Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer Kedis ah maanta ku soo maray qaar ka mid ah Hay’adaha Dawlada

0
Tuesday July 09, 2013 - 16:14:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer Kedis ah maanta ku soo maray qaar ka mid ah Hay’adaha Dawlada

    Hargaysa (xogreebnews.com-Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kormeer hawleed ku soo maray qaar ka tirsan xarumaha wasaaradaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (xogreebnews.com-Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kormeer hawleed ku soo maray qaar ka tirsan xarumaha wasaaradaha Hargaysa (xogreebnews.com-Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kormeer hawleed ku soo maray qaar ka tirsan xarumaha wasaaradaha iyo Hay’adaha qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yahiin wasaaradda warfaafinta wacyigelinta iyo Dhaqanka. Madaarka Caasimadda, Xarunta Dawladda Hoose ee Magalada Hargaysa iyo Cusbitaalka caruurta ee Dr, Maxamed Aadan Sheekh.

Madaxweynahu waxa uu kormeerkiisa ugu kuurgalay hanaanka shaqo iyo ta shaqaale ee hay’adahaasi, halka sidoo kalena uu warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee hay’adahaasi, waxana kormeerkiisa ku weheliyey mas’uuliyiin kala tirsan Xukuumadda.


Intii uu Madaxweynahu kormeerka ku joogay Xarunta wasaaradda warfaafinta, waxa uu mid mid u galay xafiisyada kala duwan ee waaxyaha wasaaradaasi isagoo si rasmi warbixino ku saabsan qaabka shaqadu u socoto iyo baahiyaha u baahan in la daboolo uga dhegaystay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka Wasaaradda Warfaafiinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Agaasimaha guud Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Maareeyaha TV-ga Qaranka Md Khadar Xasan cali Gaas iyo Agaasimayaasha waaxyaha kale ee wasaaraddu ka kooban tahay

Dhanka kalena Madaxweynaha JSL waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka dawladda Britain u fadhiya dalka Itoobiya, iyagoo ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo arimaha gobolka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured