Wareegto Uu Soo Saarey Madaxweyne Siilanyo Usbuucii Hore Oo Si Hoose Loogu Dusiyey Wasiiraday Khusayso Oo Keliya Balse Warbaahinta Laga Qariyey!

0
Monday July 08, 2013 - 16:22:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wareegto Uu Soo Saarey Madaxweyne Siilanyo Usbuucii Hore Oo Si Hoose Loogu Dusiyey Wasiiraday Khusayso Oo Keliya Balse Warbaahinta Laga Qariyey!

    ka soo xigatey ilo wareedyo rasmiya oo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa xaqiijiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ka soo xigatey ilo wareedyo rasmiya oo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa xaqiijiyey

Hargeisa-(xogreebnews.com--Warar xogogaal ooxogreebnews.com- ka soo xigatey ilo wareedyo rasmiya oo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Siilanyo dhawr cisho ka hor (Usbuucii hore badhtamihiisii) soo saarey wareegto aan Warbaahinta la gelin balse si hoose loogu dusiyey wasiirada wasaaradahay khusayso oo keliya.

HaamahaBerberaxirsisamaale

Wareegtadan Madaxweyne Siilanyo soo saaray ayaa lagu rifay wasaarada Ganacsiga Somaliland ,Waax mihiimana laga jaray halka sedbursiimo looga dhigay wasaarada Maaliyada Somaliland

Wareegtadani waxay amraysaa in wasaarada Ganacsiga laga hoos saarey Maamulka iyo dakhliga ka soo xarooda Haamaha kaydka shidaalka Berbera si toosana loo hoos geeyay wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale oo ku jira olole siyaasadeed, tartan adagina ka dhaxeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo uu kula loolamaayo Gudoomiyenimada iyo musharaxnimada madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye inkastoo tibaaxo kalena sheegeen in gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye loo wado wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.xasan oo isna Madaxweyne Siilanyo u rifey wasaarada hawlaha guud ka dib markii looga soo jaray Hayada Wadooyinka iyo Waaxdii dayactirka wadooyinka oo labadoodaba dakhli badani soo galo, si wasiir Xirsi dakhliga buuran ee soo gala labadaa Hayadood isagu dhiso ama ugu ololeeyo.

Geesta kale dakhliga iyo canshuuraha laga qaado shidaalka (haamaha shidaalka Berbera) ayaan ku soo xaroon jirin khasnada Dawlada Dhexe ,kana muuqan jirin Miisaaniyada Qaranka balse si toosa u hoos tegi jiray Wasiirka Madaxtooyada oo sida uu rabo ugu takrifali jiray hase yeeshee hadda laga bilaabo gashay gacanta wasiirka Maaliyada.

Isku soo wada duuboo Qoyska Madaxtooyada ayaa wasiirka Maaliyada Samaale iyo Wasiirka Madaxtooyada u raadinaaya ilo dhaqaalo oo buuran si ay u xaqiijiyaan inay la wareegaan talada iyo hogaaminta xisbiga kulmiye .Wasiir Samaale ayaa la sheegay in loo wado inuu noqdo musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye markuu siilanyo boggo, halka wasiir Xirsina loo wado gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye iyo musharaxnimada Madaxweynenimo Samaale dabadii haddey u marto!


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured