Wasiirka Hada Xilka Wareejinaya Ee Wasarada Hawlaha Guud Oo Shirkad Ku Wareejiyey Samaynta Liisanada Baabuurta

0
Sunday June 30, 2013 - 19:44:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hada Xilka Wareejinaya Ee Wasarada Hawlaha Guud Oo Shirkad Ku Wareejiyey Samaynta Liisanada Baabuurta

    Hargeysa(xogreebnews.com--Wasiirka hada xilka wareejinaya ee Wasaarada hawlaha guud iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com--Wasiirka hada xilka wareejinaya ee Wasaarada hawlaha guud iyo Hargeysa(xogreebnews.com--Wasiirka hada xilka wareejinaya ee Wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta si rasmi ah shirkad ugu wareejiyey samaynta liisamada gaadiidka oo casri ah.

Munaasibada Wasiirku shirkadda ugu wareejinayey qandaraaska liisamada gaadiidka Somaliland, oo ka dhacday xarunta Wasaarada hawlaha guud, ayaa waxa goobtaas ka soo qaybgalay masuuliyiin dhawra iyo dadwayne kale.

Wasiirka oo halkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa tilmaamay faa’iidada ugu jirta samaynta Liisanada noocan oo kale ah ee shirkadu samaynayso waxanu yidhi “Waxaanu go’aansanay inaanu saaka furno liisankii Lafta ahaa ee adduunku isticmaalo oo aanu siinay (Qandaraaska samaynta Liisamada) shirkad nala shaqeysay, muddo dheerna ka soo shaqeynaysay, waayo shacabka dhibaato ayaa haysata, dad badan ayaa maalin walba ku dhimanaya shilalka baabuurta, baabuurtu waa cadow, ninka baabuurka kaxaynayaa wuxuu qaadayaa masuuliyadda dadka uu qaadayo ee dhan 30-ka ama 40-ka qof, wixii dhaqaale ah ee saarnaa, gaadhiga laftiisa oo lacag badan ku yimid dalka, markaa ninka gaadhigaa wadayaa waa nin aad loo tababaray oo la hubiyey, waayo dadka shilalka ku dhintay waa kumanaan”


Si doo kale waxa uu wasiirku hoosta ka xariiqay faa’iidada uu liisanka noocan oo kale ah ee ay shirkadu si heer caalami ah loo soo saarayo,isla markaana tobabar la siinayo darawaliinta,oo iyaga laga rabo masuuliyada koowaad ,si looga hortago ama loo yareeyo shilalka maalin walba ku dhacaya bulshada reer Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured