Marwo Faadumo Siciid Oo Xukuumadda Ku Dhaliishay Cabudhinta Saxaafada Iyo Xoriyatul Qawlka,Reebitaankii Xisbiyada Mucaaridka Ee Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliyana Ku Tilmaantay Afduub Qaran.
Hargeysa(xogree bnews.com--Gudoomiyaha Ururka ODXA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta si kulul u u dhaliishay tacadiyada iyo Hargeysa(xogree bnews.com--Gudoomiyaha Ururka ODXA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta si kulul u u dhaliishay tacadiyada iyo cabudhinta lagu hayo saxaafada madaxa banaan ee Somaliland iyoaamusintaxoriyatulqawlkamuwaadiniinta Somaliland.
Iyada oo madaxwayne siilaanyo barbar dhigtay in uu ku dhaqaaqay talaabooyinkii uu qadijirey Maxamed Siyaad Bare oo ay dadkan reer Somaliland tobanaan sanno ka hor iska tureen heeryadiisii, Marwo Faadumo Siciid oo maanta ka hadlaysay xaflad ay ku qalinjabinayeen arday dhamaystay barashada culuunta saxaafada, waxa ay ku bilawday hadaladeedii waxa aad ku soo beeganteen xili aad ay saxaafada Somaliland aad u dhibataysantahay, oo waliba qaranimadeenu idiin baahantahay qaran ahaan, oo ay somaliya doonayso in ay inaga dhigto maamul Goboleed hoosyimaada. takale waxa la marayaa xilli qofkii wariyaha ahaa uu ka baqdo in uu wax ka sheego dawlada oo marka runta la sheego ay dawladu xanaqayso, waana mushaakil waana in aanuu wariyuhuna xadgudbin, dawladuna waa khalad in ay tidhaahdo wariyahaan xidhayaa marka uu wax iga sheego, laakiin hadii ay tidhaahdo sidii siyaad Barre car juuq dheh car hadal waa khalad mana ogolin, waayo waa laga xoroobay oo dadbaa ku dhintay maantana waxa ay maraysaa in la yidhaahdo hebal warkiisa lama siidaynayno waayo dawladuu wax ka sheegayaa. Sidoo kale Faadumo Siciid tidhi marka dhibaatada saxaafada laga yimaado waxa ay ka hadashay tacadiyada kale ee ay xukuumadda shacabku ka tirsnayaan, ee ay waliba loo adeegsado ciidamada la dagaalanka argagixisada ee RRU-da loo yaqaano, waxanay tidhi ayadoo arrimahaas ka hadlaysa Guryahan loogu soo dhacayo dadka saq badhka. waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi waxaan saxuustaa xilligii maraykanka dadka madaw lagu adoonsan jirey, waxa jirtay koox la yidhaahdo KKK oo ah dad cadaan ah oo markay maqlaan qof madaw ah oo yidhaahda waxaan doonayaa xuquuqdayda inta ay habeekii afka soo duubtaan ayey afduubi jireen. iyada oo hadalkeeda sii wadata waxa intaa raacisay maanta Somaliland kkk majoogtee waxa jooga RRU, oo inta dadkii muwaadiniinta ahaa guryahooda loogu dhaco debeda loo saarayo dadkii hurday waa shay xaaraan ah, waana in ay saxaafadu soo bandhigtaa anigu SNM baan ahaa mana doonayo wadankayga in ay waxaasi ka dhacaan , waan u soo dhintay waanan u halgamayaa xataa hadii madheeraad sheegaysaaye godmadaw laygu tuuro. Dhinaca kale waxa ay ka hadashay siyaasada arrimaha dibada ee aan jihada lahayn oo ay xukuumada ku tilmaantay in ay maanta madaxa saaratay masiirkii umadan. kuna dhaliishay in ay xukuumaddu ku kaliyeysato wadahadalada Somaliland iyo somaliya oo ay reebto xisbiyadii qaranka, waxanay tidhi maanta maaha in ay dawladu tidhaahdo xisbiyada qaranku tagimaayaan ee anagaa kaligey tagayna oo somaliya la soo hadlayna maxaa la qarinayaa ee lagala soo hadlayaa. UCID maxaa loo reebay ee WADANI loo reebay, hadii uu faysal khaldamay ama Faysal la diidaayo, miyaanay ka haboonayn qof kale keena oo xisbigii dhamaa Faysal baan u diidnay oo WADANI baanu diidnay maaha wax macquul ah. Ugu dambayntii waxa ay dhaliishay siyaasada arrimaha dibada Somaliland oo ay waliba u sababaysay wasiirka hada xilka wareejinaya, balse wadahadalada Somaliland iyo somaliya matalaya jagadii wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo ay ku tilmaantay nin khaayinul wadan ah. Ayadoo la yidhi wasiirkii waxa laga dajiyey jagadii oo qof kalaa loo magacaabay oo uu hadana ninkii wali hayo garan mayno oo anagu ninkaa hadii uu yidhi faysal baa khaayinul wadan ah, anagu ninkaas waxa aanu u naqaanaa in uu yahay khaayinul wadan. markaa ma ogolin in Somaliland maanta lagu ciyaaro mana joogto xilli lagu ciyaaro ayey tidhi Faadumo,dawladana waxanu leenahay guul kala soo hoyata waanu jecel nahay hadii ay guul kala soo hoyato,anagaa noqonayna cida koowada ee ugu hambalyeysa, laakiin Somaliland waa muqadas ayey tidhi Gudoomiyaha Odxa Faadumo Siciid Leave a comment |
|
Marwo Faadumo Siciid Oo Xukuumadda Ku Dhaliishay Cabudhinta Saxaafada Iyo Xoriyatul Qawlka,Reebitaankii Xisbiyada Mucaaridka Ee Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliyana Ku Tilmaantay Afduub Qaran.
Hargeysa(xogree bnews.com--Gudoomiyaha Ururka ODXA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta si kulul u u dhaliishay tacadiyada iyo