120 QOF OO TAHRIIBYAAL REER SOMALILAND AH OO DALKA LIIBIYA LAGAGA DHACAY LACAG GAADHAYSA 120 KUN OO DOOLAR
Tripoli (xogreebnews.com- magaaladda tripoli ee dalka liibiya ayaa lagaga dhacay muwaadinin reer somaliland ah oo tahriibayaala lacag gaadhaysa 120 kun oo dolar
Tripoli (xogreebnews.com- magaaladda tripoli ee dalka liibiya ayaa lagaga dhacay muwaadinin reer somaliland ah oo tahriibayaala lacag gaadhaysa 120 kun oo dolar
dadkan oo iyagu u diyaar garoobayay inay raacaan doonidii u tahriibinaysay dalalka qaarada yurub ayaa la sheegayaa inay lacagtii ka dhaceen mukhalasiintii doonida rarayay iyagoo markii ay lacagta dadka ka qaadeen baxsaday islamrkaana la waayay sida uu baligubadlemedia u xaqiijiyayGuuleed Dayr Xaaji Cabdi oo baligubadlemedia la xidhiidhay waxa kale oo uu xaqiijiyay inaan ilaa hadda laga war hayn halka ay tageen ninankii lacagtan dadka ka dhacay lacagta gaadhaysa 120ka kun ee dolar ayaa ah 120 qof oo tahriibayaala lacagtoodii iyadoo halkii qofba laga qaado 1000 kun dilar waxaanay tirada guud ee 120ka qof noqonaysaa 120 kun oo dolar, maaha markii ugu horaysay ee dad noocan ah lacagtooda la dhaco balse waa markii tiradii ugu badnayd lacag laga dhaco iyadoo dhamaan dadkan lacagta laga dhacay ay yihiin reer somaliland dhanka kale Wararka naga soo gaadhaya Jasiiradda Malta ayaa xaqiijinaya in maanta ciidamadda Badda ee Jasiiradda Malta ay soo badbaadiyeen 62 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo isugu jira 49 Rag ah oo 25 ka mid ahi ay yihiin wiilal aad u da? yar , iyo 13 Dumar ah oo ay ku jiraan laba hablood oo aad u da yar . Warkan oo ay warfidiyeenada u xaqiijiyeen ciidamada Jasiiradda Malta ayaa intaa ku daray in mid haweenay ka mid ah Tahriibayaashashan muhaajiriinta ah ee la soo badbaadiyay in ay shalay ku dhex umushay doon caag ah oo aad u liidata oo ay ku safrayeen tahriibayaashu.halka haweeney kale oo ka mid ah tahriibayaashu ay tahay xaamilo fool ah oo ku jirta Sagaalkii bilood Ciidamadda Badda ee Jasiiradda Malta, waxa ay sheegeen inay doontan ay tahriibayaashu saarnaayeen ay ka soo qabteen badda Mediterranean-ka meel 75 Mayl u jirta ka xigta jihada koonfureed ee Jasiiradda Malta, mana cada ilaa iyo hada in 62 qof ee tahriibayaasha Soomaalida ah ee la soo badbaadiyay in la geegay Jasiiradda Malta iyo in kale, waxaana lagu soo waramayaa in doontan ay saarnaayeen tahriibayaashu inay ks soo shiraqatay xeebaha dalka Liibiya. Warku waxa kale oo intaa daray in doon kale oo ay saarnaayeen tahriibayaal Soomaali ah oo aan tiradooda weli si rasmi ah loo lxaqiijin oo ku jirta isla biyaha badda Mediterranean-ka in ay ciidamadda Badda ee Jasiiradda Malta ay ku raad joogaan baadi goobkeeda iyo soo badbaadinteedaba. Leave a comment |
|
120 QOF OO TAHRIIBYAAL REER SOMALILAND AH OO DALKA LIIBIYA LAGAGA DHACAY LACAG GAADHAYSA 120 KUN OO DOOLAR
Tripoli (xogreebnews.com- magaaladda tripoli ee dalka liibiya ayaa lagaga dhacay muwaadinin reer somaliland ah oo tahriibayaala lacag gaadhaysa 120 kun oo dolar