Wax-Garad Somaliland Oo ku Dhawaaqay Gole Ay Ku Idil Yihiin Labeentii Siyaasiyiinta Somaliland Iyo Doorka Toosineed Ee Ay Qaadan Doonaan

0
Wednesday July 10, 2013 - 21:29:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax-Garad Somaliland Oo ku Dhawaaqay Gole Ay Ku Idil Yihiin Labeentii Siyaasiyiinta Somaliland Iyo Doorka Toosineed Ee Ay Qaadan Doonaan

    Hargeysa (xogreebnews.com-- Afhayeenka Golaha Madaxa Banaan Wadatashiga iyo toosinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-- Afhayeenka Golaha Madaxa Banaan Wadatashiga iyo toosinta Hargeysa (xogreebnews.com-- Afhayeenka Golaha Madaxa Banaan Wadatashiga iyo toosinta Qaranka Mujaahid ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagoweyne) ayaa soo saaray War saxaafadeed ka kooban 16 qodob, kaas oo uu si aad ah ugaga hadlayo halka uu dalka Somaliland maanta marayo.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Ururkaasi Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne), ayaa waxa uu u dhignaa sidan

Marka hore waxa aan

ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto leeyahay Ramadaan Kariim. Bishan bisheedana ku gaadha badhaadhe iyo barwaaqo.


Intaasi ka dib, waxa farxad weyn ii ah anigga oo ah Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne) oo ah Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka in maanta oo ah Arbaca, 10 July, 2013.

Ku dhawaaqno oo shaacino jiritaanka golahan cusub iyo baahiyhii keenay abuuritaankeeda iyo ujeedooyinkeeda.

Ka dibna markii aanu aragnay:

1. Xalaada guud ee dalku maraayo

2. Gooni isutaagii iyo qadayadii madaxbanaanida Somaliland oo madmadow la geliyay, isla markaasna dalkii go?doon laga geliyay beesha caalamka.

3. Balanqaadyadii ay xukuumadda ku gashay xilligii ololaha doorashada madaxtooyadda ee 2010 oo aan intoodii badnayd la fulin ama la hirgelin.

4. Eexdii, qabyaaladdii, musuqmaasuqii iyo hantiboobkii oo maraaya meel aan hore loo arag abid.

5. Hantidii ummada iyo awoodii dowladnimo oo loo isticmaalaayo in lagu furfuro laguna kala qeybiyo midnimadda shacabka SomalilandL laguna cabudhiyo saxaafadda madaxabanaan iyo Xisbiyaddii qaranka.

6. Taladii dalka oo gacanta u gashay shakhsiyaad aan loo igman oo dano gaar ah leh oo runtii aan dalka iyo dadka toona midna u tudheynin.

7. Sida ay isku-milmeen xukuumaddii, golayashaashii sharci dejinta, iyo garsoorkii qaranka halkaas oo ay ku luntay isku-dheelitirkii awoodeed ee dalka

8. Aragnay wax ka qabasho la?aanta cabashooyinka beelaha iyo weliba isku-dhacyadda dhexmara.

9. Niyadjabka, shaqo la?aanta, quusta, rajo xumada, iyo tahriibta ku habsatay ummadii SL guud ahaana, gaar ahaana dhallinyaraddii lafdhabarka u ahayd dalkan.

10. Sida dastuurkii iyo shuruucdii dalkani lahaa loogu tumanaayo.

11. Wadatashigii & isku tanaasulkii ay Somaliland ku soo caano maashay intii ay jirtay oo loo bedelay in aan la isku joojin.

12. Beelihii darafyadda oo ka maqan dhadhaaradii taladda dalka iyo awood qeybsigii.

13. Caadaalad daradii oo si weyn ugu baahday dhamaan dalkii oo dhan iyo go?aanadii maxkamadaha oo aan la fuluneynin.

14. Ilihii dhaqaale ama dakhliga sida dekadda, haamaha shidaalka, macjarkii, hey?adii wadooyinka, dayactirka (levy), lacagtii gurmadka, 2% loo qoondeeyay horumarka goboladda bariga oo si toos loo hoos geeyay madaxtooyadda iyada oo dano gaar ah loo isticmaalo.

15. Dhaqaalaha ka soo gala dalka kheyraadka dabeeciga ah sida shidaadlka, macdanta, kalluunka,iwm. oo si gaar ah loogu takri falaayo heshiisyadoodana aan la soo marin baarlamaanka

16. Dhimashadii, dhaawicii, dildilaaci, riiqdii, qeybsanaatii, qabyaaladii ay inaga tagtay doorashadii golaha degaanka (28/11/2012) ee xukuumada SL musuqmaasuqday.



Haddaba, isku soo wada duuboo markii aanu araganay in dalka halis ku jiro oo cagta saaray tubtii ama dhabihii ay dowladuhu ku burburi jireen ayaa wada tashi dheer oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo debediisaba lagamamaarmaan noqotay in loo midooba sidii loo badbaadin lahaa jiritaanka Qaranimadda JSL. Sidaasi awgeed waxa abuurmay gole madaxbanaan oo la magac baxay ?GOLAHA MADAXBANAAN EE WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA?. Waxa la isla gartay in sida ugu dhakhsiyaha badan leh loo qabto Dood Cilmiyeed lagu lafo guraayo laguna dersaayo xal u helida dhibaatooyinka iyo caqabadaha faraha badan ee inna horyaala si loo helo Midnimo Qaran.

Fadlan wixii tallo iyo tusaale ah ee khuseeya horumarka iyo danta dalka waxa aad nagala soo xidhiidhaan emailadan:- wadatashiga@gmail.com ama wadatashiga@hotmail.com.

ALLA MAHAD LEH

Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne)

Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee

Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured