Mee Xisbigeennii Amranaa ee Kulmiye ee Ballan-Qaadyada aan Intoodii Badnayd Fulin Codadkeennii Inaga Siistay? Mise meel uu ku Dhibcayba Lama Hayo? Qormada:3aad

0
Tuesday July 16, 2013 - 19:47:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mee Xisbigeennii Amranaa ee Kulmiye ee Ballan-Qaadyada aan Intoodii Badnayd Fulin Codadkeennii Inaga Siistay? Mise meel uu ku Dhibcayba Lama Hayo? Qormada:3aad

    Qormada:3aad Mee Xisbigeennii Amranaa ee Kulmiye ee Ballan-Qaadyada aan Intoodii Badnayd Fulin Codadkeennii Inaga Siistay? Mise

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormada:3aad Mee Xisbigeennii Amranaa ee Kulmiye ee Ballan-Qaadyada aan Intoodii Badnayd Fulin Codadkeennii Inaga Siistay? Mise Mee Xisbigeennii Amranaa ee Kulmiye ee Ballan-Qaadyada aan Intoodii Badnayd Fulin Codadkeennii Inaga Siistay? Mise
meel uu ku Dhibcayba Lama Hayo? Ma Waxyaabihii ay Ka Cabanayeen Wax ka Daran Oo aan Hore Inoo Soo Marin Ayay Inagula Kaceen? Ma Maantaa Maammulladii Hore Loo Ooyayaa?
Waa tii hore aan idiin ku sheegay oo kunkii su?aalood ayaan idiin bilaabay ee idinkuna maararrow ka dhigta oo sii dhammaystira.
Sow tii Timacadde lahaa: ?Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye,?

Malaha su?aalihii waa ay idin la qalin-taraareen ama ?computer?-taraareenba? Hubaal waxay ahayd foolaadka wargeysyada sida tooska ah ee ba?an u maqdiya Xukuumaddeenna neceb hay?ad-dhiska ee ka jecel qof-dhiska ama qof-qiimayntaba. Waa halka aynu ka jabnay. Haa oo la iskuma haysto in ay xukuumaddan maanta jirtaa wax badan oo maaddi (material) ah qabatay, bal se ta macnawiga ah ee ay dhaawacday ayaa ka badan, dadkuna uga xiiso badan yihiin. Waa waxa loo arki waayay wax-qabadka ay ku faanaan ee ay ku cel-celiyaan. Guul aan laguu ogeynina guul ma noqoto e? waa hal bacaad lagu lisay. Guul aad keligaa isu og tahay, adiga ayaa isugu sacab tuma, markaas ayaad dadka intiisa kale la collowdaa. Derbiyo qurux badan, Xarumo wasaaradeed oo qurux badan, bal se aanay wax badani ka hooseyn waa la dhisay. Hadda intaasiba wax la?aanta waa ay dhaantaa. Hambalyo. Yaan lagaga masuugin bogaadinta waxyaabaha ay ku guuleysteen, si tabashadeennana loo arko ama loo maqlaba
Hubaal, teennii ku soo noqo. Maalin kasta qaylo iyo baroor ayay xukuumadda u ahayd oo intaa waxay ka caban jirtay: ?Hubaal baa waxaa qortay.? Hubaal xadhiggeeda iyo xayiraaddeeda meel kale loogama iman. Waxyaabahaa isa soo biirsaday ee kellifay in Rugtooda lagu weeraro, laguna dhaawaco, waxa u xigay warqaddii, khadkii iyo madbacaddii oo la xidho. Waxa u raacay Guddoomiyihii iyo Tifaf-tirihii oo iyagana la xidho, iyada oo aan laba Cali is-weydiin ciddii dhaawacday iyo ciddii soo weerartayba.
Xukuumaddeenna Dul-yar adkaysigiiba show goor hore ayuu ka dhammaaday. Hubaalna aammusi weyday. Haa??waa dhab saxaafadda inteeda badani jaamicado saxaafadeed kama soo bixin. Laakiin, dalka oo dhan ayaa iska caynkaas noqday intii xukuumaddan Kulmiye timid oo, CV-giiba wuxu ku soo ururay: ?Waa qolo ma?? Bes, wax kaleba uma baahnid. Inta siyaasadda dalka gacanta ku haysaaba waa barbarad ee cid ayaan ku qabsanayn. Waxay u muuqataa in saxaafaddii la tun-jileecsaday.
Hubaal, dalqo bahal waxay gashay 8dii iyo 9kii bishii Juun ee 2013ka. Oo maxay qortay? Ka durduurta waa kuwan maqaalladii ay eedday ee dagaashay e?.
Juun, 8dii, 2013ka, Cadadkii 262aad ee maalintii Sabtida, Cinwaanka maqaalkuna wuxu ahaa: Milicsiga Taariikhda Iyo Qorshayaasha Weerar ee Masaarida ee Maanta iyo kii 1998kii:
Hadda sidii Wargeysku u soo qoray ayaan u soo xiganayaa ee ha moodina in aan anigu qoray. Bisinka e?, waxay ku bilowday:
Muxuu Daaran Yahay Socdaalka Wasiir Daakhiligu Ku Tegey Dal Carbeed oo Gacan-saar La Leh Masar Maxayse Ahayd Tiraabtii Cigaal Ka Yidhi Weerarkii Masar?
Hargeysa (Hubaal)
?Wararka isa soo taraya ee ka imanaya Muqdisho oo ay ugu dembeeyeen Saraakiishii Sare ee ka socday dalka Masar oo markii ugu horreysay gaadhay halkaasi, tan iyo intii ka dembeysay afgembigii shacbi ee Xukuunka lagaga tuuray Taliskii Siyaad Barre iyo warar kale ee sheegaya in dalka Masar ay hub xad dhaaf ah ku dal-dalayaan xukuumadda Muqdisho ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu tilmaamo inuu yahay nin ay isku mabaadii? yihiin isaga iyo rag kale oo ka tirsan madaxda Soomaaliyeed, ayaa waxa aanay illaa hadda xukuumadda Somaliland wax jawaab ah ama dareen ah ka bixin, marka laga reebo siyaasiyiin aan xil hayn hadda oo uu ugu horreeyo Cali Maxamed Waran-cadde oo dhawr jeer sida fiinta uga qayliyey damaca Masaarida ee ay ku doonayso in ay saldhigyo ka hesho dalkii Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.
Wararkani markii ay soo baxeen ayaa waxa dhawaan socdaal aan la shaacin oo warbaahinta laga qariyey inta la og yahay dalka Imaaraadka Carabta ku tegey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka mid ah Madaxdii Somaliland ee markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya si aan gabasho lahayn ugu dhawaaqay in Guusha Xasan Sh. Maxamuud uu ku gaadhay Madaxweynenimada ay Somaliland doorka koowaad ku lahayd, sidoo kalena isla markii lagu dhawaaqay guushiisa oo ay ka soo wareegeen doorashadiisii wax aan dhawr saacadood gaadhin ay xubno ka tirsan wasiirrada Xukuumadda Somaliland u kala dheereeyeen Hambalyayntiisa iyagoo toos u tegey Telefishannada Somaliland qaarkood sida HCTV, iyadoo aan Weli Madaxweynaha JSL laga maqal xilligaasi Hambalyada Madaxweynaha Soomaaliya.



Haddaba, waxa hadda ay shacbiga Somaliland wax garadkiisu shaki ka galay socdaalka qarsoodiga ah ee uu wasiirka arrimaha guduhu ku tegey Imaaraadka, iyadoo geesta kalena xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo war rasmi ahi kasoo yeedhin oo la xidhiidha siyaasadda Cusub ee ka unkantay Mandaqada, gaar ahaanna Soomaaliya oo ay Masar si aan qarsoodi lahayn isugu diyaarinayso inay dhulka Soomaaliya iyo Somaliland-ba ka samaysato saldhigyo ay kaga duusho dawladda Itoobiya ee aynu deriska iyo Saaxiibkaba nahay, kadib markii ay si rasmi ah dawladda Itoobiya ugu dhawaaqday inay biyo xidheen ka samaysanayaan webiga Blue Nile-ka oo ah ka ay biyuhu uga tagaan webiga Niilka.

Tallaabadan faro-gelinta ah ee dalka Masar uu hadda ka bilaabay Soomaaliya iyo Somaliland, iyagoo gabbaad ka dhiganaya aqoonsiga caalamiga ah ee loo fidiyey Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaan ahayn markii ugu horeysay, balse waa jirtay in faro gelin tan la mid ah ay damceen inay ku tallaabsadaan bishii Jan. 1998-kii, waqtigaas oo uu dalkan Somaliland Madaxweyne ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Haddaba, Qoraal deg-deg ahaa oo xilligaas uu Marxuum Cigaal u diray Ururka Midowga Afrika, IGAD iyo UN-kaba waxa uu soo qaatay war rasmi ah oo uu xafiiska waaxda arrimaha dibbeda ee dalka Masar ay ku war gelinayeen dagaal-oogayaashii xilligaasi ee Soomaaliya oo uu shir dib u heshiisiin ahi uga furmayay Baydhabo in Masar ay diyaar u tahay haddii ay shirkaas dib u heshiisiinta ah ku guuleystaan kooxihii ku hirdamayay Soomaaliya ay markaa ballan-qaadayaan in tallaabo Militari oo fir-fircoon oo lagu qaado Somaliland ay wax walba oo suurto gelinaya kaga gacan geysanayaan sidii loo qabsan lahaa, iyagoo Masar geesta kalena ka waday inay afduubaan shir isla waqtigaas ka dhacayay Magaalada Harare ee wadanka Simbabwe oo kooxaha Soomaaliya loogu qabanayay shir kale oo dib u heshiisiin ah isla sanadkaas.

Haddaba si uu uga hor tago Mu?aamaraadkii Masaarida waxa uu Marxuum Cigaal Qoraal rasmi ah u diray OAU, IGAD iyo UN, kaas oo uu ku sheegay in Masar au xidhayso dhammaan dhabbeyaashii dib u heshiisiineed ee ay ururradaasi wadeen, isla markaana ay u tafa-xayteen sidii ay dagaal lagu hoobto oo mandaqada oo dhan saameeye uga dhex dhalin lahaayeen labada dal ee walaalaha ah ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana taasi muujinaya sida uu Marxuum Cigaal sheegay faro-gelinta tooska ah ee ay Masaaridu kula dhex jirto Soomaaliya iyo afduubka ay doonayso inay kula wareegto hawshii dib u heshiisiinta, igasoo Madaxweyne Cigaal hoosta ka xariiqay in ujeedada Masar tahay oo keliya sidii ay danahooda Istaraatiijiyadeed ee Juquraafi ee ay ku leeyihiin Mandaqada uga fushan lahaayeen, kuwaas oo ugu horreeyo ilaalinta biyaha webiga Niilka oo ay Masar 87% biyahaas keli ahaanteed Manaafacaadsato.?



Warka 2aad wuxu ku soo baxay Hubaal: Cadadkii 264aad ee Isniintii Bishu Ahayd 10kii Juun, 2013ka:



Waxaanu ku saabsanaa Warqad uu qoray nin kahbiir ah oo Mareykan ah oo Gregory R. Copley la yidhaahdo, kaas oo Madaxweynaha iyo qalalaasaha Masar ay mandaqadda ka waddo ka hadlay.



Bishii Juun 11diiba, Xaruntii Hubaal tabtii shabadaantii carruurtu ciyaari jirtay, waxay ahayd: ?Xidhan oo xayaayiran.? Gabbal baa u dumay. Weerarkii hubeysnaa ee aan geedna loogu soo gabban ee garsoor, dembi-baadhis iyo xukuumad midina ka gar-niqin ayaa taasina u raacday. Ma maqli jirteen: ?Gar-darro aan geedna loogu soo gabban.?
Gegebegaba sheekada:
(La soco???????????.)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured