Badhasaabka awdal oo si taxadir leh uga hadlay dhacdadii xariirad

0
Saturday March 09, 2013 - 17:23:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka awdal oo si taxadir leh uga hadlay dhacdadii xariirad

    G/Awdal Mud. Cabdoo Aayar ayaa maanta ka hadlay dhacdadii Xariirad, waxna uu u uuqday mid ereyada kala xulanaya si taxadir mudana uga hadlaya arintan,isaga oo si guud u dul maray ahmiyadana siiyay ilaalinta nabadgalyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

G/Awdal Mud. Cabdoo Aayar ayaa maanta ka hadlay dhacdadii Xariirad, waxna uu u uuqday mid ereyada kala xulanaya si taxadir mudana uga hadlaya arintan,isaga oo si guud u dul maray ahmiyadana siiyay ilaalinta nabadgalyada.
Waxa aan aad uga xumahay wixii ka dhacau Xariirad todobaadkan, waxa aan aad uga xumahay dhimashada ay sababtay arinta, waxa aan aaminsanahay in dadka ku nool Awdal iyo Salal ay yihiin dad walalo ah oo oodwadag ah oo ay dano badani ka dhexeeyaan oo aanan sinaba u kala tagayn, waxa aan mudnaanta siinayaa marwalba dhinaca nabadgalyada, waxana aan diyaar u ahay inaan nabadgalyada ka shaqeeyo gabi ahaanteedba”, ayuu yidhi badhasaab Cabdoo


Badhasaabku isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Gobolka Awdal waa meel ku caan ah nabadgalyada, waa meeshii Somaliland lagu dhisay waa meel dadkeedu ay nabada u hogaan san yihiin isla markaana uu ka hano qaaday hormar balaadhan oo dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo guud ahaan nolosha ah, sidaasi oo ay tahay waxa aan diyaar u ahay inaan nabadgalyada mudnaanta siiyo aniga ooogsoon inaanan kaligay waxba qaban karin balse aan u baahanahay in la ogsoonaado taageerada dadka reer Awdal”

Badhasaab Cabdoo waxa uu haweenka ku buuriyay inay ka qayb qaataan ilalinta nabadgalyada waxana uu yidhi “ Haweenku waa kuwa dal dhisa ama dumiya, waa kuwa raga colaada ama nabadgalyada ku dhiiri galiya, waxa aan uga socdaa oo aan ku boorinayaa haweenka reer Awdal inay ka shaqeeyaan nabadalyada”.

Sidan waxa uu badhasaab Cabdoo Aayar sheegay mar uu ka hadlayay munaasabada 8 March ee maalinta haweenka Aduunka oo Boorama laga xusay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured