Nin Aan Arraweelo Wadin Ama Odayaal Beeleed Keenin Meeshan Masoo Galo (Wasiir-kuxigeenkii hore ee Ganacsiga Aadan-Geeljire)

0
Monday July 01, 2013 - 16:21:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Aan Arraweelo Wadin Ama Odayaal Beeleed Keenin Meeshan Masoo Galo (Wasiir-kuxigeenkii hore ee Ganacsiga Aadan-Geeljire)

    Ceerigaabo (xogreebnews.com- Wasiir-uxigeenkii hore ee Ganacsiga Aadan Diiriye Cigaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceerigaabo (xogreebnews.com- Wasiir-uxigeenkii hore ee Ganacsiga Aadan Diiriye Cigaa Ceerigaabo (xogreebnews.com- Wasiir-uxigeenkii hore ee Ganacsiga Aadan Diiriye Cigaa(Geeljire) oo ka mid ah xubnihii golaha wasiirrada Somaliland ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo xilka qaadista ku sameeyey ayaa isagoo kusugan Hargeysa ka hadlay xilka qaadistiisii, waxaana hadaladiisii kamid ahaa

“Horta Aniga xilka waxa la iga qaaday maalintii Badhasaabnimada Sanaag la iga beddeley Magcaabistayda Wasiirku-xigeennimaduna waxay ahayd mid aan madaxtooyada kazoo bixin oo aan Duur (Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha) dhaafsanayn waayo Waxa lay odhan jirey Duur baa ku magcaabay Afartii bilood ee aan wasiirkuxigeenka ahaana mushaharkayguna wuxu ahaa hana dhiman hana noolaan gaadhina markaan weydiistey waxa la igu yidhi waa lagu dallacsiiyeye maxaad baabuurka ku falaysaa markii ugu danbayseyna bishii inna dhaaftay wasiirkii ganacsiga ayaa jeebkiisa iigasoo amaahday gaadhi taasoo ay Ii caddaatay hadalkii ahaa Duur baa ku magcaabay oo Markii Duur la Eryeyna waxa la yidhi Qori iyo Qudhaanyadiis Waa la Isku Tuuraa Markaa tan maanta culaysna iguma hayso waanna ku qanacsanahay”.




Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Waxa kaloo jirta caddaalad darro wasiirrada dhexdooda ah oo aan kala ogaadey muddadii koobnayd ee aan golahan ku jirey wasiirrada shilis iyo wasiirrada caatada ah oo qaarkood iyadoo madaxweynuhu fadhiyo odhanayaan anigoo afka madaxweynaha ku hadlaya waxan magcaabay guddiyo iwm qaarkoodna sida libaax raq haysta u fadhiyaan qaarkoodna sidii dawaco habar dugaag raq laga weerayo siday Isha midhigtaas u hayaan oo u eegayaan ayaa shirka la xidhaa caddaalad darradaasina waa waxyaabaha ctiraafka loo la’yahay wax shaqo qaybsi ahina aanay jirin oo la isku wada haysto intooda badan Job description qaarkood shirarkaba kazoo xaadirayn qaarna saacad hadday maqnaadaan ganbaleel laga daba garaacayo”. Isagoo intaas kusii daray”Anigu Nin Aqoonyahan 20 sano hay’adaha caalammiga ah lasoo shaqaynayey aqoontana shahaadada 2-aad haysta baan ahay laakiin Nin Aan Arraweelo wadin ama Odayaal beeleed keenin halkan masoo galo Wax dan ahna kama lihi maanta waana ku faraxsanahay anigu”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured