Somaliland: Ma Liicin, Ma Laalmin, Mana Lumin (Qormadii: 2aad) — Qalinka: Boobe

0
Friday March 08, 2013 - 10:47:32 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Ma Liicin, Ma Laalmin, Mana Lumin (Qormadii: 2aad) — Qalinka: Boobe

    Innagu in aynu sas qaadno ma aha, xukuumaddeenuna in ay inaga darto oo sakati sii qaaddo ma aha. Ma aha in ay ku waalato oo sidii cajaladaha ku cel-celiso talo-qaran ayaa shirkaa London laga yeelanayaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innagu in aynu sas qaadno ma aha, xukuumaddeenuna in ay inaga darto oo sakati sii qaaddo ma aha. Ma aha in ay ku waalato oo sidii cajaladaha ku cel-celiso talo-qaran ayaa shirkaa London laga yeelanayaa.
Xukuumaddu waa in ay Xukuumad noqotaa, dadku waa in uu dad noqdaa, dalkuna waa in uu dal noqdaa. Beesha caalamka ayaynu ka tirsan nahay. Shirar ayaynu Feeberweri iyo Juun 2012kiiba gallay, ee bal horto aan is-xusuusinno wixii aynu saxeexnay ee heshiiska ku gallay ee adduunyadu inagu ogeyd. Ka-sokow Beesha Caalamka oo si ballaadahn Shirarkaa uga qayb-gashay waxna uga ogeyd, waxa si gaar ah la inoogu halleeyay oo goob-joogayaal ka ahaa: EU-da, Boqortooyada Britain iyo dalka Norway. Berigaa waxa lagu heshiiyay oo aynu innaguna saxeexa qalinka ku duugnay Qoddobbadan 8da ah ee hoos ku taxan oo aan ka soo dheegtay, Mareegta Somalilandpress iyaga oo Af-ingiriisi ku qoran, tarjumadduna rasmi ma aha ee aniga ayaa sameeyay:


Ka-qayb-galayaashii Shirkaa London ee ‘TFG-da’ iyo Somaliland ka socday waxay go’aansadeen oo ay ku heshiiyeen 8da Qodob ee kala ah:

Waxay ku heshiiyeen in ay wada-hadallada ama wada-xaajoodku dhex maraan labada dhinac ee kala ah — Dawladda Federaalka ee Ku-meel-gaadhka ah ‘TFG’ (ama beddelkeeda) iyo Somaliland, iyada oo la raacayo Sii-qaadka 6aad (paragraph) ee War-murtiyeedkii Shirweynihii London iyo Sii-qaadka 10aad ee War-mutiyeedkii Shirweynihii Istanbuul ee 2aad,
Waxay labada dhinacba xuseen baahida loo qabo in la samaysto ama la yeeshaba aragti laga siman yahay ama la wadaagaba oo lagaga fogaanayo wax kasta oo carqalad ku noqon kara sii wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada sida kor ku xusan,
Waxay labada dhinacba u darban yihiin nidarna (committed) ku mareen sii-wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada, waxaanay labada madaxweyne ugu baaqayaan in ay si dhakhso ah u kulmaan si ay u qiimeeyaan horumarka wada-hadallada laga gaadhay,
Waxay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in ay sii wadaan fududaynta wada-hadallada, iyaga oo labada dhinac ku kaabaya Xeel-dheereyaal dibadeed oo xagga: shuruucda, dhaqaalaha iyo amnigaba ah,
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay waayo-aragnimadooda la wadaagaan Beesha Caalamka si ay horumarka iyo kaalmada aadminimo ugu daneeyaan dadyowga labada dhinac iyaga oo isla markaana Beesha Caalamka ka codsaday in ay taageeradaa kordhiyaan,
Waxay labada dhinacba ku heshiiyeen in ay la dagaallamaan: argaggixisada, xag-jirnimada iyo dhagarta kale ee halista ahba,
Waxay ku heshiiyeen labada dhinacba in ay iska kaashadaan la-dagaallanka budhcadnimada: bad iyo berriba, dhagarta gaadiidka badda, kalluumaysiga aan sharciga ahayn iyo wasakhda nukliyeerka ee badaha lagu daadiyo,
Waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin in Soomaaliya ka baxdo, marxaladda kala-guurka,
Intaasi ma ina kala gaadhay. Si aynu wax u sii iftiiminno oo aynu jaanta mar u wada qaadno oo aynaan u kala hadhin bal aan xabbad-qaadno Qodobba qaarkood iyo raad-raacoodaba. Waxaan iftiimintan u cuskanayaa qaybo ka mid ah faallo ay Mareegta Somalilandpress raacisay iyo wax aan sidaa u sii badnayn oo aan anigu ku kabay.

Qodobka 1aad wuxu gabbaad ama mus-danbeedba ka dhiganayaa: Sii-qaadka (paragraph) 6aad ee War-murtiyeedkii London oo odhanaya:

“Shirweynuhu wuxu aqoonsaday baahida loo qabo in Beesha Caalamku taageerto wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Dawladda Federaalka ee Ku-meel-gaadhka ah ama beddelkeedu ku heshiiyaan in ay hirgeliyaan si ay u qeexaan xidhiidhka ay mustaqbalka yeelanayaan.”

Kaasi waa nabar, oo wada-hadallada Somaliland iyo TFG-da ama beddelkeeda Qodobkan ayaa ka mid ah tiir-dhexaadyada loo cuskanayo.

Bal hadda u fiirsada ‘TFG-da’ ama beddelkeeda. Ma wax laga saso ayaa halkan ku jira. ‘TFG-da’ ayaa carrifan, halka beddelkeedu aanu macno sidaa u sii ridan lahayn. Waxa looga jeedaa wixii ‘TFG-da’ beddela wuxuu doonaba ha noqdo e’. Xataa ‘ xarafka Ba’-da ee ereyga beddelkeeda ugu horreeyaa ma weyna (capital). Bal ka warrama dadka waxaa ‘beddelkeeda’ lagu sheegay saska ka qaadaya.

Cuskashada ama xigashada labaad, waa Sii-qaadka: 10aad ee War-murtiyeedkii Shirweynihii Istanbuul ee 2aad oo isaguna odhanaya ama dhigayaba:

“Shirweynuhu wuxu sii xoojiyay baahida ma-dhaafaanka ah ee loo qabo in Beesha Caalamku taageerto wada-hadallada ay Somaliland iyo TFG-du ku heshiiyeen in ay sii wadaan.”

Halkan waxaynu ku soo aragnay 8 Qodob oo lagu heshiiyay iyo laba Qodob oo dhaabad u ah oo loo cuskanayo wada-hadallada. Sidaas ayay Somaliland kaga soo baxday Shirweynayaashaa London iyo Istanbuul ka kala dhacay. Waxa kale oo jiray mid aan aad loo baahin oo doc-ka-tuur ahaa oo isaguna Dubai ka dhacay.

Wada-hadalladan bisha Meey, 2013ka loo ballansan yahay, waa qaar ku taxan dhacdooyinkan iyo Qodobbadan aynu kor ku soo xusnay.

Bal hadda aan Qodobka: 2aad ku horreynno oo soo qaadanno:

“Waxay labada dhinacba xuseen baahida loo qabo in la samaysto ama la yeeshaba aragti laga siman yahay ama la wadaagaba oo lagaga fogaanayo wax kasta oo carqalad ku noqon kara sii wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada sida kor ku xusan.”

Weligiin miyaad maqasheen labadii dhinac ee wada-hadalladu ka dhexeeyeen oo arrintan ka shiray, qodobbo laga mideysan yahayna ka soo saaray? Miyaad maqasheen Xukuumaddeenna amran oo wax dacwad ah ka qortay ama ka soo saartay Qodobkaas oo ay ‘TFG-dii’ ama dawladda maanta Xamar ka jirtaa ku gabbood-fashay oo ay cabashada caynkaas ah ka soo saartay. Alleylehe, haddii laga tegi waayo, mararka qaarkood ayaynu maqallaa Wasiir shir-jaraa’id wax sidaa u eg ka sheegay oo aan innagaba ina soo wada gaadhin. Goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayaynu ku bararugeynaa shirkii wada-

hadallada ayaa London ka furmaya markaas ayay af-kala-qaad inagu noqonaysaa. Innaguna garan weynay maxaa lala tegayaa oo waxaynu ku mashquulnay “Yaa ka mid noqonaya wefdiga ee soo faro-qabsanaya.” Waxaynu ku waalannaa; “talo-qaran ha laga yeesho, tegi meynno, waa xaaraan iyo waxyaabo la mid ah oo aan la inaga iibsanayn, qayrkeenna aanay seladah geyn.”

(La soco………………………..)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured