Xukuumada Somaliland oo Sharcidarro ku tilmaamtey Golihii wada tashiga ee shaley lagu dhawaaqey

0
Thursday July 11, 2013 - 20:09:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland oo Sharcidarro ku tilmaamtey Golihii wada tashiga ee shaley lagu dhawaaqey

    Hargeysa(xogreebnews.con-Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa gaashaanka ku dhuftey Golle madax-banaan oo la yidhaahdo “Golaha Wadatashiga iyo toosinta qaranka” oo ay ku dhawaaqeen Siyaasiyiin miisaan culus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.con-Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa gaashaanka ku dhuftey Golle madax-banaan oo la yidhaahdo “Golaha Wadatashiga iyo toosinta qaranka” oo ay ku dhawaaqeen Siyaasiyiin miisaan culus leh, isla Hargeysa(xogreebnews.con-Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa gaashaanka ku dhuftey Golle madax-banaan oo la yidhaahdo “Golaha Wadatashiga iyo toosinta qaranka” oo ay ku dhawaaqeen Siyaasiyiin miisaan culus leh, isla markaana waxa uu ku tilmaamay inuu baal-marsan yahay sharciga iyo Dastuurka dalka u yaala.

Sidaa waxa uu Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Warancade ku sheegay Shirjaraa’id oo uu goor dhaweyd ku qabtey Xafiiskiisa.

Ugu horeyn, Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Umadda reer Somaliland waxay jid adag u soo martey inay dhidibada u aasto qaran ku dhisan sharciyad adag oo lagu kala hagmo cidd waliba u qeexaya xilka uu ku leeyahay hawlaha qaranka, si looga fogaado muranka iyo wax kasta oo keeni kara xasilooni darro dalka ka dhacda”.
“Waxaynu dhisanay golayaal qaran iyo Xisbiyo qaran oo sharcigu u baneeyey inay ka qeybqaataan tallada iyo wixii toosin ah ee qaranku u baahan yahay oo sharciguna waddanku u baneeyey inay hawlaha fuliyaan.Waxaynu ku guuleysanay inaynu abuurno xisbiyo qaran si aynu uga dugsano fidnada qabyaalada, gobolaysiga iyo kooxaysiga, isla markaana ay noqdaan jidka loo maro madaxtinimada qaranka, isla markaana uu bulshada ugu soo bandhigi karo qofkasta oo ay himiladiisu ay gaadhsiisay siyaasadeed inuu dalka madaxtinimo ka qabto,waxaana halkaasi ku hadhay nidaam kasta oo doc ka faruura. Nidaamkeena dawladnimo ee qiimaha baddan inagu joogana la ixtiraamo”.Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade.
Sheegashada golle aan sharcigu jideynin oo la sheegta ay meel ka dhac ku tahay shuruucda dalka iyo Dastuurka qaranka.“Qarankani waxa uu soo dhaweynayaa diyaarna u yahay muwaadin kasta oo u heelan ama jecel inuu tallo iyo rayi ka geysto horumarka, degenaashaha, iyo danta guud ee bulshada ee qaranka Somaliland, oo loo marro jidka sharciga ah oo maadama ay dawladeenu u xil-saaran tahay ilaalinta iyo hirgelinta Cadaalada, Horumarka dalka iyo ilaalinta sharciyada. Waxaan halkan ku cadeynayaa sheegashada golle aan sharcigu jideynin oo la sheegta ay meel ka dhac ku tahay shuruucda dalka iyo Dastuurka qaranka”.Ayuu yidhi
warancadegolaha-wada-tashiga
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Wasaaraduna (Arrimaha Gudaha) waxay u xil-saaran tahay inay ilaaliso wax-kasta oo ka hor yimaada shuruucda dalka u dhisan, si loo ilaaliyo qaranimada jiritaanka iyo nabadgelyada ay bulshadeenu ku degen tahay ee dalkeena ka hirgalay”.

“Waxay tahay in muwaadinka doonaya inuu tallo-qaran ka geysto, oo qeyb ka qaadan kara horumar waddanka, nabadgelyada iyo degenaashaha waddanka,waxa ka reeban in qofna uga faa’iideysto dan gaar ah oo ku dhisan hab-qabyaaladeed,Goboleysi, iyo Kooxeysi-toona, iyada oo looga jeedo in lagu mijo xaabiyo bulshada Somaliland ama lagu waxyeeleeyo nabada iyo degenaashaha”.Ayuu yidhi Warancade.
Hadalkan Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ka danbeeyey, kadib ,markii shalay Siyaasiyiin miisaan culus ku dhawaaqeen Golle la yidhaahdo Golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured