Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Asxaabta Muncaaradka Ka Qayg Galiso Wadahadaladda Somaliland Iyo Somaliya
Hargeysa (xogreebnews.com--Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Axmed Muumin Seed, ayaa kalsooni ka muujiyey in asxaabta siyaasaddu ka mid noqon Hargeysa (xogreebnews.com--Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Axmed Muumin Seed, ayaa kalsooni ka muujiyey in asxaabta siyaasaddu ka mid noqon doonaan Guddida Somaliland u metelaysa ka qayb-galka wada-hadalada Somalia, isaga oo ku dooday inaanay wada-hadalladaasi micno buuran u samaynayn Qaranka haddii aanay Axsaabta Qaranku ka qayb-galin. Guddoomiye Axmed Muumin Seed waxa uu xukuumadda ugu baaqay inay axsaabta Siyaasadda ka qayb-galiso wejiga labaad ee wada-hadallada ka furmaya dalka Turkiga si la mid ah kuwii hore. Isaga oo ugu horeyn rejo wanaagsan ka muujinaya qaabka ay metelayaasha siyaasadda Dalku uga wada-qayb-galaan wada-hadalladaas, waxa uu yidhi, “Awalba may jirin xukuumadu inay kaligeed shirka ka qayb-gasho, sababtoo ah dalka waa dimuquraadi oo waxa jira saddex xisbi qaran, saddexda xisbi Qarana way u dhamaayeen, sidii markii hore loogu dhammaa.”
“Markaa waxaanu leenahay xukuumadu waa inay faah-faahisa, iyada oo kaliyi ma meteli karto reer Somaliland, markaa waxaanu leenahay waa inuu shirkani noqdaa shirarkii ay xukuumadda iyo xisbyiyadu ka qayb-gali jireen,”ayuu yidhi Gudoomiyaha ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed. Dhanka kale, Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Wadani, waxa uu dawladda Somaliya ku eedeeyey inay jabisay qodobbadii farsamo layskula qaatay wejigii hore ee wada-hadallada Turkiga lagu qabtay, waxaanu uga digay tallaabo kale oo carqalad ku keeni karta wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu yidhi, “Adduunyadu markii aynu shirka ku jirnay in hadalada xanafta leh la iska ilaaliyo waa tii laynaga codsaday, markaa waxaan leeyahay qodobada waxaa jabisay qolada Somalia. Laakiin wax imika ka dambeeya waa in laga waantoobo.” Haseyeeshee, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah Weftiga Guddida wada-hadallada uga qayb-galaysa Somaliland, ayaa sheegay in guddidoodu tahay Guddi farsamo isla markaana aanay daruuri ahayn inay xisbiyadda siyaasaddu qeyb ka noqdaan, waxaanu ku dooday in Guddidani ay tahay Guddi miisaan leh oo ka kooban sadexdii Gole Qaran. Leave a comment |
|
Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Asxaabta Muncaaradka Ka Qayg Galiso Wadahadaladda Somaliland Iyo Somaliya
Hargeysa (xogreebnews.com--Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Axmed Muumin Seed, ayaa kalsooni ka muujiyey in asxaabta siyaasaddu ka mid noqon