Neymar Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Kubada Dahabka Ee Koobka Confederations Cup.

0
Monday July 01, 2013 - 17:12:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Kubada Dahabka Ee Koobka Confederations Cup.

    Neymar ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kubada Dahabka oo la siiyo ciyaaryahanka ugu fiicnaa tartanka Confederations Cup sannadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neymar ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kubada Dahabka oo la siiyo ciyaaryahanka ugu fiicnaa tartanka Confederations Cup sannadkan. Abaalmarintan oo ay u codeeyaan wakiilo saxaafada ah ayaa waxaa kaalinta labaad soo galay Andres Iniesta oo qaatay Kubada Qalinka, halka Neymar saaxiibkiis Paulinho loogu codeeyay kaalinta seddexaad isagoo ku guuleystay Kubada Maarta.

Neymar ayaa ka caawiyay dalkiisa Brazil inay qaadaan koobka Qaaradaha markii afaraad ahna markii seddexaad ee isku xigta, isagoo dhaliyay afar gool oo muhim ah.

Dhanka kale abaalmarinta Kabaha Dahabka ee gooldhalinta waxaa ku guuleystay Fernando Torres, halka Fred oo isku goolal ay ahaayeen uu qaatay Kabaha Qalinka, waxaana kaalinta 3aad soo galay Neymar oo qaatay Kabaha Maarta.


Goolhayaha ugu fiicnaa tartanka waxaa la siiyay goolhayaha xulka Brazil Julio Cesar, halka xulka Spain ay qaateen abaalmarinta ciyaar wanaaga, iyadoo uu u gudoomay kabtankooda Iker Casillas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured