Joey Barton: Neymar In Kaliya YouTube Laga Daawado Sida Justin Bieber Ayuu Ku Fiican Yahay.

0
Tuesday March 26, 2013 - 14:15:27 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 4378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joey Barton: Neymar In Kaliya YouTube Laga Daawado Sida Justin Bieber Ayuu Ku Fiican Yahay.

    Joey Barton ayaa mar kale weerar adag ku qaaday xiddiga reer Brazil Neymar isagoo sheegay in Neymar uu kubada cagta ka yahay sida heesagaa da’da yar Justin Bieber.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Joey Barton ayaa mar kale weerar adag ku qaaday xiddiga reer Brazil Neymar isagoo sheegay in Neymar uu kubada cagta ka yahay sida heesagaa da’da yar Justin Bieber.
Ciyaaryahanka khadka dhexe oo haatan amaah ku jooga Marseille ayaa mar kale sheegay in Neymar uu yahay ciyaaryahan laga badbadiyay ka dib markii uu daawaday kulankii saaxiibtinimo ee Brazil iyo Russia.

“Neymar waa Justin Bieber-ka kubada cagta. Waxa uu ku fiican yahay YouTube-kii hore. Xaqiiq ahaana waa bisad kaadideed…” ayuu Barton ku qoray Twitter.

“Waa cajiib sida muuqaal la soo dhoodhoobay oo YouTube la geliyay wax lagu heli karo. Waa inaan anigana mid sameystaa anigoo wax cajiib ah sameynaya.



“Neymar waxa uu caawa ka mid ahaa ciyaartoydooda kuwa ugu nool… Laakiin dadka waa inay joojiyaan inay ka hadlaan waxaan jirin. Kuma heer ahan Messi iyo ninka Ronaldo la yiraahdo…

“Tan kalena iga joojiya inaad sidoo kale ka hadashaan goolasha uu ku dhaliyay horyaalka Brazil. Mar waxaan hal xilli ciyaareed dhaliyay 77 gool anigoo u ciyaaraya Rainhill and Byrne ee horyaalka u14, kaas ayaana ka awood badan kan horyaalka Brazil.”

Neymar ayaa bishii hore sheegay inuusan waligiis maqal Barton ka dib weerarkiisii hore, laakiin weli kama uusan jawaabin weerarkaan labaad ee uu qaaday ciyaaryahanka ay milkayadiisa leedahay QPR.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured