AQOON YAHAN JIIR AYAA BAAQ U DIRAY BEESHA SIILAANYO OO KU SOO DUUSHAY BALI SAMATAR ,BEESHII LAGU SOO DUULAYNA XAAL SIIYEY.

0
Friday July 05, 2013 - 19:06:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AQOON YAHAN JIIR AYAA BAAQ U DIRAY BEESHA SIILAANYO OO KU SOO DUUSHAY BALI SAMATAR ,BEESHII LAGU SOO DUULAYNA XAAL SIIYEY.

    Anigoo ah aqoon yahan jaamac cilmi jiir kana soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo waxaan aad uga xumaaday duulaanka qaawan ee xukuumada siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo ah aqoon yahan jaamac cilmi jiir kana soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo waxaan aad uga xumaaday duulaanka qaawan ee xukuumada siilaanyo Anigoo ah aqoon yahan jaamac cilmi jiir kana soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo waxaan aad uga xumaaday duulaanka qaawan ee xukuumada siilaanyo iyo beesha Habar Jeclo ku soo qaaday bali SAMATAR ,iyadoo xukuumadii dalka ka talinaysay ee ay ahaayd inay dhex ka ahaato khilaafka beelaha ay la safatay beesha siilaanyo taasi oo aad u dhibtay guud ahaan shacabka reer somaliland, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa in si deg deg ah beesha siilaanyo uga laabtaan duulaanka cadaanka ah ee ay xukuumada la bar bar taagan tahay taageerada ,isla markaana ay ku laabtaan dhulkii ay hore uga soo duuleen, waxaanan leeyahay walaalayaa dhulkiinu ha idnku filaando oo iska daaya daan daansiga beelaha kale ee aad walaalaha tihiin waayo waxa muhiim ka ahi waxaa weeyi beelaha wada dega oo aan iyagu kala guurayn balse xukuumad kasta oo timaadaa iyadu meesha wey ka baxaysaa oo xukuumadan idin taageeraysa ee siilaanyo-ba laba sanno ayaa u hadhay markaa iyayna umada idin kala dilin, waxan kale oo xukuumada siilaanyo ugu baaqayaa inay iska dayso kala jeclaysiga beelaha reer somaliland ee ay iyadu xukuumada u tahay , waxaanan leeyahay dee hadii aad sidan joojin weydaan shacabka reer somaliland wuu idinka tashan oo waxaa dhici kacdoon shacab waayo shalay ayay ahayd markii madaxweynihii dimuqoraadiyada lagu soo doortay ee masar la riday markii uu ka leexday jidkii saxa ahaa markii siilaanyo iyo xukuumadiisu hadii ay jooji waayaan eexda,qabyaalada,musuq-maasuqa ,xadaaladarada iyo boobka hantida umada waa la idin ridi inkasta oo laba sano oo kaliyihi idiin hadhsan tahay.


Markaa waxaan halkan xaal buuxa ka siinayaa guud ahaan beesha Ciise Muuse ee lagu soo duulay waxaanan leeyahay walaalayaal arinkaasi foosha xun ee idinku dhacay xaal ka qaata , wax talaabo ah oo nabadgalyada wax u dhimaysana ha qaadina ee wax kasta sharciga ku saleeya oo dulqaata, kulmiye wuu tagayaaye.
Geesta kale waxaan halka ku canbaareynayaa falkii xumaa ee lagula kacay masuuliyiinta wargeyska HUBAAL oo sugayay inay helaan cadaalad balse cadaaladii ay sugayeen isku bedeshay xadhib,ganaax,cagajugleyntii iyo cabudhintii lagula kacay wargeyska hubaal waxaan leeeyahay waxay ahyd wax aysan galabsan saxaafada madax banaani yaaa lagula kacay wargeyska hubaal ,markaa waxaan leeyahay saxaafada madax banaan waad ogeydeen dhar iyo labaatankii wariye ee maalin kaliya uu siilaanyo xidhay iyo falalkii xun xumaa ee uu saxaafada kula kacay mudadii uu xilka hayay oo ay la mid hayad xadhigii Horn Cable,weerarkii HUBAAL,Jidh dilkii wariyayaashii kale ee madax banaan oo aan la soo koobi kari waxaase oo dhami waxay muujinayaan in meeshan somaliland aysan ka jirin dawlad dimuqoraadi ahi balse ay ka jirto dawlad cabudhinta saxaafada iyo xoriyatal qolka la dagaalantaa oo u baahan in wax laag qabto oo laal xisaabtamo , isla markaana waa in xilka laag qaadaa, saxaamada xorta ah na
waan uga tacsiyadaynayaa weerarkii, xayoraadii Hubaal,xadhigii,cagajugleyntii iyo fal kasta oo uu siilaanyo kula kacay saxaafada.
Qalinkii:Aqoon Yahan Jaamac Cilmi Jiir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured