Madaxwayne Siilaanyo Oo Saas Ka Qaaday Golle Cusub Hanjabadna U diray

0
Thursday July 11, 2013 - 20:23:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Siilaanyo Oo Saas Ka Qaaday Golle Cusub Hanjabadna U diray

    Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku hanjabay inaanay cidna ka aqbali doonin in sharciga dalka lagu tunto, isla markaana waxa uu ku dooday inay u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku hanjabay inaanay cidna ka aqbali doonin in sharciga dalka lagu tunto, isla markaana waxa uu ku dooday inay u Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku hanjabay inaanay cidna ka aqbali doonin in sharciga dalka lagu tunto, isla markaana waxa uu ku dooday inay u dulqaadanayaan dhaliilaha.
Sidaa waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey furitaanka Idaacada Quraanka Kariimka ah, isaga oo dadweynaha ugu baaqay
Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlayey idaacada qur?anka Kariimka ah ayaa waxa uu sheegay sheegay in loo baahan yahay idaacada qur?aanka kariimka ah, isagoo dadweynaha ugu baaqay inay ka fogaadaan xanta, xasadka iyo waxkasta oo Ilaahay xaaraantimeeyey, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Walaalayaal, waa loo baahnaa idaacada qur?aanka kariimka ah, waxaanan wasaarada warfaafinta ku hambalyeynayaa furitaanka idaacadan iyo bisha barakaysan ee Ramadaanta, waxa loo baahan yahay in sida Ilaahay ina faray aynu cibaadada badsano oo ay akhriska iyo dhegaysiga qur?aanka badsano, kana fogaano xanta iyo waxkasta oo Ilaahay innaga reebay, isla markaan wax u dhimaya dadkeena iyo qaranka Somaliland, kalana fogaynaya dadkeena. Mar labaad shacbiga Somaliland iyo masuuliyiinta waxaan ku hambalyeynayaa bisha barakaysan ee Ramadaan, Ilaahayna ha innaga yeelo inta uu soonka iyo cibaadadaba ka aqbalo.”


Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in bisha ramadaan tahay bil cibaado, waxaannu yidhi; “Bishani waa bil barakaysan. Waa bil cibaado oo iyadoo ay mar walba cibaadadu waajib tahay, hadana bishani waa mid gaar ah oo had iyo jeer culimadu inoo sheegto in aynu ka dheeraano xanta, xasadka iyo waxkasta oo Ilaahay (SWT) innaga reebay.”

“Suurtogal maaha in dadka qaarkood ay caadaystaan inay maalin walba la taagnaadaan cay, aflagaado, been abuur sharci-darro ah, iyadoo xataa lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta. Maalmahanba waxa aynu saxaafadda kala soconay hadalo naxli xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxayey, hadaladaasi waxay isugu jireen kuwo loogu tallogalay in toos loogu dhaawaco deganaanshaha iyo xasiloonida dalka iyo kuwo shaqsi cay iyo xiqdi ah oo loo badheedhay.”.Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

“Dabcan, annagu masuuliyad culus baanu haynaa, waana lagama maarmaan in aannu u dulqaadano dhalliilaha, hasayeeshee, waxa aan shacbiga u sheegayaa in aanan cidna ka aqbalayn in sharciga dalka lagu tunto,”ayuu yidhi Md. Siilaanyo, isagoo intaas ku daray inaanay marnaba aqabali doonin in qawaaniinta dalka la baal maro
Hadalkan madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmay wakhti siyaasiyiin miisaan culus maalintii shalay dalka kaga dhawaaqeen Golle ay ugu yeedheen “Golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka”, isla markaana ku tilmaamay inay u-jeedada ay u sameeyeen tahay “Sidii loo bad-baadin lahaa Qaranka waxaana muuqata in xukuumadda somaliland ay aad uga gubatay golahaas cusub ee lagu dhawaaqay aamlintii shalay ahayd



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured