DIGREETADII DHAGARAYSNAYD EE SIILAANYO KA SOO SAARAY BERBERA OO AY SOO BAXDAY SIRA-HEEDII.IYO CALI XOOR-XOOR OO KU FASHILMAY DEGAAMAYTII

0
Monday July 01, 2013 - 17:52:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIGREETADII DHAGARAYSNAYD EE SIILAANYO KA SOO SAARAY BERBERA OO AY SOO BAXDAY SIRA-HEEDII.IYO CALI XOOR-XOOR OO KU FASHILMAY DEGAAMAYTII

    Waxaa isaa-soo taraysa wax yeelada iyo Hagar-damooyinka uu madaxwayne siilaanyo digreetadii uu soo saray dhoowan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isaa-soo taraysa wax yeelada iyo Hagar-damooyinka uu madaxwayne siilaanyo digreetadii uu soo saray dhoowan

Waxaa isaa-soo taraysa wax yeelada iyo Hagar-damooyinka uu madaxwayne siilaanyo digreetadii uu soo saray dhoowan ayaa magaalada Ber-bera ka abuurtay buq iyo in aan la ilaawin.

Waatan Xogta iyo Xaqiiqda ku qarsoon Dhulka Free Zone ka ah ee Xeebta Berbera ,Saddexdii Sanadood ee ay xukuumada Siilaanyo hogaanka ummadda u-haysey waxa ay dhulka danta guud ay u-isticmaashey una martey dariiq Silan oo sabool ka ah sinaan iyo cadaalad.Siyaasadda xukuumada Siilaanyo waxay lumisey hanaankii iyo karaamadii Dawladnimo, taas uu maanta masiirkii ummaddu uu faraha ugu jiro cid-aan ehel-u-aheyn oo baadi-ah.Waxaa cadaan ah in taladii ummadda iyo hantidii ummaddu ay maanta gacanta ugu jirto koox-yar oo qawleysato ah oo iyagu isku og arimo gaar ah, ganacsi iyo qandaraasyo iyaga uun ku-kooban.Waxaa dhawaan Siilaanyo soo saarey Digreeto lagu xakameynaayo dhulka danta guud ama loo yaqaan ( Free zone ) dhulkaas oo dhaca xeebta Berbera gaar-ahaan aaga Dekekeda, Haamaha iyo Garoonka Diyaaradaha.ka soo bilow (wadada Dekeda ka baxda ee hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa illaa 15 Kilometer oo ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta ilaa 20 Kilometer.) Dhulkan oo ah sidaad aragtaan dhul aad u-balaadhan inta magaalaga soo xigta waxaa ku yaala ilaa iyo 2500 oo jago oo isugu jira dhul-dhisan oo meherado, Guryo, Bakhaaro, Geerashyo, dhul-dhismayaal cusubi ka socdo iyo dhul-banaanba leh , jagooyin-kaas oo dhamaan wada leh sharciyadoodii oo cashuuran oo dhameystiran.Hadaba muwaadinow dhulkaa isaga ah oo uu ka xishoodey Gumeystihii ingiriisku, Dawladii Faqashta Siyaad Bare, xukuumadii Abdirahman Tuur, Xukuumadii Ina-Cigaal ,iyo tii Daahir-Riyaale ayaa ay ka xishoon-weydey xukuumada Siilaanyo ee hadh-dacaarka ah kadib markii ay u-sadqeysey dhulkii danta guud shaqsiyaad shirkado sheeganaya. Waxaa kooxdan yar ee qawleysatada ah ee maanta ummadii S/land ay u-gacan gashey uu dhulkan Free zone ka ahi uu la galey ganacsigii iyo shirkadihii u-qarsoonaa ee ay gacan-wadaaga lahaayeen ee loogu talo-galey in ay shirkadahaasi noqdaan mustaqbaka mulkiilayaasha dhaqaalaha Soomaliland kantaroola ee dhaqaajiya ee kala wada. Waxaa nusqaan iyo wax-laga yaq-yaqsiyooda ah. Masuuliyiin aan wadan anshaxa iyo asuubta madaxnimo oo karaamo la-aan ah.oo mid-waliba uu hoosta ku sito shirkado aan bireysneyn oo xaaraan ah. Bal-kawarama dawladnimada iyo dhaqanka caynkaas ah ee ummadii wada aragtey ? Waxaa ay xukuumada Siilaanyo caadeysatey in ay shacabka Somaaliland ay mar-walba ku-beerto sas iyo sakati iyo qabyaalada taas oo cawaaqib xumo hor leh ku-keeni karta wadanka iyo degaanka gobolka Saaxil.


Weliba waxaa intaa u-sii dheer , Waxaa Maanta la gaadhey inta Dayaarado dhulka sahamiya la soo kireysto kadibna la waareegto meel kasta oo ay kheyraad, macdan ama biyo ay ku dhegaha is haysatey ay hadana maanta dhulkii oo la degan yahay, qaarna meherado yihiin Qaarna dhise-ku-socdo oo uu sharcigoodii u-wadda dhan-yahay ay bishan June 16 keedii ay ku dhawaaqadey Waa free zone oo lamana degi-karo lamana dhisan karo iyadoo u-gacan dhaaftey dawladii hoose iyo golihii degaanka ee la soo doortey si ka aradan milgaha dawladnimo iyo hab-dhaqanka maamul. Arinta cadaanka ah ee cakarini waxay ku-tuseysaa inay xukuumada Siilaanyo aaney dan-ka laheyn sugida nabad-gelyada ee ay sii hurineyso xanaftii iyo xajiintii iyo hitaakhadii ay gobolka ku reebtey doorashadii xaaraanta iyo xaq-darada aheyd ee ay xukuumadu damacdey in ay Qar-qarsi iyo Qoor-qabad kursiga ku saarto Maayar iyo Maayar-xigeen waraabe-utaag ah.
Su’aasha la-isweydiin-karaa waxa ay tahay -Hadii maanta madax-jaceyl iyo kursi Jaceyl iyo ganacsi Jaceyl iyo macdan Jacey uu maanta dhiig-u-daato yey galaa-faneysaa? Waxay galaa-faneysaa kuwa dibirsan ee rooga-ga cas-cas loo dhigo. Waxay galaafaneysaa kuwa ku cireystey dabin-isu maleega siyaasadeed ee xukun Jacey awgii-ilaawey aakhiradoodii. Waxa ay galaafan doontaa kuwa kursi jaceyl-dartii dadka iyo qabyaalada kala dilaala ee inta ay shaqsi mansab yar oo caanteyn ah inta ay u-dhiibaan kolba Musbaar kulul dabada kaga gujiya si uu xeyndaabka shaqadiisa uu uga baxo oo uu ugu gubto danbaska uu moodey in uu bakhtiyey laakiin hoosta ka hol-caaya. Waxay galaafan doontaa kuwa deris ku-noosha ah ee dalqada indhaha ku-leh ee ku tagri-falaaya hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda ee inta ay shaqsi ay lacag ku-shuntaan ay dhaafeen ay maanta maraayaan in ay qabiil dhan ay marxabeysiiyaan oo ay lacagtii ummadda ku-shubtaan. Dab-liqa !!!

La soco taxanaha danbe ee qormooyinka
Qalinkii:C/casiis Bashiir Nuur
Tel:4144434
Email:c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured