Steven Gerrard Oo U Sheegay Montenegro: Hadal Laguma Badiyo Ee Ciyaar Fiican Ayaa Lagu Badiyaa.

0
Tuesday March 26, 2013 - 14:02:11 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 4916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Steven Gerrard Oo U Sheegay Montenegro: Hadal Laguma Badiyo Ee Ciyaar Fiican Ayaa Lagu Badiyaa.

    Steven Gerrard ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii tababaraha xulka Montenegro Brnovic uu ku sheegay in England ay ka cabsaneyso iyaga ka hor kulanka caawa ee isreebreebka koobka adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Steven Gerrard ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii tababaraha xulka Montenegro Brnovic uu ku sheegay in England ay ka cabsaneyso iyaga ka hor kulanka caawa ee isreebreebka koobka adduunka.
Shirkii jaraa’id ee shalay ee ka horeeyay ciyaarta ayaa soo saaray waxyaabo badan oo Montenegro ay ku weerareen England oo ay ku jirto cabashadooda la xiriirta xaalada garoonka iyo saxaafada Ingariiska oo qoreysay in Montenegro ay dooneyso inay ciyaarto kubad xoog ah.

Brnovic ayaa u sheegay suxufiyiinta shalayto: “Waxaan aqriyay waxyaabaha ay ku hadleen ciyaartoyda Ingariiska ee ku aadan cabashadooda xaalada garoonka. Taasna waxa ay muujineysaa inay naga cabsanayaan.


“Tan kale inta aan ogahay Wayne Rooney ayuu ahaa ciyaaryahankii haraatiyay ciyaaryahankeena ee sida kale ma aysan aheyn. Waxaana gahay in Jovetic iyo Vucinic in mar walba ay la dhibtoodaan haraatiyo, laakiin marna ma cowdaan.

“Waxaana dhihi karaa in halyeeyada England iyo sidoo kale joornaaliistayaasha inay durbaba bilaabayaan inay meel sii dhigtaan marmarsiyadooda waxa berri [maanta] dhici doona”


Si kastaba, kabtanka England Gerrard ayaa isna ka jawaabay hadalkaas tababaraha Montenegro isagoo u sheegay inuusan hadal waxba tarin ee ciyaar la ciyaaro lagu badiyo.

“In tababarahooda uu yiraahdo waxyaabahaas waxa ay ku tusineysaa inay joogaan meeshii aan u baahneyn inay joogaan” ayuu Gerrard u sheegay suxufiyiinta.

“Waxa ay si aad ah u xiiseynayaan inay waxyaabo sheeg sheegaan oo ay hadlaan. Hadal laguma badiyo ciyaar, ee in si fiican loo ciyaaro ayaa lagu badiyaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured