WERIYE LAGU KHAARAJIYEY MAGAALADDA GAALKACYO HABEENKI XALAY,
Gaalkacayo-(xogreebnews.com-Weriye ka tirsan Idaacada ku taala Bosaaso oo la yidhaahdo SBC iyo TV-ga Kalsan ayaa caawa lagu khaarajiyey waqooyiga
Gaalkacayo-(xogreebnews.com-Weriye ka tirsan Idaacada ku taala Bosaaso oo la yidhaahdo SBC iyo TV-ga Kalsan ayaa caawa lagu khaarajiyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo maamul goboleedka Puntland gacanta ku hayo ama ka taliyo.
Weriyahan oo magaciisa la odhan jiray Liibaan Cabdulaahi Faarax (Liiban Qaran) ayaa koox hubaysan oo aan heybtooda la aqoonsan rasaas la beegsadeen, dhawr xabadoodna kala heleen madaxa iyo caloosha sida Baligubadlemedia ilo xogogaal ah oo Gaalkacyo kala soo xidhiidhay u xaqiijiyeen.
Weli ilaa hadda lama shaacin cida soo maleegtay dilkaas,isla markaasna ma jiraan wax wara oo ku saabsan dilka weriyaha oo ka soo baxay maamulka Puntland ee Gaalkacyo oo xukuma goobta weriyaha lagu toogtay.
Leave a comment |
|