Shir shaqo abuuris loogu samaynayo Dhalinyara Somaliland oo Hargeysa Laga Furay

0
Monday July 01, 2013 - 16:35:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir shaqo abuuris loogu samaynayo Dhalinyara Somaliland oo Hargeysa Laga Furay

    -Shirkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradaha Shaqada iyo Arimah Bulshada iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland Hay’adaha Shaqadoon iyo ILO ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Shirkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradaha Shaqada iyo Arimah Bulshada iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland Hay’adaha Shaqadoon iyo ILO ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor Hargeysa.(xogreebnews.com-Shirkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradaha Shaqada iyo Arimah Bulshada iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland Hay’adaha Shaqadoon iyo ILO ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor Ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qaybgalay Madaxwaynaha Somaliland Xubno ka mida Golaha Wasiirada Madaxda Hay’dahaasi iyo Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo iyo Marti sharafkale oo aad u tirobadan waxa kale kale oo shirkan barbar socday Carwo shaqo abuuris oo lagu soo bandhigay halkaasi.

Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Mubaarik Ismaaciil Taani oo ugu horayn madashaasi ka hadlay ayaa ka wa warbixiyey Muhiimada uu shirkani u leeyahay dhalinyarada Somaliland madaama oo uu yahay shir loogu samaynayo shaqo abuuris waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Hadaanu nahay Dalada Dhalinyarada Waxaa farxad noo ah qabsoomida shirwaynahan Qaran ee lagaga arin sanayo sidii shaqo abuuris loogu samayn lahaa dhalinyaradeena taas oo dawo u noqon karta shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Dalkeena oo noqotay Masiiba Qarankeenu socodka u gaabiyo mudadii Qarankeenu uu jiray”

shir 1

Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Somliland ee Sonyo isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa u dhidhi“Dalada Sonyo waxay rajaynaysaa in shirkan Qaran ay ka soo baxaan qorsheyaal siyaasadeed iyo barnaamijyo habaysan oo wax ku ool ah oo wax lagaga qabto aafada baahsan ee shaqo la’aanta” ayuu yidhi Mubaarik Ismaaciil Taani

shir 2

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland oo Munaasibadaasi Hadalo Kooban ka soo jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimada uu shirkani leeyahay waxaanu yidhi “Shirkan muhiimka ah ee arinka qaaliga ah lagaga hadlayo, Wadan walba dhaqaalihiisa waxaa lagu cabiraa laxaadka wax soo saarkiisa iyo inta ka shaqaysa, Madaxwayne dawladaadu dadaalwaynbay u gashay sidii shaqo loo abuuri lahaa 3-dii sano ee la soo dhaafay waxay dawlada shaqaalaysay in ka badan 4 kun oo qof oo u badan dhalinyaradii Jaamcadaha ka soo baxday, Shaqada ay dawladu abuuri karto iyo shaqada ay ganacsatadu abuuri karto iyo inta shaqo doonka ah ee maalin walba ku soo biiraysa safafka shaqa doonka aad bay ufara badan yihiin shirkan ajendihiisuna wax weeye sidii labadaa laysku waafajin lahaa waa shaqadii iyo shaqo doonkii didii looga wada hadli laha ee looga arin san lahaa caqabadaha ina hortaagan”

shir 7

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka soo qayb galay furitaanka shirkaasi ayaa Hadlo kooban ka yidhi waxaana ka mid ahaa “Dalkeena inaynu kala dagaalano dhalinyarada tahriibaysa ee badaha isku tuuraysa ee dal aan loo baahnayn qabanaysa iyadoo uu dadlkoodu u haahan yahay waxaana waajib inagu ah dawlad ahaan inaynu wax u qabano oo fursadihii loo abuuri lahaa dhalin yarada si ay shaqo u helaan oo ay dad kooda wax ugu kordhiyaan iyaguna shaqo anfacda uga heli lahaayeen laaga wada shaqayn lahaa anaguna waxaanu balan qaadayna wixii xagayaga ah inaanu si buurda u fulino oo aanu uga soo baxno” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

shir 4

Dhanka kale waxa shirkaasi barbar socota Carwo loogu talo galay shaqo abuurista Dhalinyarada oo uu madaxwaynaha Jamhuurada Somaliland Xadhiga ka jaray taasi oo uu kormeer ku soo wada mara dhamaan qayba ganacsi ee meeshaasi lagu soo bandhigay intaasi ka dibna waxa uu hadalo kooban ka yidhi furitankii Carwadaasi waxaana hadlakiisa ka mid ahaa

shir 10

Dhalinyarada waxaan ku guubaabinayaa inay fursadaha jira raadsadaan oo kuwa lala abuuro, kuwa dawladu ka shaqaynayso, kuwa Hay’aduhu ka shaqaynayaan oo ay marwalba wixii dalkooda dandiisu ku jirto ee maslaxadoodu ku jirto inay ka shaqeeyaan oo ah dhismaha Dalka iyo umada anaguna Dawlad ahaan waad aragtaan inta dadaal socoto oo maalin walba maalinta ka dambaysa waa la sii kordhinayaa sidii loo abuuri lahaa Fursado shaqo oo meel looga soo wada jeesto shaqo la’aanta”

shir 77

Shirkan oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa lagu lafa guridoona sidii dhalinyarada Reer Somliland loogu samayn lahaa shaqo abuuris.

shir 66 shir 12 shir 11 shir 9 shir 8 shir 6 shir 5 shir 3




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured