soonka cudurdaar la´´aan uga taga kabtii ma yeela. Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatey aad iyo aad ayuu uga digay in qofka Muslinka ah uu Soonku dheeldheel iyo u kas uga tago. Abuu Hurayra waxaa laga wariyay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Qofka afura maalin Ramadaan ka mid ah, isagoon fasax haysan uu Ilaahay u fasaxay, kama gudo isaga Soonka cimrigiisa oo dhan hadduu Soomo" Waxaa soo wariyay Abuu Daa´´uud,Ibnu Maajah iyo Tirmiidi.
Ina Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e waxaa laga soo wariyay in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:- "Guntimaha Islaamka iyo salka diintu waa saddex, iyaga ayaana lagu aasaasay Islaamka, qofkii ka taga mid ka mid ah iyaga,wuuu ku gaaloobayaa, dhiiggiisuna waa xalaal:-Qiritaanka in Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, Salaadaha Faradka ah iyo Soonka bisha Ramadaan" Waxaa soo wariyay Abuu Yaclaa, Addaylami waxaana saxiix ka dhigay Addahabi.
Addahabi wuxuu yidhi:- Muslimiinta waxaa ka sugnaatay in qofka ka taga Soonka isagoon xanuunsanayn inuu ka shar badan yahay, kana xun yahay Dhillayga iyo khamriyo cabka, iskaba dhaafee waxay shaki galiyaan Islaamnimadiisa, waxayna u badiyaan inuu ka mid yahay
Tiirarka Soonka
Soonku wuxuu leeyahay laba tiir oo uu ku sugnaanayo marka lala yimaaddo, labadaas tiirna waxay kala yihiin:-
1- Iska dhawrista waxyaalaha jabiya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa cadceed(qorrax) dhaca laga gaadhayo, waxaanu caddaynaya hadalkii Eebbe uu ku yidhi:-" Hadda u taga (dumarkiina) kana doona wixii Ilaahay idiinka qoray, cuna oo cabbana ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw oo waaga dillaaciisa ah,markaana dhammaystira Soonka ilaa habeenka" Suuradda Al-Baqara aayadda 187aad. Dunta cad iyo dunta madawna waxaa looga jeedaa caddaanka maalinimo iyo madaw habeenkii.
Waxaa kale oo u markhaati ah Xadiiskii ay Bukhaari iyo Muslim soo wariyeen in Cudayyi Binu Xaatim uu yidhi:- Markii ay soo degtay (hadalkii Ilaahay korree oo nasahnaa ee ahaa) "Ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw" ayaa soo qaatay dabar cad iyo mid madaw, markaasaan barkinta hoos gashaday, anigoo habeenka kolba ku eegaya, iyadoo aanay ii kala caddaan, markaasaan markii waagu baryay aan kula kallahay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo arrinkii u sheegay, markaasuu yidhi:-" Arrinkuu sidaas maahayne waa madawga habeenkii iyo caddanka maalinimo".
2-Niyada oo ah in qofku uu niyaysto inuu Soomayo. Ilaahay korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-" Lamana amrin inay caabudaan Ilaahay mooyaane, iyagoo u gaar yeelaya isaga Diinta". Iyo hadalkii Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ee ahaa :-"Camal oo dhami waa niyada, qof kastana wuxuu niyaysto ayuu leeyahay". Niyaduna maaha wax lagu hadlo ee waa qalbiga, markaa qofku hadduu Suxuurto isagoo Soon u jeeda wuu niyaystay, qofka goosta inuu iska joojiyo waxa jabiya Soonka isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wuu niyaystay yaanuba xattaa Suxuuranne.
Culimada badankoodu waxay isku raaceen in Soonka Sunnada (dheeriga) ah waxaa kaaga filan inaad maalinimadaba niyaysato haddii aanu waxba cunin. Caa´´isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxay tidhi:- Waxaa ii soo galay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye maalin, markaasuu yidhi:-"Wax ma haysaan (cunto guriga ma taallaa) ?". Markaasaan ku idhi:-Maya. Markaasuu yidhi:-"Haddaa waan Soomanahay" Muslim baa wariyay

Aadaabta Soonka

Soonku maadaama uu yahay Cibaado Ilaahay loogu dhawaanayo, isla markaana uu addoonku kaga doonayo abaal marin iyo dambi dhaaf, waxaa fiican inuu addoonku waxyaalaha Khayrka ah badsado, oo iska ilaaliyo waxyaalaha u keeni kara Soonkiisa Ajar yaraan iyo nusqaan, waxyaalaha qaofka looga baahan yahay inuu ku dadaalana waxaa ka mid :-
1-Akhrinta Quraanka oo ay tahay in mar walba uu addoonku ku dadaalo Quraanka akhrintiisa iyo barashadiisaba, hase yeeshee ay tahay inuu bisha Soon sii kordhiyo sidii u Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yeeli jiray oo kale. Bukhaari waxa uu soo wariyay in Ina Cabbaas Ilaahay isaga iyo aabihii ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:- Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka ugu deeqsisan dadka , waxaanu ugu sii deeqsisanaa bisha Ramadaan oo uu Jibriil la kulmi jiray, waxaanu la kulmi jiray habeen kasta oo Ramadaanka ka mid ah , markaasuu bari jiray Quraanka, markaa Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuu uga deeqsi badnaa khayrka dabaysha dhabata.
2-Tobanka dambe ee bisha Ramadaan oo Cibaadada lagu dadaalo, iyadoo ka sugnaatay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu umaddiisa ku booriyay inay habenka Laylatul-Qadriga ka baadhaan tobanka dambe ee bisha Ramadaan. Bukhaari iyo Muslim waxay soo wariyeen inay Caa´´isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay tidhi:- "Nabigu naxariis iyo nabadgalyo eebbe korkiisa ahaataye marka ay tobanka dambe soo galaan habeenkii ayuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu kicin jiray, guntiga ayuuna giigsan jiray".
3-Suxuurta oo ah inuu qofka muslinka ahi uu cuno cunto haba yaraatee. Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-" Suxuurta, Suxuurtu waa Barako e" Muslim iyo Bukhaari ayaa wariyay. Umadda Muslimiinta ahina waxay isku raaceen inay arrin wanaagsan tahay, laakiin qofkii ka taga dambi ma raacayo. Waqtigeeduna waa gelinta dambe ee habeenkii ilaa waagu ka dillaacayo, iyadoo ay wanaagsan tahay in dib loo dhigo. Sayd Binu Thaabit ayaa yidhi:- "Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaanu la Suxuurannay, markaasaanu Salaaddii isku taagnay (Salaaddii Subax). Markaasaa la waydiiyay inteebaa u dhaxaysay?, wuxuu yidhi:- Konton aayadood in la akhriyo".Bukhaari iyo Muslim baa wariyay.
4-Afurka oo la dadajiyo, taasoo ah inu qofka Soomani uu dadajiyo afurka marka uu hubsado in cadceeddi dhacday. Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Dadku khayr bay ku jiraan inta ay afurka dadajinayaan" Bukhaari iyo Muslim baa wariyay. Waxaana fiican in uu qofku ku af billaabo timir, haddii uu waayana biyo. Nabigeenu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Haddii midkiin Sooman yahay ha ku af billaabo timir, haddii u timir waayana biyo ha ku af billaabo, biyuhu waa daahire" Axmed iyo Tirmiidi ayaa wariyay. Sida fiicanna waa inuu Salaadda ka dambaysiiyo afurka. Sidoo kale waxaa fiican inuu qofka afurayaa ducaysto. Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa laga soo wariyay inuu yidhi:-" Saddex Ducadooda lama celiyo (Eebbe wuu ka aqbalaa):-Ka Sooman ilaa uu ka afuro,Imaanka caadilka ah iyo dulmanaha" Tirmiidi baa wariyay.
5-Iska ilaalinta wax Soonkiisa wax u dhimi kara, taasoo ah inuu qofku iska ilaaliyo wax Soonkiisa wax u gaysan kara, iyadoo ay tahay in Soonku kaliya uu yahay in laga Soomo cuntada,cabitaanka iyo waxyaalah reeban ee kaleba balse uu yahay camal suubanaan Ilaahay loogu dhawaanayo. Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxa uu soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Ka aan ka tagin beentu iyo ku shaqaynteeda, markaa Ilaahay waxba ku fali maayo inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabitaankiisa" Kooxdaa warisay Muslim mooyaane. Waxaa kale uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uidhi:-"Badanaa qof Sooman oo aan gaajo mooyaane Soonkiisa waxba ku lahayn, badanaana mid taagan (oo Salaadda habeenkii u taagan) oo taagnidiisa ku lahayn soo jeed mooyaane" waxaa wariyay Annisaa´´i,Ibnu Maajah iyo Al-Xaakim.




Lasoco Qeybaha Danbe Insha Allaah

Abdifataax Maxamed Barre

Barre_98@hotmail.com

Coventry,uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured