MUCJISADA KU XEERAN M/WEYNAHA SOMALILAND
Wax Ka Baro Astaamaha Ugaarka ah uu M/weynaha Somaliland Mudane,Axmed moxammad maxamuud.(Siilaanyo)
Mucjisada u horeysa waxay ahayd,27-ki Juulay 2010-ki oo ku beegnayd 24-kii saacadood ee
Barakaysana,dadka Muslimiinta? “Mucjisada Habeenka 15-ka Shacbaan , waxaa u dheer saddexdii sannadood sideed[8] maalmood oo ku beegan labada[2] bisha Juulay ee 2013. “Mucjiso kale Xiliga Uu Magacaabo Golaha Xukumadiisa Ama Wasiiradiisa, Waxaa laga joogaa muddu gaadhaysa saddex sannadood iyo sideed maalmood wakhtigi ay xukuumadu la wareegtay xilka ay maanta hayso,ee uu M/weynaha ka yahay Mudane,Axmed moxammad maxamuud. Mudadaas ay jirtay xukuumadan,wax qabadkeeda iyo horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay oo ah mid aan indhaha shicibka laga qarin Karin,oo si cad uga muuqda gudo iyo debadba,geesina waa garanaya doqona loo sheegi mayo. Haddaba markaan ka gudbo waxqabadka iyo horumarka ay ku tallaabsatayba,taariikhdaa qiraysa,qirina doonta. Waxaan inta uga gudbaya arrimaha mucjisada ah oo aan la sugayey wakhti ay ku habboon tahay inaan u soo gudbiyo shacabweynaha S/Land,si ay u ogaadaan dayrka ku xeeran xukuumada,gaar ahaan M/weynaha oo ah xiddiga ka iftiimaya Afrika gaar ahaan geeska Afrika. Waxaynu u gudbayna Mucjisooyinka ku xeeran xukuumadda,oo ah mid u baahan inay dadku ku xisaabtamaan qiimaha ay dal ahaan iyo dad ahaanba u leeyihiin. Mucjisada u horeysa waxay ahayd,27-ki Juulay 2010-ki oo ku beegnayd 24-kii saacadood ee Barakaysana,dadka Muslimiinta ahna qiimo weyn ugu fadhida. Koreeye Ilaahay[sw] agtiisana aan halkan lagu soo koobi karayn qiimaha iyo fadhliga ay ku fadhiyaan Habeenka iyo Maalintaasi. Waana Habeen & Maalin aan soo marin saddexdi M/weyne ee soo maray dalkan,siiba dalalka muslimiinta ah horeysiyo dambaysoba aanay weli soo marin maalintan iyo habeenkan barakaysan oo kale,M/weyne ka mida inta aynu kor ku soo xusnay. Waana Habeenka 15-ka Shacbaan . Waxaanay saddexdii sannadood ugu buuxaan,isla markaana ku beegan 24/06/013 oo ay Bisha Shacbaana tahay 15,waxaa u dheer saddexdii sannadood sideed[8] maalmood oo ku beegan labada[2] bisha Juulay ee 2013. Dibna u jalleec saddexdaas sannadood waxay soo qabatay xukuumadani,hadday kaa dahsoon yihiin kor iyo hoosba u akhri maqaalkan waad ka bogan doontaa, iyadoo aan soo koobay qoraalkaygan. Waxaa laga soo wariyey,Abu Hurayrata [RTC] wuxuu yidhi isagu,Rasuulka[SCW] ayaa yidhi, waxaa ii yimid, Jibraa`eel[cs] Habeenki 15-ka,Shacbaan waxaanu igu yidhi,Yaa MOXAMMAD [SCW]habeenkan Caawa ah, waxaa la furaya Albaabada SAMADA & Albaabada RAXMADA ee Istaag oo tuko,madaxa iyo gacmahaagana ilaa Samada kor u qaad.NABIGI[scw]ayaa ku yidhi, Jibriilow[cs] waa maxay habeenkani,maxaase dhacay….? Wuxuu igu yidhi, habeenkan waxaa la furayaa saddex boqol oo ka mida Albaabada RAXMADA. Waxaana loo dambi dhaafaya guud ahaan inta aan u shirki yeelin Ilaahay[sw] ee aan ahayn,saaxiriinta,faaliyayaasha,laaluush qaataha,kuwa khamriga caadaystay,kuwa u socda Sinada,kuwa Ribada cuna,waalid caasiga,Namiimiyaha,kuwa jara Riximkooda[Qaadico Rixim] kuwaasi looma dambi dhaafayo,ilaa ay ka toobad keenaan oo ay ka tagaan. Jibriil [cs ] ayaa ku yidhi,yaa MOXAMMAD[scw] kor u qaad madaxaaga oo eeg Samada,maxaad arkaysa…..? NABIGI[scw] ayaa eegay waxaanu arkay albaabadi Samada oo furan iyo Malaa`igti Samada aduunyada iyo kuwi Carshiga oo Sujuudsan,isla markaana dambi dhaaf u dalbanaya UMMADDA NABI MOXAMMAD [ SCW ]. Waana habeenka iyo maalinta,xisaab xidhka ee la furayo Diiwaanka Cusub lana xidhayo Diiwaanki hore oo ah,sannad walba habeenka 15-ka Bisha Shacbaan ayaa la xidhaa,Camalki Sannadkaas oo dhan Samaan iyo xumaan. Waxaana la furaa Diiwaan Cusub oo bilow u ah adoomaha oo dhan. Waxaa haddaba,mucjiso noqotay inuu M/weyne Axmed Moxammad Maxamuud,la kowsaday habeenka iyo maalinta barakaysan ama 24ka saacadood ee barakaysan,Diiwaanka cusub iyo xilka ugu sareeya aadamaha oo maalintaas lagu wareejiyey iyo saygiisi oo ku dhamaystay Diiwaanki xisaab xidhka oo la laabay ama la xidhayba samaan iyo xumaan wuxuu lahaa oo dhan. Waxaanay markhaati cad u tahay inu yahay shakhsi haybad iyo sharaf weyn xambaarsan oo dalkan iyo dadkiisaba u horseedaya halka ay higsanayaa. Mucjisada labaadna waa saddexda magac ee uu sito oo Cisi iyo Karaamo ku leh,Ilaahay[sw] agtiisa. Fadhliga magacyadani ay leeyihiin,waxaa noo xadiisay ama noo sheegay; Axmed bin C/llaahi,wuxuu yidhi,Awowgay,isna Aabbahay,Abul Cabbaas,sidqata bin Muusa bin Tamiim bin Rabiicata bin damratul Qanawi Mawla Caliyi bin Abi Daalib,waxaa noo sheegay Abi oo ka soo xigtay Xumaydal Dawiil isna uu ka soo xigtay, Aanis binu Maalik [ RTCH ] wuxuu yidhi,Rasuulka [scw] ayaa yidhi,laba adoon ayaa Ilaahay[sw] gacanta loo soo galinaya,kadib wuxuu ku amraya inay JANNADA galaan. Labadi adoon ayaa odhanaya,Rabbigayagiiyow maxaanu ku mutaysanay Jannad….camalkeediiba lamaanu iman ama maanu soo shaqaysan…? Koreeye Ilaahay[sw] ayaa ku odhanaya,waxaad adoomadaydiiyow Jannada ku galaysaan…. Anigu waxaan ka xishoonaya adoon magaci Xabiibkayga leh inaan NAARTA galiyo. Culimo badan oo uu midba midka kale ka soo xigtay,NABIGANA[scw] ay ka soo wariyeen,ayaa yidhi,NABIGA[scw] ayaa nagu yidhi,ka carruurtiisa labadan magac Axmed iyo Moxammad u bixiyaa,waa mid barakaysan isaga iyo wiilkiisuba Jannada ayey galayaan. Qaar kalena waxay yidhaahdeen,haddaad u bixisaan labadan magac mid ahaan waji farxad leh ku soo dhaweeya, karaamo yeela,ha ka cadhaysiinina,hana huruufina. Haddaba magacyadan shakhsiga xambaarsan,ma laga filaya inu shicibkiisa khayaali ku maaweeliyo….? Jawaabtu waa Maya. Eeg kitaabka sacaadatul daarayn,bogg.393—399 . Waxaanu shaki ku jirin oo hubaal ah,xisbiyada mucaaridka iyo shakhsiyaadka xag jira,shirqool kasto ay doonayaan inay ku mijo xaabiyaan,wax guul ah kama gaadhayaan,siiba war xume tashiilku ciddi us-kageed kama dhimi karaan ,nidaamka iyo hawl maalmeedkiisa uu ku gudanayo waajibaadkiisa shaqo. Taa waxaa raaca inta aan kor ku soo xusay hadday soo hor fadhiistaan, iyagoo cadhaysan waxay ka soo baxayaan iyagoo QOSLAYA. Tallaabo kasto uu qaadona guul mooyee,kuma guuldaraysanayo waanu ka wada buruud weyn yahay. Sidaas darted,yaan laga cadhaysiin,yaan la qallin daarin ee ha loo daayo Xilka loo igmaday. Mucjisada saddexaad ee ka dahsoon shicibka ama aysan ku xisaabtamin,waxaa weeyaan Safarki dheera ee uu Gobollada bariga oo dhan ku soo maray,iyadoo uu hore u soo maray Gobollada galbeedka S/Land. Safarkan oo baal Cusub oo Taariikhiya u furay Xukuumadan,isla markaana uu noqday M/weynihi u horeeyey oo Safar noocan oo kale ah ku taga inta Gobol ee uu dalkani ka kooban yahay. Waxaanu safarkaasi u quus gooyey,cid kasto cadow u ahayd gudo iyo debadba. Waxaa taa u raacda ka qayb galki shirki London,oo argagax , amakaag iyo fajiciso ku noqotay TFG-da soomaaliya[sheikh shariif]iyo cid kasto olole ugu jirtay midnimada soomaaliya. Arrimahaas iyo kuwo kaleba,waxay kor u qaadeen sumcadi iyo sharafti aynu ku lahayn Caalamkan,kuwaasoo fikirki ay ka haysteen S/land ay wax weyni iska bedeleen,isla markaana u qireen horeysiyo dambaysoba waxay qabsatay,kuna booriyey inay iyago laba dawladood ah miiska wada hadalka isugu yimaadaan oo ay Dawlad saddexaadna dhexdhexaadiso,taasina waxay ku timid go`aanki geesinimada lahaa ee uu shicibkiisa u soo bandhigay,kala tashaday in shirkaas laga qayb galo oo aynu aduun weynaha u soo bandhigno waxaynu doonayno iyo waxaynu diidan nahayba,mawqifkeenana aynu halkaa ka caddeyno........iwm. Wax qabadka xukuumadan halkan laguma soo koobi karo;balse,sannadkan u dambeeyey ayeynu inta u muhiimsan ka soo qaadanayna. Marka hore waxaynu soo qaadanayna wacdarihi iyo geesinimadi uu ku qaadacay inuu ka qayb galo shirki koofurta soomaaliya loogu qabanayey dalka Ingiriiska,go’aankii uu ka qaatay ee uu Ra’isal wasaaraha D.Cameron uu ugu jawaabay Af iyo qoraalba,inaanu shirkaasi khusayn JSL.ka qayb galkiisuna uu xaaraan yahay. Isla markaana ay shicibweynaha S/LANDna aad ugu khushuuceen kuna taageereen go’aankaa geesinimada leh ee uu ku qaadacay shirkaasi….iwm. Waxaa kaloo xusid mudan oo aan marna qarsoomayn,isla markaana M/weynayaashi soo maray ama ka horeeyeyba aanay hoosba u eegin hay’adaha Dawladdu dhismayaasha ay ku jiraan oo aan marna loo arki jirin Xafiisyo dawladeed,muuqaalkooda gudo iyo debadba leh oo aan lahayn qaab xafiisyo dawladeed ah…..iwm. Haddaba,maanta bal ka warama shicibow,dhismayaasha cusub ee hay’adaha dawlada loo dhisay iyo kuwa dhismahoodu socdo oo aan halkan lagu soo koobi karayn,muuqaalkooda bilicda san ee gudo iyo debadba leh,maantana u muuqda xafiisyo maamul iyo nidaam leh oo la tartami kara dowladaha aynu jaarka nahay iyo kuwo kaleba. Waana arrin ay iska indho tiraan kuwa af-lagaadeynaya,cambaareynaya iyagoo arkaya wax qabadka iyo horumarka ballaadhan ee ay xukuumadani gudo iyo debadba ku tallaabsatay,horti jirena awoodi waayey inuu wax is-bedela ku sameeyo hay’adaha loogu adeego shicibweynaha iyo Ajaanibka dalka soo booqda… iwm. Qof kasto dardara kululna dabar lagu ceshaa jira,waxaan leeyahay mucaaridow cadhuuftaada dib u liq,oo ha ku hungoobin hadal aan wax kuu soo kordhinay,sharaftaada iyo sumcadaadana waxaan jirin ka dhigaya…iwm. Waxaan leeyahay waa M/weyne dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u ah oo aanu jirin shakhsi maanta lagu doorsan karaa. 24/06/013,waxaa ugu buuxsamay saddex sannadood,oo ku beegan 15-kii shacbaan iyo isku shaandhaynta golaha wasiirada oo bog cusubi u furmay kii horena la laabay,waana guul u soo hoyatay JSL.oo dhan. Waxaan ku soo afjaraya maqaalkan mustafaysan,in M/weynaha loo daayo taladiisa iyo go`aanka uu ku meel marinayo wax qabadkiisa dhaw iyo kan fogba.waxaana hubaal ah haddii aan la qalin daarin inu kaga dhabayn doono himiladiisa uu ku doonayo,inu dalkani noqdo mid loo soo shaqo tago,balse aanu noqon mid laga tahriibo ama laga cararo. Waana M/weyne, Daacad u ah shaqadiisa oo aan cidna u habranayn. Shir kasto uu isago goob joog ka yahayna uu ku helayo wuxuu markaas ka doonayo ama uu ka dalbanayo . Muwaadin ha ka hadhin tareenka,maalin aan fogayn waxaad arki doonta busaaradi oo jabtay iyo shicibweynihi S/land oo yar iyo weynba u DUCAYNAYA,M/weyne,Axmad Moxammad Maxamuud. Waxaana kaaga filan mucjisooyinka aan kor ku soo xusay,oo ka turjumaya Barwaaqada iyo Nimcada ku soo fool leh JAMHUURIYADA S/ LAND. Allaa Mahad Leh Waxaa soo diyaariyey, ,AXMED M.M.C, MOHAMMAD JAAMAC LIIBAAN Tel.0634268588-79118404 gadbadiir2013@outlook.com Leave a comment |
|
MUCJISADA KU XEERAN M/WEYNAHA SOMALILAND
Wax Ka Baro Astaamaha Ugaarka ah uu M/weynaha Somaliland Mudane,Axmed moxammad maxamuud.(Siilaanyo)