GABAYGII MALALA OO TIRIYEY EE AF-SOOMALIGA AHAA:MALALA, MALALA

0
Sunday July 14, 2013 - 23:42:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GABAYGII MALALA OO TIRIYEY EE AF-SOOMALIGA AHAA:MALALA, MALALA

    Shalayto waxeey ahayd maalintii MALALA, MALALA DAY, Mallaala waa gabar yar oo Pakistaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalayto waxeey ahayd maalintii MALALA, MALALA DAY, Mallaala waa gabar yar oo Pakistaan Shalayto waxeey ahayd maalintii MALALA, MALALA DAY, Mallaala waa gabar yar oo Pakistaan u dhalatay balse dunida tariikh ku reebeysa ka dib markii ay iskeed u bilowday olole ay ugu doodeyso waxbrashada gabdhaha yar yar ee paksitaan, Talibaan ayaa arintaasi u cuntami weyday weeyna ka xishoon waayeen in eey ilmo yar oon qaarin dhibaateeyaan, waxeey isku dayeen in eey dilaan, inta jidka u galeen degamadeed daganeyd wadada iskuulkeeda tagta ayeey iyada iyo caruur kale oo iskuul ku sii jeeda rasaas ku fureen, iyadana gaar ahaan u bar tilmaaeed sadeen oo madax ka toogteen, geeri beeyna kaga tageen, ilaah baa ka badbaadsahay, dhowr qaliin, daweyn iyo dabiibid dheerna, waa ka kacday nabarkii, in kastoo weli isha lagu hayo cafimaadkeeda.

Hadaba iyadoo la sii ogaa in malintan haddii eebbe nafta u daayo ay ka hadli doonto dunida horteeda, ayaa innagoo dhowr qofood oo qorayaal iyo hal'abuurayaal ah, sanadkii hore PEN INTERNATIONAL naga codsatay in aan gabayo iyo qoraalaba u hibeyno MALALA'S BOOK, gabayadaasoo lagu qoraayo dhamaanba luuqadaha adduunka, gabaygii loo xushay in uu luuqada Soomaliga uga mid noqdo buuggaas MALALA loo hibeynayey waa kan hoos u ku qoran, waxaana isla gabayagaan iyo kuwii kale oo luuqadaha calamka ee kale ku qornaa lagu sii tarjumay English.
Xuquuqda Gabaygan waxey u dhowran tahay: Mu'allifka iyo PEN INTERNATIONAL.

Ramadaan Kariim:

This Poem Dedicated to MALALA YOUSAFZIA and her bravely action.
Written by: Amina Mussa Wehelie
Author/Poet/play-writer/journalist from Somalia.
Poem’s name:
GUUL MALALA ( VIVA MALALA)

MALALA sidii maalin ciid,
Baan kuugu maqsuudaaye,
Malaayiin caruur ah ayaad,
Magac u qaadaaye,
Masiibooyinka lagu hayaad,
Maya tiraahdaaye,
Mugdiga iyo jaahilnimadaad,
Maya tiraahdaaye,
Macangagnimada meydhacdaad,
Maya tiraahdaaye,
Mar kastaan xasuustaa,
Sidii moowle kuu bixiyey,
Xarkaheey maleegeen,
Duulkii madaxa-weynaaye,
Mowlaha rabbaan kuu tuugi,
Inuu ku meeleeyo,
Maskaxdana kuu daayo baan,
Maalik ka baryaaye,
Mardhow adigaa wasiir noqon,
Iyo Masuul meel-sareba gaaray,
waa in eey ku marisaa duniduna,
waxaad mudneed huuno,
mahad-naq iyo abaal marina waa,
Ineey ku maansheeyso.
GUUL MALALA, GUUL MALALA.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured