LABADA WAFTI EE WADAHADALADDA UGA QAYB GALAYA SOMALILAND IYO SOMALIYA OO MIDBA MIDKA KALE EEDEEYAY

0
Monday July 08, 2013 - 07:42:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LABADA WAFTI EE WADAHADALADDA UGA QAYB GALAYA SOMALILAND IYO SOMALIYA OO MIDBA MIDKA KALE EEDEEYAY

    Hargeysa (xogreebnews.com-wefuuda ka kala socota labada dal ee somaliya iyo Somaliland ee shirka ka qeyb gelaysa ayaa qolo waliba qolada kale ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-wefuuda ka kala socota labada dal ee somaliya iyo Somaliland ee shirka ka qeyb gelaysa ayaa qolo waliba qolada kale ku Hargeysa (xogreebnews.com-wefuuda ka kala socota labada dal ee somaliya iyo Somaliland ee shirka ka qeyb gelaysa ayaa qolo waliba qolada kale ku eedaysay inay jebisay qodobo ka mid ah Todobadii qodob ee lagu heshiiyey shirkii hore ee Ankara,ku darsoo waxay qolo waliba daaha ka fayday mawqifkay taagan tahay iyo wax aka guuxaaya.
Ugu horeyna Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo xubin ka ah weftiga ka socday dhinaca Somaliya ayaa sheegay in cabashada ugu weyn ee ay qabaan tahay in la jebiyey ama Somaliland jebisay qodobadii hore loogu heshiiyey siiba qodobka 7aad oo ay hayaan cajalado fiidiyow oo duuban oo markhaati ah, haddana soo bandhigi karaan in xubno weftigii wadahadalada Somaliland u metelaayey ka mid ahi jebiyeen qodobo ka mid ah heshiiskii Ankara, warbaahintana geliyeen hadalo xasaasiyad keeni kara,wuxuuna Khaalid u soo jeediyey dhinaca Somaliland inay ka fogaadaan hadalada xasaaiyada keeni kara,wixii lagu heshiiyeyna dhawraan. Sidoo kale wuxuu khaalid ku dooday in Ajeendaha shirku ku salaysan yahay mawqifkooda oo ah sidii loo wada fadhiisan lahaa, loogana wada shaqeyn lahaa midnimada Somaliyeed oo Somaliland ku jirto sidii loo soo celin lahaa.


Taa bedelkeedana Xildhibaan Baashe Muxumed Faarax oo xubin ka ah weftiga Somaliland u metelaya wadahadalada shirka Istanbuul ayaa sheegay inaan weli Ajeende cad oo labada dhinac ka midaysan yahay miiska la soo saarin,wadahadaladiina rasmi u bilaabmin balse dhinacooda wixii aan ahayn gooni isutaaga Somaliland kala doodi karaan ama kala hadli karaan weftiga dhigooda ah.Sidoo kale wuxuu Baashe ku dooday in Dawlada somaliya jebisay qodobo ka mid ah todobadii qodob ee lagu heshiiyey shirkii Ankara isagoo tusaale u soo qaatey qodobka 7aad iyo Qodobka 4aad oo ku saabsan duulimyaada Hawada,wuuxuuna baashe ku dooday inay xaq u leedahay Somaliland maamulida hawadeeda oo aanay u dabafadhiisanyn Somaliya iyo cid kale toona balse wuxuu somaliya ku eedayay in qodobkaas iyadu jebisay o sheegatay inay hawada Somaliland maamulkeeda la wareegtay,wuxuuna hadalkiisa ku soo afmeeray in qodobadii lagu heshiiyey ay somaliya wax badan jebisay.
Labada wefti ee Somaliya iyo Somaliland ee ku sugan Istanbuul ayaa waxaa kala hogaaminaya wasiirada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan oo hogaaminaya weftiga wadahadalada u metelaya Somaliland iyo Wasiirka arimaha gudaha Somaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo hogaaminaya weftiga Somaliya u metelaya wadahadalada.
Isku soo wada duuboo mawqifka weftiga somaliya wataan ayaa ah in laga wada shaqeeyo midnimada somaliya oo Somaliland ku jirto, halka weftiga Somaliland-na wadataan in laga wadahadlo waxaan gooni iustaaga Somaliland ahayn oo gooni isutaaga Somaliland lama taabtaan yahay balse weynu eegi halka dulucda nuxurka wadahadalu ku arooraan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured