Dabka ka Holcaaya kismaayo Oo Cida ka Danbaysaa Ay Dibada Usoo Baxday

0
Sunday June 30, 2013 - 20:51:48 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabka ka Holcaaya kismaayo Oo Cida ka Danbaysaa Ay Dibada Usoo Baxday

    [DUBE MAXA WAAN ISKA DHACNAA DAAYIN ABIDKEENE] BY XASAN JIRDE AW MAXAXAMUUD [DANJIR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[DUBE MAXA WAAN ISKA DHACNAA DAAYIN ABIDKEENE] BY XASAN JIRDE AW MAXAXAMUUD [DANJIR

MARKA HORE WAXAAN TACSI U DIRAYAA DADKA KU GEERIYOODAY DAGAALA DA KA SOCDA MAGAALO XEEBEEDKA KISMAAYO WAXAANA UGA TACSIYA DAY NAYAA DHAMAAN UMADA SOOMAALIDA MEEL KASTA OO AY JOOGTO ILAAHAYNA KA BARYAYA INUU SAMIR IYO IIMAAN INAGA SIIYO INTA KALE EE UDIYAARKA DAGAALKANA SOO HADEEYO XAQANA TUSO

Hadaan udaan dago maqaalkayga oo hor-dhac ah waxa wax aadlooga naxo ah dagaalada ka soconaya magaalada kismaayo xili ay umada degan gobolada juboland ay filayeen inay kanasan doonaan dagaalada soodaashaday mudada kabadan 20 sano hasa ahaatee waxa rajadaas mugdi galiyay dagaal oo gayaal iyo qab qab layaal dagaal iimaan laawayaal ah oo ay dabada ka riixayaan dawlado cadaw ku ah jiri taanka umada soomaaliyeed islamarkaana doonaya inay dana hooda gaarka ah ka fushadaan soomaaliya

Dawladahaas waxa udub dhexaad u ah dawlada kenyaa iyo itoobiya

Kenya waa dawlada sitoosa faraha ugula jirta iyadoo kaashanaysa soomaalida wadan keeda dagta

Taas oo sababtay inay guud ahaanba faraha dawlada federaalka ah ka baxaan gobolada jubooyinku

Ayna dhacday in wasiiro xukuumad katirsan lagu xidho eriboodhka kismaayo dawla Kenya ooh ore uhaysatay dhul soomaaliyeed ayaa maantana doonaysa inay ku darsato gobolada ugu khayraadka badan soomaaliya bal nasiib daradaas day

Soomaalida ayaa ku maah maahda geed baa yidhi [hadaan gudineey badh kay ku jirin imaad goyseen]

Waa kii abwaan gaariyana lahaa [intaan dacawga weerari midhaa waxa ka door roon inaan doqonka eersado duunyada ku aaminay]

Taas oo aan uga goleeyahay kinya waxa ka xun oo kaliita kuwa ay soo ijaaratay maqaal keena manta waxaan igunku dhaafayaa gabay abwaan tima cade kuweena danbe waxaynu kaga warami doonaa dana ay kaleeyihiin gobolada jubooyinka Kenya iyo itoobiya

Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin


Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye
Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, d
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Lasoco….

Qallinkii xasan jirde aw maxamud(danjir

4778586

Shabeel450@live.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured