War Deg Deg: Banaanbax Looga Soo Horjeedo Xadhiga Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Muqdisho Ka Socda

0
Monday July 01, 2013 - 17:09:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg: Banaanbax Looga Soo Horjeedo Xadhiga Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Muqdisho Ka Socda

    muqdisho(xogreebnews.com-Banaanbax ay isugu soo baxeyn dadweyne fara badan, ayaa wuxuu maanta ka soconayaa Bartamaha Magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

muqdisho(xogreebnews.com-Banaanbax ay isugu soo baxeyn dadweyne fara badan, ayaa wuxuu maanta ka soconayaa Bartamaha Magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu muqdisho(xogreebnews.com-Banaanbax ay isugu soo baxeyn dadweyne fara badan, ayaa wuxuu maanta ka soconayaa Bartamaha Magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu taageerayaa Sheekh Xasan Daahir
Banaan baxayaan ayaa wuxuu ka soconayaa Isgoysyada K.P.P, Tarabuunka ilaa Warshadii Caanaha ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dadka banaanbaxa dhigaaya ayaa waxay ka soo horjeedaan oo ay ka careysan yihiin xariga, ay Dowladda Federalka ee Soomaaliya kula kacday Sheekh Xasan Daahir Aweys.


Banaan baxayaasha ayaa waxay ku qaylinayaan ereyo kul kulul oo ka dhan ah, balantii ay Dowladdu ku furtay Ergaydii Sheekh Xasan Daahir Aweys ka soo bara bixisay Magaalada Cadaado.

Isgoyska Tarabuunka ayaa waxaa lagu arkayaa uuro xoog leh oo cirka isu shareertay, kadib markii banaan baxayaasha ay aaggaasi ku gubeen taayeero badan.

Gaadiidleyda isticmaaleysa Isgoyska Tarabuunka, ayaa waxaa xilligaan ku adag inay si caadi ah isugu kala gooshaan, bacdamaa ay weli ka sii soconayaan banaanbaxa, looga soo horjeedo xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured