Brazil Oo Ku Guuleysatay Confederations Cup Ka Dib Markii Ay Cashar Lama Ilawaan Ah U Dhigeen Xulka Spain.

0
Monday July 01, 2013 - 17:16:13 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil Oo Ku Guuleysatay Confederations Cup Ka Dib Markii Ay Cashar Lama Ilawaan Ah U Dhigeen Xulka Spain.

    Xulka Brazil ayaa markii seddexaad oo isku xigta iyo guud ahaan markii afaraad ku guuleysatay koobka Confederations Cup ka dib markii ay cashar ugu dhigeen Maracana Stadium xulka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Brazil ayaa markii seddexaad oo isku xigta iyo guud ahaan markii afaraad ku guuleysatay koobka Confederations Cup ka dib markii ay cashar ugu dhigeen Maracana Stadium xulka Xulka Brazil ayaa markii seddexaad oo isku xigta iyo guud ahaan markii afaraad ku guuleysatay koobka Confederations Cup ka dib markii ay cashar ugu dhigeen Maracana Stadium xulka Spain oo ay ku garaaceen 3-0 kulankii finalka ee xalay

95 ilbiriqsi ayay ku qaadatay Brazil inay hogaanka u qabatay ciyaarta markii Hulk karoos uu soo dhigay ay u wada kaceen Neymar, Arbeloa iyo Fred, waxaana kubada oo isku soo laablaabatay ay lugta u gashay Fred oo dhulka yaala kaasoo ku guuleystay inuu shabaqa dhex dhigo.


Goolkaas ayaana ahaa goolkii afaraad ee weeraryahanka reer Brazil uu ka dhaliyo koobka Confederations Cup sannadkan.

Brazil ayaana ciyaarta iska heysatay qeybtii hore iyadoo abuurtay fursado badan oo goolal loo fishay, daqiiqadii 8aad ayay heleen kubad ay ku labeysan kareen hogaanka markii Oscar kubad uu shabaqa la beegsaday ay si ciriiri ah goolka ku agmartay.

Fursad kale oo gool loo fishay waxa ay aheyd markii Brazil ay kubad counter-attack ah qaaday daqiiqadii 32aad iyadoo Neymar uu kubad u dhex bixiyay Fred oo goolka uu ka xigay kaliya Casillas, laakiin darbadiisa waxaa lugta ku beeniyay goolhaye Casillas.

Fursada kaliya ee Spain ay heshay qeybtii hore waxa ay aheyd daqiiqadii 41aad markii Mata oo dhanka bidix ka soo galay uu kubad u dhex bixiyay Pedro oo goolka u furnaa, weeraryahanka Barcelona ayaa ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Cesar, laakiin inta aysan kubad dhaafin xariiqda goosha waxaa si fantastik ah u bixiyay daafaca Chelsea David Luiz.

Seddex daqiiqo ka dibna Brazil ayaa dheereysatay hogaanka ay u qalmeen, markii Neymar iyo Oscar ay kubad taabasho ah wada ciyaareen, iyadoo weeraryahanka Barcelona uu kubad cajiib ah oo sarre shabaqa dhex dhigay, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-0.

Waxaana lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay Brazil oo qeybtii hore cashar u dhigtay xulka difaacanaya koobka adduunka ee La Roja.

Labo daqiiqo ma aysan socon qeybtii labaad markii Brazil ay heshay goolkii seddexaad, Marcelo weerar soo aaday, waxaana uu kubad u dhiibay Hulk haalkaasoo isna dhanka bixi kubada u wareejiyay, Fred oo boos fiican heysta ayayna u tagtay kaasoo si sahlan ku dabamariyay Casillas.

Waa goolkii shanaad ee Fred dhaliyo sannadkan Koobka Qaaradaha, isagoo gooldhalinta la haya Fernando Torres.

Daqiiqadii 55aad Spain rajo ayaa soo gashay markii rigoore loo dhigay iyadoo Marcelo uu qalad ku galay Navas oo bedel ciyaarta ku soo galay, waxaa rigoorada u soo istaagay Sergio Ramos kaasoo banaanka marsiiyay kana qasaariyay xulkiisa La Roja.

Spain ayaa xaalada ay ku sii xumaatay daqiiqadii 68aad ee ciyaarta markii Pique uu qalad ku galay Neymar oo goolka u furnaa, garsooraha ayaana ka labalabeynin inuu kaar casaan toos ah siiyay Pique, waana kaarkii casaan toos ah ee ugu horeysay ee sannadkan laga bixiyo Confederations Cup.

Goolhaye Julio Cesar ayaana labo fursadood oo fiican ka beeniyay ciyaaryahanada reer Spain Pedro iyo David Villa dhamaadkii ciyaarta, iyadoo Brazil ay 3-0 kaga badisay xulka heysta Koobka Adduunka iyo kan Yurub Spain.

Brazil ayayna u tahay markii seddexaad ee isku xigta ee ay ku guuleystaan Koobka Qaaradaha ka dib markii ay hore u soo qaadeen 2005 iyo 2009, waana markii afaraad ee guud ahaan ay ku guuleystaan koobkaan.

Spain oo Koobka Adduunka difaacaneysa sannadka soo socda ayaa qaadatay bilada qalinka ee kaalinta labaad, halka Italy oo mar sii horeysay ka badisay Uruguay ay qaadatay bilada maarta ee kaalinta 3aad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured