AAYAHA QARANKA SOMALILAND HADDUU XIRSI UMALEEYAY INUU SIDUU DOONO KA YEELO, WAA ARRIN AAN LOOGA HADHAYNIN, AWOODDA SIISAY INUU GUDDIDA QAAR YIDHAAHDO WAA QARANDUMISNA ISAGAA SOO CADAYN.–

0
Saturday July 06, 2013 - 19:42:27 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AAYAHA QARANKA SOMALILAND HADDUU XIRSI UMALEEYAY INUU SIDUU DOONO KA YEELO, WAA ARRIN AAN LOOGA HADHAYNIN, AWOODDA SIISAY INUU GUDDIDA QAAR YIDHAAHDO WAA QARANDUMISNA ISAGAA SOO CADAYN.–

    Maamulka siiraanyo wax badan ayuu sharciga ku xadgudbay, marwalbana golaha guurtida ee saleebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka siiraanyo wax badan ayuu sharciga ku xadgudbay, marwalbana golaha guurtida ee saleebaan Maamulka siiraanyo wax badan ayuu sharciga ku xadgudbay, marwalbana golaha guurtida ee saleebaan gaal ka madaxda yahay ayaa ka gaabsada inay ka hadlaan, golaha baarlamankana waa arrin jawaab laga sugayo, waxay uga baydhbaydhayaan, maamulka siiraanyo. Isaga oo aanay mar iyo laba toona ahayn xeerarka dastuurka ee ay iska baalmaraan. Waxaynu dastuurka ku haynaa in aanu dawladda muqdisho, aqoonsanayn dastuurka dalkeennuu, haddii uu hadal dhex maraayona uu noqdo, in laga wada hadlo sida laba dad oo jaara loo noqon loahaa,, haddii kale aan wada hadal dhex mari Karin, Iskaashiga nabadgelyada ee siiraanyo sheegaana waa been, sababta oo ah laba dal oo xuduud u dhaxaysa isla oggol ayaa nabadgelyo kawada shaqeeya, dhaqaalahana waxaan filayaa sharikadda dahab shiil ee labada dalba ka shaqaysata ayuu arrinteeda meel u doonayaa. Maadaama aanay dawladda xamar u aqoonsanayn in Somaliland uu yahay dal jira. Waxaynu wada ognahay, in saxeexyada ay is dhaafsadaan lagu magacaabo dawlada federaalka ee soomaaliya, iyo maamulka Somaliland, ee aan marnaba wax heshiis ah lagu galin laba maamul oo isu dhigma, jamhuuriyadda somalilandna aanay meella kaga qornayn heshiisyada siiraanyo dawladda xamar uu la galo. Dadkana looma sheego, ee waxaa lagu maaweeliyaa, waxaanu isu horfadhiisanay sidii laba dal. Waa qodob khiyaamo qaran ah, oon marna lays waydiin, siiraanyona isaga oo og inay khiyaamo qaran tahay ayuu u badheedhaa. Qarankana ummad ayaa leh iyagaa waydiin. Waxaa kale oo jirta inuu yahay qofka ka dambeeya wax kasta oo wasiiradiisu ay sameeyaanba. Waynu ogayn maxame cabdillaahi isaga oo wasiirka arrimaha dibadda ah, ayuu shir. Ay qabatay dawladda soomaaliya, uu si badheedh ah uga qayb galay. Waana arrin siiraanyo la ogaa, oo isaga diray. Waxaa jirta in siiraanyo shariikada dahabshiil ee uu mulkiilayaasheeda ka midka yahay, ama saamiga uu ku leeyahay, danaheeda awgeed hagardaamo u galiyaa, wax kasta oo ummadda Somaliland, iyo qarannimadeeda u dana.. waynu ognahay inuu ku baaqay, inaanay dunidu qiimaynin baasaboorka Somaliland, markii horena uu xafiis uga furay hargaysa, ay ummadda reer Somaliland baasaboorka xamar laga siiyo. Markii arrintii faraha ka baxdayna uu yidhi ciddii gaar ahaan xajkia tagaysa waa inay u doontaan xamar baasaboor, halkii uu dawladda sucuudiga kaga adkayn lahaa inaan reer Somaliland xamar waxba ka dhaxaynin, uu u horseeday in dawladda sucuudigu ku adkayso dadka reer Somaliland ee xajka tagayaa inay baasaboor ka soo qaataan dawladda xamar. Waxuu u sahlay in uu oggolaado in dawladaha soomaaliland cid u soo dirsanayaa ay usoo dirtaan xafiis xamar laga maamulo, xafiiska UN ta ee manta hargaysa joogaana waa laan ka mid ah xafiiska UN ta ee soomaaliya. Intaas oo masiibo ahi may dhici jirin dawladdii Daahir Riyaale, iyo tii Moxamed Xaaji Ibraahim Cigaalba. Waxaa haddaba layaab ah, waxa keenay in masiirkii ummadda ay siiraanyo iyo inamada uu shaqo barashada u keenay xafiisyada dawlada ee aan aqoon iyo garasho midna , lagu keenin. Taas oo aanay golaha guurtidu ujeedin inay dalkan muqdiga la galiyay ay ka hortagaan. Waxay haddaba talo fadhidaa xusbiyada qaranka inay waajibkooda qabsadaan mar haddii ay noqotay, in sharciga lagu tunto, oo dastuurka Somaliland aanu manta u ekayn mid jira. Arrintanna maaha wax dhayal ah, ee waxay keeni doontaa wax aan nina mahadin doonin, oo hadhaw noqon doonta wax ama dalkani ku dumo, ama awood lagaga hortago. Oo runtu timaaddo.

Golaha guurtidu ee saleebaan siyaasiyiinta ka dhigayna dib ha isugu noqdaan, intanay hadhaw waxaan jirin noqonin. Golaha baarlamaankuna sharciga inay ilaaliyaan ayay meesha u fadhiyaan, ee in wasiir yari iyaga awooddooda la wareego may ahayn. Ee wax ha ka qabtaan. Haddii kale shacbiga, iyo xusbiyadooda ayaa taladu sugaysaa.

Eng. Youssuf Ahmed

London U. K.

jicsin@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured