Basaaskii Faysal Cali Waraabe Ka Qayliyay Faarax Giindhe Ee Xirsi Xidhiidhku Ka Dhexeeyo Oo Ka Muuqday Shirkii Stanbul Iyo Faarax Giindho Oo Sheegay Inuu Ka Shaqaynayo Midnimadda Somaliya

0
Wednesday July 10, 2013 - 17:28:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Basaaskii Faysal Cali Waraabe Ka Qayliyay Faarax Giindhe Ee Xirsi Xidhiidhku Ka Dhexeeyo Oo Ka Muuqday Shirkii Stanbul Iyo Faarax Giindho Oo Sheegay Inuu Ka Shaqaynayo Midnimadda Somaliya

    istanbul (xogreebnews.comp- Ergaygii Madaxtooyadda Somaliya u qaabilsanaa xiriirka iyo basaasida Dowladda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay wuxuu ka qeybgalay wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

istanbul (xogreebnews.comp- Ergaygii Madaxtooyadda Somaliya u qaabilsanaa xiriirka iyo basaasida Dowladda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay wuxuu ka qeybgalay wada istanbul (xogreebnews.comp- Ergaygii Madaxtooyadda Somaliya u qaabilsanaa xiriirka iyo basaasida Dowladda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay wuxuu ka qeybgalay wada hadalada Dowladda federalka iyo dalka Soamliland uga socda dalka Turkiga.

Ninkaan oo lagu magacaabo Faarax Giindho una dhashay beesha Hawiye,Habargidir, Ceyr wuxuu shirka Turkiga ka soo muuqday isagoo fadhiya safka ergadda Dowladda Federalka Somalia kadib markii lagu deray.
Inkastoo Gudoomiyaha Xisbiga UCid Faysal Cali Waraabe shaki geliyay in Faarax Giindho yahay basaas Madaxtooyadda Somaliland u qaabilsan Dowladda Federalka Somalia ,hadana wuxuu xaqiijiyay in Mr Giindho yahay ergayga Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland u qaabilsan xidhiidhinta Villa Somalia.


“Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali markaan weydiiyay ninkaan Faarax Giindho wuxuu ii sheegay inuu Dowladda Federalka Somalia u basaasayo hase yeeshee anigu waxaan weydiiyay {MA ANAGUU NA BASAASAA MISE FEDERALKA AYUU SOO BASAASAA,WAAR MANAGA HUBTAA ARRINTAAS” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay ninkaan.
Faarax Giindho oo sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Jaaliyadda Hawiye ee Somaliland wuxuu ka ganacsadaa qudaarta uu geeyo Hargeysa.
Faarax Giindho wuxuu toos ugu xiran yahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji waxaana la xaqiijiyay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu mushaarka badan Maamulka Siilaanyo.
Saraakiisha Nabadsugida Madaarada Berbera iyo Hargeysa waxay ka xog warameen in Faarax Giindho uu safaradiisa sii sagootiyo,soona dhaweeyo Wasiir Xersi,iyadoo la rumeeysan yahay inuu ka shaqeeyay hawlo culus shantii sano ee ugu dambeysay.
Faarax Giindho wuxuu ka mid ahaan jiray golahii shuurada ee Maxaakiimtii Islaamiga,wuxuu ka soo galay xaga Al-Shabaab laakiin waqtiyadii dambe wuxuu ku biiray Xisbigii Burburay ee Xasan Dahir Aweys.
Faarax Giindho oo weli degan Hargeysa wuxuu saaxiibadiis u sheegay inuu ku hoowlan yahay sidii Somaliland ula midoobi laheyd Somalia,wuxuu sidoo kale tibaaxay in heshiis ganacsi uu dhexmaray Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Madaxtooyadda Villa Somalia Faarax Sheekh Cabduqadir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured