Xukuumada Siilaanyo Waxay U Qaybsantay Kooxo Wadaado ah,Maafiyo iyo Koox Kale oo Danaystayaal ah.

0
Tuesday March 26, 2013 - 19:03:02 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Siilaanyo Waxay U Qaybsantay Kooxo Wadaado ah,Maafiyo iyo Koox Kale oo Danaystayaal ah.

    Xukuumada madaxweyne siilaanyo ayaa ah tii ugu liidatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada madaxweyne siilaanyo ayaa ah tii ugu liidatay Xukuumada Siilaanyo Waxay U Qaybsantay Kooxo Wadaado ah,Maafiyo iyo Koox Kale oo Danaystayaal ah.Xukuumada madaxweyne siilaanyo ayaa ah tii ugu liidatay xukuumadihii soo maray dalka somaliland. Xukuumadani waxay kaag duwan tahay xukuumadihii hore arimahan hoos ku qoran.1: marka horeba waa xukuumad u qaybsan dhawr kooxood oo ay ka mid yihiin koox wadaada ah ee lagu magacaabo Al-islaax oo ay dhawr wasiiro ka tirsan yihiin iyo kooxda kale ee la ictisaam oo kooxda ugu awooda badani ay ka trsan yihiin, kuwaasi oo geedi socodkii maamul ee xukuumada khalkhal gelyey isla markaana beesha caalamku inaga fogeeyey, kooxdan ayaa ah wasiiro aad u awood badan oo talada dalkaba gacanta ku haya isla markaana ay ka danbeeyaan wasiirada kale ee ay ka wada tirsan yihiin.2: kooxda kale ayaa ah koox maafiyo ah, oo iyaga dandoodu taahy sidii ay shirkado shisheeye ay dalka uga kireyn lahaayeen iayaga oo heshiisyo qarsoodi ah la gala kaasi oo uusan waxba ka ogeyn baarlamaankii dalka loo doortay, kooxdan ayaa qabta isku halayn dhinaca madaxtooyada ah, kooxahai ayaa badanaaba waxay dalka keenaan shirkado maafiyo ah oo dalka ka baadhaya macdan ay gurtaan, halka ay wasiiradan maafiyada ahi dadka ugu sheegaan inay biyo ka baadhayaan dalka, iyada oo ay dhacday in wasiirka hor moodka ka ah kooxdani ee wasarada macdanta iyo biyahu malaayiin doolar ka qaato shirkadahan, lacagahaasi ayaan la ogeyn meel ay ku danbeeyaan balse waxaa la tuhunsan yahay in ay accounts gaar ah ugu dhacaan wasiirka, iyada oo ay mushkiladu tahay masuuliyiintii qaranka oo gabay xilkoodii gaar ahaan baarlamaankii dalku soo doortay oo seexday, hadii kooxdani sdaasi dalka ku sii wada waxa uu dalku qarka u saran yahay burbur ku yimaada khayraadka dalka ee u badan macdanta, waayo kooxdan ayaa shirkado maafiyo ah la xidhan.3: waa koox iyana ah danaystayaal hun guri weyn oo boobaya hantidii qaranka iyaga oo uga faa’iidaysanaya awooda ay haystaan oo ah xi lama kan isku halenta ee ah qabyaalada xun ee dalka ku sii faafasa, kooxdan ayaa waxay iskugu jiraan wasiiro iyo kooxo kale oo ubadan agaasimayaal xitaa agaasime waxeedyo aan waxba dalka u soo qaban hadana boobaya hantidiisaa, kooxdani waxay ak mdi yihiin kooxaha ugu daran dalka ee dabada ka wada qabyaalada iyo hanta boobka dalka ka socda.Hadaba dhankasta oo aad ka eegto xukuumada siilaanyo waxaa la odhan karaa waa xukuumadii qabyaalada,eexaysiga, hanta boobka,dulqaad la’aan ,cadaalada xumida iyo marumar la’aanta, hadii aad eegto sida maanta dalku u socdo waxaad arkaysaa in aan la garanayn meel loo socdo iyo cida hogaaminaysa guul darada la wada, waxa kale oo aad arkaysaa xitaa agaasime waxeedyadii inay manta wasiiradii ka awood badan yihiin waa wax laal yaabo waa dawladtii abid ugu xumayd ee dalka soo marta, isla markaana waxaa la hubaa inay dalka kaag tegi doonto taariikh madaw, waayo xukuumadani waa xukumadii ugu horeysay ee jabisay xeerkii Somaliland ka mamnuucayay ka qayb galka shirarka soomaaliya halka ay maanta xukuumadani ay u heelan tahay somaliya taasi oo la odhan karo waa khiyaamo qaran .Gabagabadii akhtistayaal waxan idiin soo jeedinyaa in aydaan ka aamusin xaqa oo aad ku adintaan waayo qofkasta oo somalilander ah waxaa saran masuuliyad ah in uu sheego xaqdarada dalka ka socota iyo boobka hantida qaranka ee ay ku hayaan beesha madaxweyne siilaanyo iyo in yar oo gacan saar la leh.Qalinka:Aqoon yahan Jaamac Cilmi Jiir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured