Bulshada reer saaxil iyo cali xoorxoor maxaa kala haysta?

0
Monday July 08, 2013 - 07:50:31 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshada reer saaxil iyo cali xoorxoor maxaa kala haysta?

    Waxaa qoray: Abdiwahab mohamud ibrahim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa qoray: Abdiwahab mohamud ibrahim Waxaad mooda sanadkan ugu danbeeyey in uu meesha ka baxay is-haysigii iyo khilaafkii ka dhexeeyey bulshada reer saaxil iyo dawlada ka dib markii ay dawladu faraha kala baxday waxyaalihii khilaafkaa dhalinayey ee ay dadka reer saaxil ku diidanaayeen. Hadaba wada shaqayntaaaa ka dhex bilaabmatay dadka reer saaxil iyo xukuumada ka dhex bilaabmatay waxaaa jira dad badan oo aan raalli ka ahayn in ay taasi sii socoto oo hadh iyo habeenba geed dheer iyo mid gaabanba u fuula sidii ay taasi u suurogali lahayn, waxaana ka mid ah dadkaasi caadaystay arintaasi mareeyaha dekada berbara cali xoorxoor.

Khilaafkaas uu ka dhex bilaabi jiray dadka reer saaxil iyo xukuumada talada haysa waxa uu maanta soo gaadhay isaga iyo shaqaalihiisa ka hooseeyey oo markii ay la shaqayn kari waayeen iska casilay shaqadii ay umada u hayeen waayo waxa uu gaadhay heer madaxwaynahii wadanka uu ka dhaadhiciyo khalad cad taas ooo uu madaxwaynuhuna ku dagdagay isagoo aan ka fiirsan loogana fadhiyo sidii uu falkaasi u sixi lahaa haddii kale ay keeni karto khilaaf cusub.
Hadaba waxaan doonayaa in aan wax yar idinka tusiyo carqaladaha, hagardaamooyinka, iyo khilaafyada uu ka danbeeyey mareeye cali xoorxoor ee uu doonayo in ay isku dhacaan bulshada reer saaxil iyo xukuumada waxaana ka mid ah.
Waxaa uu ku kacay bilihii u danbeeyey eri farabadan oo uu ku sameeyey shaqaaalaha dakada waliba isagoo shaqaaalahaa uu eryayo u badiyey dadka aan gobolka saaxil hayb ahaan soo galin si uu ugu badalo shaqaale kale oo xirsi soo diray ugu badalo kuwaas oo isku wada hayba, waxaa kale oo uu eryey shaqaale kale oo rag ay isaga is hayaan ay wax isku yihiin kuwaas oo aan ahayn mid iyo laba ee ay yihiin dad badan oo lagu eryey uun hebel baad wax isku tihiin. Tani waxa ay meel kaga dhacaysaa shaqaaalihi dekada ee ummada somaliland oo dhan sida sharcigaa eee lagu heshiiyey ugu kala qaybsanaydWaxaa uu kireeyey guryo uu u bixiyey magacyo qabiilooyin taas oo uu ku doonayo in uu ku kala qaybiyo bulshada wada dagta gobolka saaxil oo si xasiloon u wada nool taas oo uu xukumadii hore markuu ku jiray uu ku guulaystay in bulshada reer saaxil ay iska hor yimaadan isku dhacna keentay hadaba maanta waxaa uu doonayaa in uu sameeyo tii oo kaleeto si u gaadho dan shakhsi oo uu leeyahay daraaadeed oo tii bulshadiisa u burburiyoWaxaa mudadii yarayd ee uu xilka hayey maayarka magaaalada berbera uu geed dheer iyo mid gaabanba uu koray sidii uu maayarka xilka uga tuuri lahaa kaas oo xilkiisa sidii ugu haboonayd u gudanaya laakiin uu cali xoorxoor xildhibaano ku soo kicinayo kolba taasina waxay dhaxal siisay magaaladii berbera in horumarkeeda iyo waxqabadkii bulshadu uu istaagoWaxaan hadalkayga ku soo koobi lahaa iyagoo qodobada aan soo sheegay intaa ku koobnayn ee ay yihiin uun in yar oo ka mid ah waxa masuulkaasi ku kaco, hadaba haddii ay xukuumada maanta ka talinaysa wadanku u soo jeedo horumarka, waxqabadka iyo wada shaqaynta dalka iyo dadka reer somaliland gaar ahaan gobolka saaxil waa in ay ka qaado talaabo dagdag ah masuulkani ku caan baxay waxqabad la’aanta , horumar la’aanta , kooxaysiga, shakhsi nacaybka, iyo xumaanta gaarka ahba hadii kaleeto waa in ay dawladu cadaysaa mawqifkeeda inay raalli kaga tahay iyo kaleeto waxyaalahaas ninkaa masuulkaa
abdiwahab mohamud ibrahim
(ganad36@hotmail.com)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured